Dabkan ayaa gebi ahaanba baabi’iyay labadaas bakhaar wixii daawo ee ku jiray, waxaana mar dambe u soo gurmaday gaadiidka dab damiska Gobolka Banaadir, kuwaasoo ku guuleystay inay damiyaan.
Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka Banaadir ayaa sheegay in dabka ka kacay bakhaarka keydka daawada uu baabi’iyay daawadii keydka, waxaana uu xusay in illaa 30-tan daawo caruurta loogu tala galay ay bas-beeshay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in maalin walba uu Isbitaalka daaweyn jiray illaa shan boqol oo caruur ah, waxaana uu ugu baaqay Hey’addaha sama falka inay Isbitaalka la soo gaaraan daawooyin.
Dhinaca kale abaarihii salaadii subax ee saaka ayaa waxaa uu dab ka kacay Isbitaalka Madiina, waxaana uu dab ka kacay qeybta saalada qaliinka Isbitaalka, waxaana dabkaas uu waxyeelo u geystay qolalkii saalada qaliinka iyo alaabtii ku jirtay.
Lama oga illaa iyo hada waxa keenay dabkan, balse waxaa loo maleynayaa inay ka dhalatay cilad dhanka korontada ah.
Xigasho:-jowhar.com



0 



Faah faahin ka soo baxaya Dab xalay ka kacay Isbitaalada Madiina iyo Banaadir
Faah faahin ayaa ka soo baxaya dab xilliyo kala duwan xalay ka kacay isbitaalada Madiina iyo Banaadir ee magaalada Muqdisho, kuwaasoo aan geysan wax dhimasho iyo dhaawac.