Chelsea Oo Guul Soo Laabasho Ah Ka Gaartay Leeds & Blues Oo La Wareegtay Hogaanka Premier League Iyagoo Heysta Daafaca Ugu Goolasha Badan Horyaalka

0
Sunday December 06, 2020 - 15:38:52 in Wararka by
  • Visits: 4752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea Oo Guul Soo Laabasho Ah Ka Gaartay Leeds & Blues Oo La Wareegtay Hogaanka Premier League Iyagoo Heysta Daafaca Ugu Goolasha Badan Horyaalka

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Chelsea ayaa la wareegtay hogaanka horyaalka Premier League ka dib markii ay guul soo laabasho 3-1 ah ka gaareen kooxda Leeds United oo marti ku aheyd garoonka Stamford Bridge.

Leeds ayaa hogaanka ku hormartay ka dib gool uu u saxiixay xiddigii hore ee Chelsea Bamford laakiin xiddiga gooldhalinta la saaxiibka noqday Giroud ayaa u barbareeyay ka hor inta uusan Kurt Zouma guusha ku hogaaminin isagoo ah daafaca ugu gooldhalinta badan Premier League xilli ciyaareedkan madaama uu dhaliyay afar gool iyadoo Pulisic uu dhaliyay goolka seddexaad waqtigii dhimashada ciyaarta.

Blues ayaa hogaanka horyaalka ku heysa 22 dhibcood iyagoo hal dhibic ka sareeya Tottenham iyo Liverpool kuwaasoo berri ciyaaraya.

              Chelsea ayaa gool looga naxsaday daqiiqadii afaraad ee ciyaarta markii uu Philippe kubad ka soo jiiday garabka bidix isagoo kubada dhigay Zouma gadaashiisa taasoo u sahashay Bamford inuu kubada la wareego islamarkaaana la garab maro goolhaye Mendy ka hor inta uusan shabaqa soo taabanin.

                Bamford ayaa ah xiddig hore oo ka tirsanaan jiray da’yarta kooxda Chelsea.

            Chelsea ayaa waxaa soo martay daqiiqadii 9aad fursad dahabi aheyd oo ay ku barbareyn kareyn ciyaarta, kubad madax aheyd oo ka timid Giroud      islamarkaana ku sii socotay shabaqa ayaa waxaa badbaadiyay Timo Werner kaasoo damacsanaa inuu shabaqa ku taabto balse lugta la waayay taasoo    kubada goolka ka soo celisay iyadoo isku daygiisa labaad ay kubada ku dhacday birta ka hor inta aysan Leeds badbaadin.

            Xiddiga Jarmalka ayaa si xun u akhriyay kubada Giroud isagoo moodayay inay banaanka ku socoto balse xaqiiqdu ay aheyd inay shabaqa ku socotay.

expanded thumbnail

             Chelsea ayaase heshay goolka barbaraha daqiiqadii 27aad iyadoo Olivier Giroud uu noqday xiddig aan goolka laga celin karin. Wuxuu si qurux badan u dhameystiray karoos ka yimid James.

          Xiddiga Faransiiska ayaa shabaqa soo taabtay lixdii kulan ee ugu danbeysay ee uu ku soo bilowday Premier League. Ciyaarta oo qeybteedii hore ay xiiso badan laheyd waxaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

 

                Chelsea ayaa cadaadis xoogan saartay Leeds United qeybtii labaad iyadoo Havertz uu sigay goolka Leeds halka Timo Werner labo fursadood oo isku xigta laga beeniyay iyadoo Mason Mount isna laga horjoogsaday fursad kale.

            Laakiin Blues ayaa ciyaarta hogaanka u qabatay daqiiqadii 61aad markii koorno uu soo qaaday Mason Mount uu madax xoogan ku dhaliyay daafaca Kurt Zouma taasoo ciyaarta ka dhigtay 2-1 oo ay Chelsea ku hogaamineysay.

Image

              Kurt Zouma ayaa dhaliyay afar gool 10 kulan uu saftay Premier League xilli ciyaareedkan, isaga ayaa ah daafaca ugu goolasha badan xilli ciyaareedkan halka lix daafac oo ku soo xiga ay dhaliyeen kaliya labo gool.

           Christian Pulisic oo bedel ku soo galay ayaa ciyaarta dilay waqtigii dhimashada isagoo dhaliyay goolka seddexaad wuxuu shabaqa ku taabtay baas uu ka helay Timo Werner.

           Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay Chelsea ku dubatay kooxda Leeds United.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip