Wasiirka, ayaa sheegay in Xoogaga Al Shabaab lagu jebiyay labada meelba, isagoo intaa ku daray in cagta la markiyay inta badan Shabaabkii, toddobaadkii hore gudaha u soo galay qaybo ka mid ah Deegaanada Xeebaha Puntland dhaca.
"Haddaan kuu guda galo waxyaabihii dhacay, labada aagba runtii way ku jabeen. Markii aan la xiriiray Saraakiisha Ciidamada hogaaminaysa waxay xaqiijinayaan in boqolkiiba toddobaatan illaa sideetan ay xaaladda maanta ka baxeen, meydadkoodu waxay daadsan yihiin wadooyinka, maxaabiistii ugu faraha badneyd ee ebidna gacantaa lagu hayaa.” Ayuu yiri Wasiirku.
Wasiirka oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa yiri "Waad la socotaan Suuj waxay galeen god, godkii waa laga saaray, godkii labaad ayay galeen, wayna ku la’deen. Waxaad moodeysaa meydadkooda inay isu dul fuulaan sidii koran-korada la buufiyay.”
Waxa uu intaa ku daray "Taasi waxay farxad gelinaysaa qof kasta oo nolosha bani’aadamka jecel, waxay farxad gelinaysaa Puntland iyo shacabkeeda oo runtii isu duuban, oo si wada jira u qaaday dagaalkan.”
Wasiirka, ayaa wuxuu tilmaamay in jabka lagu gaarsiiyay Al Shabaab dagaalada ay kula jirto Ciidamada Puntland, ay xumeynayso niyadda cid kasta oo diidan nabadda iyo cadowga ummada Somaliyeed.
"Waxay niyadiisa xumeynaysaa, niyad jabna ku tahay cid kasta oo ka soo horjeeda nabadda, cid kasta oo ah cadowga Somaliyeed iyo midka Puntland.” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.
Wasiir Soocade, ayaa yiri "Cadowga Somaliyeed waa cadowga Somaliyeed, cadowga Puntland-na waa cadowga Somaliyeed, iskaashina wuu dhacayaa, taasi waxaa horey uga hadlay Madaxweynaha Puntland, Prof. C/weli Maxamed Cali Gaas.”



0 



Wasiir Soocade "Meydadka Al Shabaab waxay isu dul fuulaan sidii koron-koro la buufiyay"
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Xasan Soocade, ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalo qaraar oo Ciidamada Puntland iyo Ururka Al Shabaab, ku dhex maray deegaano ka kala tirsan Gobolada Nugaal & Mudug.