Saraakiil ka tirsan ciidamada Maamulka Puntland ayaa sheegay in ujeedka weerarka ay tahay in nolosha ay ku qabtaan Shabaabka hubaysan ama ay laayaan, waa sida ay Saraakiishaasi ay sheegeen.
Dagaalkaan oo ah mid kulul ayaa labada dhinac waxa ay isku adeegsanayaan rasaas kala duwan, waxaana xusid mudan goobta dagaalka uu hada ka socda inay ku dhaw dahay Deegaanka Dabakaraale oo shalay labada ciidan ay ku wada dagaalameen.
Lama ogaan karo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii shalay iyo midka hada socda intaba, ee u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Puntland iyo Xoogaga Shabaab.
Guutada labaad ee ciidamada Difaaca Maamulka Puntland ayaa qaaday dagaalkaan hada socda, waxaana xusid mudan Saraakiisha ugu sareysa ciidanka Puntland inay ku sugan yihiin Deegaanka Garacad, halkaasi oo ay ka hogaaminayaan dagaalka socda.
Puntland ayaa dar dar kaga hortagtay Koox ka tirsan Ururka Shabaab oo doonaayay inay fariisimo cusub ka sameystaan dhulka Xeebaha ah ee Gobolada Mudug iyo Nugaal.
XIGASHO:-DHACDO.COM



0 



Dagaal culus oo dib uga qarxay duleedka Garacad ee Gobolka Mudug
Wararka saaka ka imaanaya Duleedka deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in mar kale uu dib halkaasi uga qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Maamulka Puntland iyo Ciidan ka tirsan Ururka Al Shabaab.