Sheekh Maxamed Idiris oo hab muran dhaliyay uga hadlay loolanka Farmaajo iyo musharaxiinta mucaaradka

0
Wednesday December 02, 2020 - 20:27:18 in Wararka by
  • Visits: 195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Maxamed Idiris oo hab muran dhaliyay uga hadlay loolanka Farmaajo iyo musharaxiinta mucaaradka

    Sheekh Maxamed Idiris oo muddooyinkii ugu dambeeyay u muuqday shaqsi ku milmaya siyaasadda, aadna u taageera madaxweyne Farmaajo, ayaa ka hadlay loolanka doorashada ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo musharaxiinta mucaaradka. Sheekha, oo dadka kasoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Maxamed Idiris oo muddooyinkii ugu dambeeyay u muuqday shaqsi ku milmaya siyaasadda, aadna u taageera madaxweyne Farmaajo, ayaa ka hadlay loolanka doorashada ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo musharaxiinta mucaaradka. Sheekha, oo dadka kasoo horjeeda dowladda dhexe ay ku eedeeyaan inuu qaab qabiil ah ula safan yahay madaxweynaha, ayaa qaab muran dhalisay uga hadlay arrimaha siyaasadda ee hadda xasaasiga mareysa. Waxa uu barta uu Facebook ku leeyahay soo dhigay qoraal uu qaabkiisa ku saleeyay kubadda cagta kana dhigay in labada kooxood ay qaab ciyaar ah isku wajaheen, wuxuuna guusha siiyay dowladda dhexe isagoo siyaasiyiinta mucaaradka ku sifeeyay kuwa huwan calanka Kenya. Labada kooxood uu ka hadlaayo wuxuu ugu magac daray kooxda (Jaziira) oo uu kala jeedo siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo koox uu ugu magac daray (Villa) oo uu kala jeedo dowladda dhexe. Sheekh Maxamed Idiris wuxuu qoraalkiisa kusoo koobay in siyaasiyiinta Mucaaradka looga adkaaday wixii dhacay maadaama ay dowlad shisheeye dharkeeda soo xirteen, waana mid ka mid ah qoraalada aadka loog ahadal haayo baraha bulshada maanta. Halkaan ka akhriso qoraalka Sheikh Maxamed Idris: shacabka soomaaliyeed wuxuu daawanayaa ciyaarta tartanka (doorashada dadban) ee koobka soomaaliya 2020/21. Maadaama aanu cod iyo ra'yi ku lahayn. Ciyaarta qaybteedii hore kooxda (jaziira) ayaa weerarka u badnayd oo dhawr goor shabaqa (villa) sigtay, laakiin kooxda (villa) ayaa difaac adag xiratay oo weeraradaas wiiqay. Ciyaartii shalay galab ayaa ahayd mid kala bax ah oo la xiisaynayey, hayeeshee taktiiga ciyaarta iyo natiijadeeduba wexey noqotay lama filaan! Kooxda (jaziira) ayaa garoonka ku soo gashay finaanado calanka kenya ku sawiranyahay! halka kooxda (villa) ku lebbisnayd finaanadda calanka buluugaa ee soomaaliya! Malaha tababaraha kooxda (Jaziira) kuma baraarugin in garoonka ciyaartu yahay soomaaliya, shacabka daawanayaana yihiin soomaali soocan, taasoo fursad lama filaana siisay kooxda (villa). Sidaa awgeed ayaa natiijadii noqotay (5 iyo 0) lagu garaacay shabaqa kooxda (Jaziira) oo ay qaar iyagu si qalad ah isaga dhaliyeen! Ciyaartoyda (Jaziira) waxaa ka muuqdey koox aan ciyaarta isla haysan! halka kooxda (villa) ay mintideysey, gaar ahaan No. 9 iyo 10 oo weerar qorshaysan ciyaaray. Waxaan sugnaaba waa ciyaaraha fiinaalka inshallah.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip