Agaasimaha waaxda dab damiska ee Gobolka Banaadir C/llaahi Maxamed Saney ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA inay ku guuleysteen inay dabka dambiyaan, inta aanu ku sii fidin qeybaha kale ee Isbitaalka
"Waqti Dambe ayaa nala soo gaarsiiyay in uu dab qabsaday bakhaarada lagu keydiyo dawada ee cisbitaal Banaadir, si deg deg ah ayaan uga jawaabnay, nasiib darro farriinta oo waqti uu dabku qasaare geystay ayaan goobta gaarnay, waxaan ugu dambeen ku guuleysanay in qasaaraha dabka aan ku koobno labada baqaar oo mid kamid ah uu horteen basbeelay”ayuu yiri Agaasimaha Waaxda Dab damiska Gobolka Banaadir
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dabka ka kacay Bakhaarada keydka daawada Isbitaalka Banaadir uu sababay qalad ka dhashay dhinaca korontada ah.
Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir ayaa waxaa uu ka mid yahay isbitaalada qiimahooda yar yahay, marka loo eego isbitaalada kale ee ku yaala Muqdisho, waxaa isbitaalkan gacanta ku heysay dowladda Dhexe wixii ka horeeyay bur burkii 1991. dalka ka dhacay



0 



Dab khasaare geystay oo Xalay ka kacay qeybta keydka Daawada ee Isbitaal Banaadir ee M/Muqdisho
Dab Khasaare geystay ayaa Xalay fiinimidii waxaa uu ka kacay qeybta keydka Daawada ee Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka Banaadir ee magaalada Muqdisho, iyadoo dabkan uu saameeyay bakhaarro ay ku keydsanaayeen daawooyinka.