WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 21-KAMAARSO 2016-KA

0
Monday March 21, 2016 - 08:40:46 in Wararka by
  • Visits: 735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 21-KAMAARSO 2016-KA

    DAGAAL CULUS OO KA DHACAY DULEEDKA DEGMADA AFGOOYE OO GAWAARI BADAN LOOGA QABSADAY CIIDAMADA DOWLADDA Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar gaadmo leh ku qaaday Ciidamada Dowladda Somaliya, ee degan Deegaanka Laanta Buuro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DAGAAL CULUS OO KA DHACAY DULEEDKA DEGMADA AFGOOYE OO GAWAARI BADAN LOOGA QABSADAY CIIDAMADA DOWLADDA Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar gaadmo leh ku qaaday Ciidamada Dowladda Somaliya, ee degan Deegaanka Laanta Buuro oo 10km u jirta Degmada Afgooye Ee Gobolka Shab ellaha Hoose.

Xoogaga Shabaabka, ayaa weerarkaasi soo qaaday xilli ay jiifeen inta badan Ciidamada Dowladda, tiro yarna ay heegan ku jirtay, waxayna si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta Laanta Buuro.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Xoogaga Ururka Al Shabaab ay dhawr jiho ka soo weerareen Ciidamada Dowladda.

Shabaabku waxay dagaalka ku qabsadeen in ka badan toddobo gaari oo Ciidamada Dowladdu ay lahaayeen. Gawaarida ay qabsadeen ayaa isugu jira shan xabo oo nooca Cabdi Billaha loo yaqaano, hal gaari oo nooca ciidanka lagu daabulo iyo gaari kaloo booyad ahaa.

Wararka saakay laga helaayo Laanta Buuro, ayaa waxay sheegayaan in mintidiinta Al Shabaab ay isaga baxeen halkaasi, dibna ay ugu laabteen Ciidamada Dowladda.

Ciidamada degan Laanta Buuro, ayaa ka tirsan Guutada 5aad Ciidanka Xoogga, waxaana taliye u ah Korneyl Axmed Absuge oo ka tirsan Saraakiisha Militariga ee ka hawlgala Gobolkaasi Shabellaha Hoose.

Waxaa adag in macluumaad laga helo inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha labada dhinac ka soo kala gaaray dagaalka, mana jirto cid illaa iyo hadda garabyadaasi u kala hadashay.

MADAXWEYNAHA OO KU BAAQAY IN GARGAAR DEGDEG LALA GAARO DADKA AY ABAARUHU SAAMEEYEEN

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamka inay kaalmo degdeg ah la soo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

"Biyo yaraan iyo abaaro baahsan ayaa goobo badan oo dalka ka mid ah ka jira. Xaaladdu waxaa laga yaabaa inay soo yara fiicnaato marka ay roobabka bilowdaan bisha soo socota ee April, balse inta ka horeysa waa in muhimadda koowaad iyo awoodda jirtaba la isugu geeyaa dadka tabaaleysan, iyadoo loo eegayo degaannada sida ay u kala daran yihiin’’.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in hay’adaha samafalka iyo dowladda ka sokow, shacabka Soomaaliyeed kuwooda wax haysta laga doonayo in ay u naxariistaan walaalahooda ay xaaladdan adag la soo gudboonaatey.

Inta badan gobolada dalka ayaa waxaa ka jira abaaro kulul, waxaana u geeriyoodeen dad iyo xoolo, deegaanada qaar ayaa laga soo sheegayaa biyo la’aan, kadib markii uu wabiga guray.

Wabiga Shabelle oo mara Gobollada Hiiraan, Sh/Dhexe iyo Sh/Hoose ayaa hada guray, dadka iyo xoolaha ku tiirsanaa biyaha wabiga ayaa hada waxaa soo wajahay xaalado nololeed oo aad u liita.

MAAREEYE CUSUB OO LOO MAGACAABAY GAROONKA DIYAARADAHA MUQDISHO

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Maareeye cusub u magacawday Garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, kaasoo qeyb ka ah qorshe la doonayo in is bedel xaga amniga iyo maamulka loogu sameeyo garoonka.

Ammaanka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa si aad ah loo adkeeyay, tan iyo wixii ka dambeeyay qaraxii ka dhacay gudaha diyaarada Daallo bishii hore ee Febraayo, waxaana weerarkaas mas’uuliyadeeda sheegatay AlShabaab, iyadoo dad badan loo xir xiray.

Maareeyaha cusub ee loo magacaabay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waa nin Sarkaal ciidan ah, waxaana sababta loogu magacaabay ay qeyb ka tahay sidii amniga garoonka loo adkeyn lahaa.

Jen, Cabdi Abshi Jaamac ayaa lagu magacaabay wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana Mas’uulkan uu la wareegi doonaa maamulka iyo Amniga guud ee garoonka oo haatan la isku daray, balse markii hore uu ahaa mid labo u kala qeybsanaa.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay kulan looga hadlayay dar dargelinta amniga garoonka Aadan Cadde la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Garoonka.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeennada Wasaaradaha Amniga iyo duulista hawada, Taliyeyaasha ciidamada booliska, nabad sugidda, saraakiil ka socotay waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha iyo xubno ka tirsan shirkadda maamusha garoonka ee FAVORI.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sare u qaadidda amniga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, waxaana uu Madaxweynuhu tallooyin ka dhageystay saraakiisha laamaha amniga tallaabooyinka dhanka amni ee horey loo qaaday kadib iskudaygii dhicisoobay ee lagu qaaday diyaaraddii shirkadda duulimadka ee Daalo Airline.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay waqti dheer ku bixisay sidii looga hortagi lahaa falal amniga ka dhan ah oo ka dhaca garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isla markaana qasaaro gaarsiiya muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dadyowga adduunka ee diyaaradaha garoonka ka duula ay u tegaan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa armay saraakiisha amniga ee garoonka inay ka hortagaan waxkasta oo Nabadgelyada garoonka Aadan Cadde wax u dhimaya.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa kormeer ku tegay saldhiga booliska ee garoonka Aadan Cadde oo dib u habeyn casri ah lagu sameeyay, isagoo mid mid u galay qeybaha uu ka koobanyahay saldhigga.

XUKUUMADDA SOOMAALIYA OO SHAACI SAY IN LALA XISAABTAMI DOONO HAY’AD AHA MASHAARIICDA KA WADA DALKA

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda iyo Maamulada dalka ay iskaashan ayaan la xisaabtanka Hay’adda Mashaariicda ka fuliya Gobolada dalka.

Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in lala xisaabtami doono hay’adaha samafalka ee ka howlgalla dalka, kuwaasi oo uu sheegay in mashaariic isku mid ah ay ka fuliyaan qaar ka mid ah degmooyinka iyo gobollada dalka.

"Waxaa soo baxday inay lagama maarshalayhay in la ogaado dalka maxaa ka socda, yaase wada, maxaa la qabanayaa, maxaase ku baxaya, waxaa jirta in hal degmo laga fuliyo mashaariic isku mid ah, hal ceel laga qoday, ceelkana laga qado, iyadoo ay jirto magaalada kale ee dariska la ah ina ysan lahayn hal ceel oo dadka ku nool ay biyo la’aan heysato, tusaale magaalo saddex iskuul laga dhisay iyo xarumo caafimaad iyo kuwa ku dhow oo aan istaas lahayn, marka waxaan rabnaa in la xoojiyo la xisaabtanka hay’adaha ka howlgalla dalka”ayuu yiri Wasiiru dowladaha Arrimaha gudaha.

Wasiiru dowlaha ayaa xusay inaysan jiri doonin mashaariic oo aan dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ka jira dalka ka warqabin in laga fuliyo gobollada dalka.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa hoosta ka xariiqa in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay si wada jir ah uga shaqeyn doonaan la xisaabtanka hay’adaha mashaariicda kala duwan ka fuliyo dalka.

WAFDI UU IMAAM MAXAMUUD IIMAAN YUUSUF HORKACAYAY OO SHALAY GAARAY BELEDWEYNE

Wafdi ka koobanaa Salaaddiin, Ugaasyo iyo Waxgarad, uuna horkacayayIimaam Maxamuud Imaam Yuusuf ayaa shalay soo gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Garoonka diyaaradaha ee Baladweyne ayaa waxaa wafdigan kusoo dhaweeyay qaar ka mid ah duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan, Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka, Xildhibaanno iyo siyaasiyiin horay u sii joogtay magaalada Beledweyne.

Waxgaradkan oo xaflad soo dhaweyn ahayd loogu sameyay xaafadda Howlwadaag, ayaa waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah duubabka dhaqanka gobolka, xildhibaanno iyo weliba siyaasiin.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo ka mid ahaa Wafdigan ayaa sheegay in Balaldweyne ay u yimaadeen sidii kulammo iyo wadatashi looga hadlay mustaqbalka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay ula qaadan lahayeen waxgaradka gobolka iyo qaybaha bulshada.

Imaam Max'uud oo horkacayay wafdiga shalay yimid Baladweyne ayaa wuxuu duubabka dhaqanka iyo waxgaradka gobolka Hiiraan uga mahadceliyay soo dhaweyntii Baladweyne ay ugu sameeyeen wafdigiiisa.

Xubnaha Wafdigaan ayaa kala ahaa; Imaam Maxamuud Iimaan Yuusuf, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Ugaas Cabdullaahi Ugaas Saalax, Suldaan Maxamed Cabdi iyo Isloow Yuusuf Colaad. Beelaha gobolka Hiiraan iyo duubabka dhaqanka ayaa dhawaan kulan ay wadajir u qaateen waxay ku qaaddaceen ka qaybgalka shirka magaalada Jowhar ee maamulka loogu dhisayo labada gobol, Waxaana la dhihi karaa waa markii ugu horreysay oo ay duubabka dhaqanka beelaha kale u tagaan Beledweyne arrintan ku saabsan dhismaha maamulka labada gobol.

Ugu dambeyntii Ugaas Xassan Ugaas Khaliifkama uusan mid ahayn duubabkii dhaqanka ee shalay la kulmay waxgaradka soo gaaray Magaalada Beledweyne.

MAXKAMADA SARE OO XUKUNO KU RIDAY 6 RUUX OO KUEEDEYSNAA DILKII WARIYE HINDIYO XAAJI, KADIB RACFAAN AY KA QAATEEN XUKUN HORAY LOOGU RIDAY

Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka Sida Dowladda Federalka Somaliya, ayaa shalay oo Axad ah u fariisatay Qaadista Xukun la xiriira Lix ruux oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilkii Magaalada Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Wariye Hindiyo Xaaji oo Shabaab ay sheegteen dilkeeda.

Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa Lixdaan ruux horay xukun ugu riday, waxaana xukunka lagu riday 25kii Bishii labaad uu u udhacay sidan.

1: C/risaaq Maxamed Barow Cadow 28 jir ina Saynab Maxamed Maxamuud ku dhashay Xamar, waxa uu qirtay inuu gaarigii Wariye Hindiyo Xaaji Maxamed ku xiray Waxyaabaha Qarxa, maxkamadana waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah.

2:Xasan Nuur Cali Faarax 37 jir ah Ina Faadumo Xasan ku dhashay Xamar, waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in.

3: Macalin Maxamed Abuukar Cali 42 jir Ina Faadumo Cabdulle ku dhashay Shabeellaha Dhexe , waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in..

4: Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere 56 jir ah Ina Awliyo Xasan ku dhashay Mudug, waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in..

5: Muxudiin Cismaan Maxamed Cawaale 22 jir ah Ina Nasro Xaaji Shidane ku dhashay Xamar, waxaa lagu xukumay Shan Sano oo Xabsi ciidan ah.

6: Cali Xasan Aadan 40 jir ah Ina Aamina Rooble Jinoow ku dhashay Ethiopia, waxaa lagu xukumay Shan Sano oo xabsi ciidan ah.

Hadaba Maxkamada sare ee dalka oo shalay u fariisatay Xukunka lixdaan ruux, kadib markii ay Racfaan ka qaateen xukunkii hore ayaa maxkamada sare raggan waxa ay u kala xukuntay sidan.

1: C/risaaq Maxamed Barow Cadow 28 jir ina Saynab Maxamed Maxamuud ku dhashay Xamar, waxaa lagu xukumay dil toogasho ah

2:Xasan Nuur Cali Faarax 37 jir ah Ina Faadumo Xasan ku dhashay Xamar, waxaa lagu xukumay dil toogasho ah.

3: Macalin Maxamed Abuukar Cali 42 jir Ina Faadumo Cabdulle ku dhashay Shabeellaha Dhexe , waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in.

4: Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere 56 jir ah Ina Awliyo Xasan ku dhashay Mudug, waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in.

5: Muxudiin Cismaan Maxamed Cawaale 22 jir ah Ina Nasro Xaaji Shidane ku dhashay Xamar, waxaa lagu xukumay 15 sano xabsi ah.

6: Cali Xasan Aadan 40 jir ah Ina Aamina Rooble Jinoow ku dhashay Ethiopia, waxaa lagu xukumay 15 Sano xabsi ah.

Xukunkaan sidan u dhacay waxaa shalay ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yarow.

MAAMULKA CUSUB EE DEGMADA CADALE OO SI WEYN LOOGU SOO DHOWEEYAY DEGMADAAS

Maamul cusub oo dhowaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha u magacawday degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa gaaray degmadaas, iyadoo bulshada ku dhaqan degmadaas ay si weyn u soo dhoweeyeen.

Munaasabad lagu soo dhoweynayay maamulkan cusub oo ka kooban Guddoomiye, Labo Guddoomiye kuxigeen dhinacyada Amniga, siyaasada, Arrimaha Bulshada iyo Maaliyadda iyo Xoghaye dowlada hoose.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Amniga iyo Siyaasada C/raxman Axmed Cabdi oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadii soo dhoweynta ayaa uga mahad celiyay dadweynaha reer Cadale, waxaana uu tilmaamay inay balan qaadayaan inay ku shaqeyn doonaan talada dadka deegaanka, maamulkoodana uu ku saleysan yahay wada tashi iyo wada shaqeyn.

Nabadoon Cumar Ibraahim Cosobow oo ka hadlay munaasabadda soo dhaweeynta ayaa sheegay in ay si buuxda ula shaqayn doonaan maamulka cusub oo ay soo magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, isagoo sheegay in ay kula xisaabtami doonaa wixii ay ka qabtaan Degmada Cadale oo ay ka jirto dhibaatooyin nololeed ee aad u badan sida uu sheegay Nabadoonka.

Guddomiyaha cusub ee degmada Cadale Muxiyadiin Suudi Macalin ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Degmada Cadale loo dhameystiro Maamulkeeda.

Waxaa uu ka codsaday dadweynaha degmada Cadale inay la shaqeeyaanmaamulka Degmada si uu uga soo dhalaalo waajibka ka saaran Degamada.

Demada Cadale ayaa ka mid ah Degmooyinka Shabeelaha Dhaxe ee sanad ka hor galay gacanta Doolwadda Federaalka Soomaaliya waxa ayna ka mid tahay degmooyinka taariikhiga ah ee dhaca badweeynta Hindiya.

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA SH/DHEXE OO KU BAAQAY IN GURMAD LALA SOO GAARO QOYSAS AY ABAARUHU SAAMEEYEEN

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Cabdullahi Xuseen ayaa shir jaraa’id ee uu daraad ku dhex qabtay gudaha webiga Shabelle ayaa ugu baaqay dowlada Soomaaliyeed iyo hay’adaha gargaarka caalamiga ah inay gurmad degdeg ah la soo gaaraan dadka ay abaartu saameysay ee ku nool degmooyin kamid ah gobolka Sh/dhexe.

Cali Cabdullaahi Xuseen guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa shirkiisa jaraa’id waxa uu ugaga hadlay abaaro uu sheegay in ay ka jirto degmooyinka Cadale,Balcad iyo Jowhar.

"Jiilaalka dheeraaday awgiis waxaa biyo la’aan ay ka jirtaa degmooyinka gobolka oo idil, waxana xoolodhaqatada gobolka oo ah udub dhexaadka dhaqaalaha dadka uu ku tiirsan yahay haatan soo wajahay biyo la’aan aan hore u dhicin muddo soddon sano ka badan waadna u jeedaan in aan haatan joogo bartamaha wabig Shabelle oo ah halka ay kumanaan ruux noloshoodu ku xirneyd.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe.

Guddoomiye Guudlaawe ayaa sheegay in biyo la’aantu ay sababtay in ay ka dhashaan cuduro sida shuban biyoodka oo ay carruur ugu geeriyoodeen tuulada Maandheere oo ka tirsan tuulooyinka hoos yimaado degmada Jowhar.

Mar uu ka hadlayaay abaaro xoogan oo saameyn ku yeshay dadka ku dhaqan degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe ayuu sheegay in abaaro xoogan ay ka jiraan kuwaasoo sababay in dad ugu geeriyoodaan.

Guddoomiyaha gobolka Shabelaha dhexe ayaa ugu baaqay Dowlada Federaalka Soomaaliya in kaalmo bani,aadanimo la soo gaarto dadka ku dhaqan degmooyinka isagoo si gaar ah ugu baaqay gudiga Gurmadaka Abaaraha ee dhowaan magacaawday Wasaarada Arimaha gudaha in ay gargaar gaarsiiyaan dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Guud ahaan gobolka Sh/dhexe ayaa laga dareemayaa jiilaalka dheeraaday iyadoo kuleyl badan uu jiro, waxaana biyo la’aan ay soo wajahday kumanaan qoys oo ku noolaa tuulooyinka ku teedsan hareeraha wabiga Shabelle.

XILDHIBAANO KENYAN AH OO DOONAYA IN UNHCR AY HOOS TIMAADO DAWLADA KENYA

Xildhibaano Soomaalida Kenya ah oo kasoo jeeda gobolka Soomaalidu ay dagto ee Kenya ee Waqooyi Bari ayaa bilaabay olole ay ku doonayaan in QM hayada u qaabilsan arimaha qaxootiga ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UNHCR la hoos keeno dawlada Kenya.

Dabcan waa qeybta hayadaa UNHCR ee Kenya ka hawlgasha ee maahan dhammaan heyadaas gebi ahaanteeda maadaama ay caalami tahay dalal badana ay ka shaqeyso caalamka daafihiisa oo idil.

Waxay sheegeen xildhibaanadaasi in dadka deegaanka ah ee kunool meelaha ay ka hawlgasho UNHCR aysan wax sidaa u buuran ka faaiidin. Xildhibaan ka mid ah xildhibaanadaa ayaa sheegay in 25 sano maadaama ay UNHCR ka shaqeyneysay gobolka Soomaalidu ay dagto ee Kenya ee Waqooyi Bari la doonayay inay ka dhigto wadada gasha qaxootiga Dhadhaab laami balse arintaasi aysan dhicin ilaa hada.

Wuxuu tibaaxay in loo baahan yahay in shaqaale markii heyadaa ay shaqaaleyneyso dawlada ay tahay in lasoo maro. Wuxuu kaloo xildhibaankaasi sheegay in baabuurta iyo arimahooda iyo waddooyinka la dhisayo dhammaan ay dawladu la wareegto.

Waxaa wararku sheegayaa warbaahintu heleyso in xildhibaanada Kenya ay haatan diyaarinayaan sharci cusub oo amuurtaa wax looga baddalayo si UNHCR ay dawlada dalka Kenya u hoos timaado.



SHAQAALAHA Q/MIDOOBAY OO ARRIN AAN LOOGA BARAN KA SAMEEYAY MUQDISHO

Ku dhowaad boqol qof oo ka mid ah madaxda iyo shaqaalaha Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay xerada Xalane ayaa shalayy ka bilaabay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International Air Port olole aan horay looga baran.

Shaqaalaha Qaramada Midoobay oo ay ilaalo ka hayaan ciidamada AMISOM ayaa markii ugu horeysay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxay ka sameeyeen olole nadaafadeed oo ay qashinka uga gurayaan gudaha iyo hareeraha xafiisyada ku yaala xerada Xalane.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Dowladda ee ku sugan gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa shabakadaan u sheegay in ololaha nadaafadeed uu gooni u yahay shaqaalaha ajnabiga ah ee ka howlgala Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo shisheeyaha ku sugan magaalada Muqdisho ku dhaqaaqo ololahaan nadaafadeed tan iyo markii ay meesha ka baxday Dowladdii Kacaanka sanadkii 1991kii, iyadoo tallaabadani ay tahay mid horseedeysa soo nooleynta ololihii iskaa wax u qabso.

CIIDAMADA AMNIGA EE GOBOLKA BAKOOL OO GACANTA KU DHIGAY WAXYAABAHA QARXA OO DHULKA LAGU AASAY

Ciidamada ammaanka gobalka Bakool ayaa gacanta ku dhigay waxyaabo Qarxa oo maleeshiyada AlShabaab ay ku aaseen deegaanka Garasweyne, sida uu laga soo xigtay Maamulka degmada Xudur.

Guddoomiyaha Degmada Xuddur Maxamed Macalin oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed SONNA ayaa sheegay in ay ka war heleen xog ku saabsan in waqti dambe oo xilli habeen ah miinooyin lagu rakibay dhowr qeyb oo kamid ah saldhigga magaalada, kuwaas oo la rabay in lagu waxyeeleeyo saraakiisha iyo ciidamada booliska gobalka.

Maxamed Macalin, Guddoomiyaha Xudur ayaa sheegay in ay qabteen saddex ka mid ah dadka la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen qaraxyadaasi lagu aasay deegaanka, kuwa kalena ay ku da ba jiraan, kuwaasi oo uu sheegay inay gacanta ku soo dhigi doonaan, si cadaaladda loo horgeeyo.

Maleeshiyada AlShabaab ayaa kadib markii ay ku jabeen dagaallada gobolka Bakool, waxa ay bilaabeen inay beegsadaan goobaha ay ku sugan yihiin dadka rayidka ah.

NOLOSHA BARAKACAYASHA KUNOOL GAROOWE OO LAGA DEYRINAAYO

Magaalo Madaxda Puntland ee Garoowe waxay hoy u tahay kumanaan qoys oo barakacayaal ah kuwaasi oo ku noolaa in ka badan 20 sano si nabad galyo ah kana helay adeegyo nololeed oo kala duwan marxalado kala duwanba ha soo mareene.

Barakacayaashu waxay xeryooyin kala duwan ku leeyihiin dhanka bari ee magaalada Garoowe halkaasi oo qaybo ka mid ah looga dhisay guryo rasmi ah oo ay deegaan ahaan u leyihiin waana deegaan marka aad tagto aad ku arkayso xaalado nololeed oo kala duwan.

Waxaa ka jira xerooyinka barakacayasha MCHyo ama xarumo caafimaad oo loogu tala galay hooyooyinka iyo dhallaanka balse agabku wuu ku yar yahay.

Nadaafad darro ba'an ayaa xeryahaasi ka jirta. Waxaad ku arkaysaa gudaha xeryahaas barakacayaasha qashin noocwalba leh oo daadsan gudaha xeryaha kuna keena barakacayaasha xanuuno badan waxaana xusid mudan in hada la galayo xilli roobaadkii oo ay barakacayaashu codsanayaan in laga caawiyo sidii ay qashinka isaga fogayn lahaayeen.

Waxbarashada ayaa liidata xeryahaasi barakaceyaasha. Waxaa ka jira xeryaha qaybo kamid ah dugsiyo hoose oo carruurta wax lagu baro kuwaasi oo aan u qalabaysnayn sidii loo baahnaa una baahan macallimiin iyo dayactir dhinacyo badan ah.

KUSIMAHA RA’IISUL WASAARAHA IYO SAFII RKA SHIINAHA OO KA WADA HADLAY ABAAR AHA KA JIRA GOBOLLADA DALKA

Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Axmed Jaamac "IlkaJir”, ayaa la kulmay Safiirka dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wei Hongtian (Warsame Geeljire). Waxana ay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dalka iyo sidii dawladda Shiinaha ay gacan uga geysan lahayd waxqabashada Abaaraha ka jira qeybo kamid ah Gobollada dalka.

Kusimaha R/Wasaaraha ayaa dawladda Shiinaha kala hadlay sidii ay gacan uga geysan lahayd Abaaraha ka jira gobollada dalka, gaar ahaan deegaanada Puntland, Soomaaliland, iyo Galmudug oo waqtigan ay si daran u saameeyeen abaaruhu.

 

"Xukuumaddu waxay samaynaysaa dadaal kasta oo gargaar lagu gaarsiinayo dadka dhibaataysan, waxana ay beesha caalamka, Ganacsatada iyo Qurbajoogta Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay naga gacan siiyaan sidii arrintan wax looga qaban lahaa. waxana kala hadalnay Safiirka Shiinaha in ay gacan naga siiyaan shacabka dhibaateysan sidii loo caawin lahaa”ayuu yiri Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya.

Safiirka Shiinaha ayaa balanqaaday in dawladdiisu ay gacan ka geysan doonto sidii taageero loogu fidin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, wuxuna xusay in door muuqda ay ka geysanayaan gacan siinta bulshada ay abaaruhu ku dhufteen.

JENERAAL GALAAL "DAGAALKA PUNTLAND SHABAABKA AY KA WADAAN WAA QORSHE CUSUB OO AY ISKU FIDINAYAAN”

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah Saraakiishii hore ee ciidamada Xooga dalka Somaliya, ayaa ka hadlay Duulaanka Shabaabka ay ku qaadeen deegaano ka tirsan Maamulka Puntland.

Galaal, waxa uu ku tilmaamay sababta rasmiga ah ee ka dambeysay duulaanka Shabaabka ay ku qaadeen deeganada Puntland inay tahay inay isku balaariyaan dhulka Somaliya oo ay ku fidiyeen dagaalka.

Wuxuu meesha ka saaray Shabaab inay ku guul dareysteen dagaalka ay ka wadaan Koonfurta Somaliya, isaga oo tilmaamay weli Shabaabka inay yihiin awood muuqata oo dagaalka sii wadi karta.

"Waxay u xusheen inay weeraraan Puntland iyagaa og, waxay dareemayaan inay kala qeybsan yihiin dowladda dhexe iyo Puntland, laakiin waa dhibaato soo korortay in meeshaas nabadda ahayd ay dhibaato ka abuuraan, ma dhahayo Alshabaab waa looga adkaaday gobollada Koonfurta iyo bartamaha waayo waa kuwan na qarxinaya, aniga waxaan u maleynaa in Alshabaab ay dagaalkooda sii fidinayaan, waxaad moodaa inay la wareegeen hal abuurkii oo hadba meeshii ay doonaan ay wax ka qarxiyaan” ayuu yiri Jeneraal Galaal.

Markii ugu horeysay oo Shabaab ay abuurayeen furuntan cusub ee dagaalka Xeebaha Puntland, waxa ay ka dageen Xeebta Deegaanka Garacad halkaasi oo doomo ay ku gaareen, iyadoo Durba Puntland si indho la’aan ciidanka halkaasi tagay ugu eedeysay Dowladda Federalka Somaliya.

Sidoo kale Jeneraalka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii Wasiirka amniga maamulka Puntland kadib weerarkii Alshabaab ee gobolka Nugaal, balse waxa uu aad u ammaanay Madaxweynaha maamulkaasi Cabdiweli Maxamed Gaas sida uu durba ka daba tagay hadalkii Wasiirkiisa amniga.

"Wasiirka Amniga Puntland si wanaagsan uma hadlin, hadal meel ka dhac ah buu ku hadlay, laakiin waxaan ku farxay ka dabatagista hadalkaasi ee madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaa iyana sidoo kale farxad ah dowladda Federaalka oo iyana Kaalmo u dirtay halka dagaallada ay ka socdaan, midda kale nimankaan Shabaab ah Soomaaliya kaliya dhibaato kuma hayanaa ee mandiqadda dhan bay dhib ku hayaan, hadda in la’iska kaashado waa muhiim oo dowladda Federaalka iyo Puntland ah” ayuu hadalkiisa ku daray Jeneraal Galaal.

DAVID OBONYO "21 SHABAAB AH AYAAN DILNAY, ANAGA LABO AYAA NALAGA DILAY SHAN KALENA WAA DHAAWAC”

Dowladda Kenya ayaa guulo ka sheegatay dagaal culus oo daraad galab ciidamada Kenya iyo kuwa Shabaab ku dhexmaray Gobolka Jubadda hoose ee Koonfurta Somaliya.

Dagaalka, ayaa yimid markii Xoogaga Shabaabka ay wadada u galeen kolonyo ay la socdeen Ciidamada Kenya, oo ka amba baxay Degmada Dhoobley, sahayna u waday Degmada Afmadow.

David Obonyo, Afhayeenka ciidanka Kenya ayaa Saxaafadda u sheegay shalay oo Axad ah dagaalkaasi inay guulo ka gaareen ciidamada Kenya ee Shabaabka la dagaalamay.

Wuxuu sheegtay inay dileen 21 ka mid ah dagaalyahanada Ururka Al Shabaab, sidoo kalena ciidankooda ay gacanta ku dhigeen 19 Qori oo nooca Ak47 ah waa sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka ciidanka Difaaca Kenya ayaa sidoo kale sheegay in dhankooda dagaalkaasi looga dilay labo Askari, Shan kalena ay dhaawac yihiin, kuwaasi oo hada lagu dabiibayo Saldhiga ciidanka Amisom ee Degmada Afmadoow.

Majirto ilo ka madaxbanaan Saraakiisha ciidamada Kenya oo xaqiijinaya in tiradaasi laga dilay Shabaab sidoo kalena hubkaasi laga qabsaday.

Shabaab dhankooda waxa ay ku faaneyn inay qabsadeen Maxaabiis Kenyatti ah oo iyaga oo nool lagu qabtay dagaalka ka dhacay Jubadda hoose.

CIIDAMADA PUNTLAND IYO ALSHABAAB OO KU DAGAALAMAY DEEGAANO KA MID AH GOBOLKA MUDUG

Wararka ka imaanaya Tuulooyin hoos yimaada degaanka Garacad ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in daraad subaxdii uu Dagaal halkaasi ku dhexmaray Ciidamada Maamulka Puntland iyo AlShabaab. Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilowday ka dib markii AlShabaab ay Weerar ku soo qaadeen Fariisimo Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Tuulo la yiraado Kuul oo u dhaw Degaanka Garacad ee Gobolka Mudug.

Wararku waxay sheegayaan in Dagaalka labada Dhinac u dhexeeya la isku adeegsanayo Hubka Nuucyadiisa kala duwan, waxaana la soo sheegayaa in deegaanada uu Dagaalka ka dha cay daraad subaxay yihiin Goobihii Ciidamada Puntland ay ku hor fadhiyeen Shabaabkii dhawaan qabsaday Degaanka Garacad.

Dhanka kale ma jirto Cid sheegi karta Khasaaraha Dhimasho iyo midka dhaawac ee Dagaalkaasi ka dhashay, inkasta oo ay qolo walba ay iyadu sheeganayso inay ku gacan sareyso dagaalkaasi.

NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN

{SheekoTaxane ah}

Q/68aad

Ogoowse jaceylka xiisa xiisaha ka dhasha inuu naceyb ku dhammaado,dullinnimoiyo ceeb. Qaarbaa intay hiigsa naay ee guur iimaankoodii ka anbaday oo waxaa ka soo baxay nabsigii jaceylka, marka gacaliye C/Qaadir iska ila ali in nabsigii jaceylka in sida taajkaama tusbaxa oo kale qoorta laguu suro.

Gacaliye C/qaadir haatana igula raaxeysogeeraarkan miid da iyo malabka shinnida ka macaan iyo maaxda sonk orta.

GEERAAR:

ØMacaan gooyahihii, midki aan jeclaayoow

Øqalbigeyga deeqdee, Dadka dunida joogaan

ØAdaan kaa Asteestee, uunkale ma aan rabo walaal adiga mooyee

ØAdduunyada dhammaanteed kuma arag sidadoo ruux aan ba kula simo lam keenin duniideed uurkeey u roonoow waan kugu ilwaadsaday.

ØInta Awliyaahoo Rabbi Aamineenoo

ØAqriyaan Qur’aankaan kuu awal wacaayoo

ØGuul baan filaayaa iyo go’aan hagaagee guur wacan alahayoow geesigaan jeclaay iyo ani aan wada gorfe ynaa ku guuleysto canshaqa mirihiisa gaamuro mudda angar dadinaye

ØMa ogtahay macaanoow in aragaagu ii yahay Sida Ugaadha Duurkoo indhana u roon

ØAyaamahaanjaceylbaa ogadeyda saarane oontii an cunaayiyo anfacii ka soomoooomayoo dartaayeeara gaaga mooyee inta kale aduunyada oogadeeda saran uma jeedo anigee indhagey ruux kale arkiba maayaan inan yahoow ee ma I uur naxeyssaa halaya kaa oollim aayee

ØAlle waxaan baryaayaa labadii Aroosee Aqal wada Gal aan oo Ubada wada dhalaan ayna uba ahaatee Aamiin dheh Adiguna ……

ØMacaankaan jeclaayoow, waan kuu il daranahayiilkiyo qiyaamaha inta aan la I dhigin mar qura xag geeyga soo eeg

ØHaddii ammarka eebbiyo, uu dhaco faralkadhim ashade yda la gaaro qur’aankiyoiqlaaska weligaa ha ila dhaafin gacaliye

Ø+++++++++++++++++

Cabdulqaadir:

Raxmo Abbaayo Macaan wanaag faliddaxageyga ah ha ka daalin walaaleey,Soomaaliduna waxaa ey tiraahdaa {gacan jabtay gunteeda ayeey dhex taal}.

Raxmo abbaayo macaan kana dheeroow damacyada xun xun oo ay dhallinyaraduberyahaan dambela soo deris tay , midda kalehaka fikir o ogoowna{Belo Shiddo waa in gaaban}, Rumeyso sadkuna waa hubaasha waxyaabaha la rajeeyo iyo xaqiiqeynta waxyaabahaaan la arkin dabee cadahooduna ha ahaato mid aan quruxda iyo lacagta aan qaddarin balse qaddarisa dabeecad wanaagsan iyo jaceyl ka dhabta ah qiimaha uu leeyahay .

Mase og tahay walaaleey in laba wejiiluhuuusan soc odkiisa is bedello,Raxmo abbaayo macaan {Jaceylkucabsi Ma keeno laakiin Jaceylka kaamilka ahcabsidaBa nnaanka ayuu u soo saaraa waayoo cabsidu ciqaab bay leedahayoo kii cabsadaa kaamil kuma noqdo jaceylka}.

Cishqigeennase waxaa tilmaami karaa sida wiil indho ole ah oo aan dabeecad laheyn wiilkii hagi lahaana afka ka la dagaalayin kastoo ay soomaalidu tiraahdo {Albaab badailaaheey axad na ood kama saarna}, {dadna waxaa u gu daran dumar degde gsiiynyo badaniyo doqon aan dar e en laheyn}.

Qofka insaanka ahinama wanaagsanainuu guuxiisa ka dheereeyo oo uu xadkiisa dhaafo, balse adiga Raxmo ah inta aad is xakameyn karto is xakameey illeyn soomaali da ayaa wax aay tiraahdaa {shaqsiga caaqilka warkiisa ye elasiduu rabay wuu helaa}.

Raxmo abbaayo macaanto waxaa I deeqay suuradaadaaad ka u quruxda badan,waxaad dhex huruddaa beerta raa xada ee qalbigeyga , qalanjo raxmo gacaliso waxaan farya rada kuu gelin doonaakaatunkii jaceylka ogoowse adduun yadu inay tahay jid dheer oo meel uu ku dhammaado aan an laheyn.

Midda kale Raxmoabbaayo macaanto jaceylku wuxuu la mid yahaysida hawada macaan ee habeenka xilligiisa dambe ee saamuleylka loo yaqaano soo dhacda balshar kuna uu ku raaxeysto, kuna seexdo ubaxyadunawaxaayu muuqdaan kuwa qurux badan samandana waxaa ku xar dhan xiddigo aad u bilicsan oo indhaha insaanka aad u soo jiita mar marka qaarkoodna waxaan niyadda iska iraah daa firaash ey ku seexatogabadha Raxmo ah iyo shaalk Xariirta ah oo ey huwato ayaa kaaNasiib badanee allow yaa kaa dhigo iyaga, marmarka qaarkoodnawaxaan is we ydiiyaa salaamaha salaantaugu farxadda badan ee aan kugu salaami lahaa qalanj adaan jeclaayeey iyo qoraalka ugu habboon ee aan kuugu qaabili lahaa inta aan iga maq an tahayna waxaanisku maaweeliyaa daawashadauba xyada quruxda badan ee ilqabadka leh ee ka baxa ruun kaeennadhexdiisasi aan waqtigaqaaliga ah aan ugu ga absado waxaanasejeclaan lahaa wixii aan dhambaal kuugu soo qori lahaa in aan afka kaa iraahdo .

Raxmo Abbaayo Macaan Jaceylka aan kuu qabo Awg iiswaxaad ka dhex muuqataa qalbigeyga iyo indhaheyga baxadsoorahooda, waxaana jira xikmad soomaaliyeed oo dhaheyso {shaqsiga cadownimo abuura miraha qasaaraha ayuu goostaa} ee haabuurin miraha cadowtinnimadasi aadan ugu guran miraha qasaaraha .

Midda kale Gacaliso Raxmo abbaayo macaan ilaaheey ha inaga dhigokuwo xusuusta qalbiga isku haaya { insha allaah} oo aan is iloobin balse isu soo hilooba, hana igu no qon sida xikmadii soomaaliyeed ee oraneysay {Dumarku wey Iloowsho dhaw yihiin }.

Haddana xabiibi Geeraarkaan aadka u macaan igula Raaxeeyso qalbigaada iyo dhegahaaguba xusuustoodaku keydi Gacaliso Macaanto waana kan Geeraarkii:

GEERAAR:

ØDahab la moodyeey, da’ yar in aad tahay dadkaan u sheegaa

ØDhaliil looma baahnee dheemman luul in aad tahaydhabtii waan ogsoonahay

ØDamqashada jirkeeygana maba deyn karaayoo tii nafdeydi deeqdaay haddaad dugeyga joogine,

ØWaxaan daliishadaa tii aan dugsanayeey in aad daacad ii tahay daqiiqadaha sekenkastan uu ku de go dareenkeey

ØWaxaad tahay gacaladeey mida gabdhaha

La Soco Isniinta Danbe Insha Allaah

W/Qoray C/Qaadir Cabdulle Nuur {Qalbbi-Dahab} Tel: 0618455506



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip