HORDHAC: Liverpool vs Wolves – Reds Oo Imtaxaan Adag Ku Maraya Anfield Oo Jamaahiiri Imanayso, Shaxaha Macquulka Ah & Xogta Kulanka

0
Sunday December 06, 2020 - 16:24:48 in Wararka by
  • Visits: 4933
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HORDHAC: Liverpool vs Wolves – Reds Oo Imtaxaan Adag Ku Maraya Anfield Oo Jamaahiiri Imanayso, Shaxaha Macquulka Ah & Xogta Kulanka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ee Liverpool ayaa soo dhawayn doonta dhigeeda Wolves oo ah koox markasta dhibaato badan ku abuurta kooxaha kahor imanaya.

Liverpool ayaa kulankan sidoo kale dib usoo dhawayn doonta 2,000 oo kamida jamaahiirteeda oo loo ogolaan doono inay yimaadaan gegida Anfield.

Hal wax oo aan isbedelin inta ay Anfield ka maqnaayeen jamaahiirtu ayaa ah rekoodhka cajiibka ah ee ay Liiverpool ku haysato garoonkaas iyagoo hadda 64 kulan guuldarro la’aan ku ah halkaas taasina ay ka dhigayso kooxda labaad ee England kulamada ugu badan aan garoonkeeda lagaga adkaan kaddib Chelsea.

Advertisements
 

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson iyo Andrew Roberton ayaa kamid noqday liiska xiddigaha kooxdaas ee shakiga la gelinayo ka qayb ahaanshahooda kulankan kaddib jug ay kala baxeen kulankii toddobaadkii hore balse Klopp ayaa ku rajo weyn inay labaduba diyaar noqon doonaan.

Sidoo kale Reds ayaa kulankan dib u heli kara daafaca midig ee Trent Alexander Arnold kaas oo tababarka qaatay toddobaadkan walow aan la hubin haddii uu kusoo bilaaban doono.

Si lamid ah Alexander Arnold, waxa isna soo kabtay khadka dhexe ee Naby Keita, iyadoo labada xiddigba ay kusoo laabteen safka kooxda ayaa la filayaa in Klopp uusan toos ugula soo deg-degi doonin shaxdiisa kulankan.

Alisson Becker ayaa markale ka maqnaan doona Liverpool waxaana bedelaya da’yarka Kelleher oo wacdarro kusoo dhigay kulankii Champions League ee Ajax isagoo booska goolhayaha dookha labaad kala baxay Adrian.

Liverpool ayay sidoo kale ka maqnaan doonaan Virgil Van Dijk, James Milner, Thiago, Chamberlain iyo Shaqiri walow aan la filayn in Shaqiri uu aad uga fogyahay inuu garoomada kusoo laabto.

Wolves ayuu ka maqnaan doonaa Raul Jimenez oo dhaawac madaxa ahi gaadhay waxaana la filayaa inuu kusoo bilaaban doono xiddiga rekoodhka Wolves ee suuqa ah ee Fabio Silva.

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Anfield

Wakhtiga: 10:15 habeenimo xilliga geeska Africa

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Liverpool:Kelleher; N Williams, Fabinho, Matip, Robertson; Henderson, Wijnaldum; Salah, Firmino, Mane; Jota

Wolverhampton Wanderers:Patricio; Semedo, Boly, Coady, Marcal; Dendoncker, Moutinho; Traore, Podence, Neto; Silva




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip