Ciidamo ku biiraya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo tababar loogu xiray garoonka Ballidoogle + SAWIRRO+

0
Sunday March 20, 2016 - 20:57:26 in Wararka by
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo ku biiraya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo tababar loogu xiray garoonka Ballidoogle + SAWIRRO+

    Garoonka Balidoogle oo ay isticmaalaan inta badan ciidamada Milateriga ayaa waxaa tababar loogu soo xiray ciidamo cusub, kuwaasi oo ku biiraya dagaalka lagula jiro ururka Al-Shabaab oo isku ballaarinaya gobolada dalka lana soo baxay dardar cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoonka Balidoogle oo ay isticmaalaan inta badan ciidamada Milateriga ayaa waxaa tababar loogu soo xiray ciidamo cusub, kuwaasi oo ku biiraya dagaalka lagula jiro ururka Al-Shabaab oo isku ballaarinaya gobolada dalka lana soo baxay dardar cusub.
Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa maanta tababbar ugu soo xiray garoonka Bali-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose cutubyo ka tirsan ciidanka kumaandooska ah ee Danab.

Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed markii uu tegay garoonka Bali-doogle waxa uu salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska.

Ciidanka Kumaandooska ee tababbarka u socday muddo shan bil ah ayaa ku saabsanaa kor u qaadidda xeeladooda ku aadan difaaca dalka iyo sidii guud ahaan ay dalka uga sifeyn lahaayeen argagixisada Al-Shabaab, iyadoo tababbarka ay bixinayeen saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo tababbara u soo xiray ciidanka Kumaandooska ee Danab ayaa ugu horeyn saraakiisha tababbarka bixineysay uga mahadceliyay sida ay gacan uga geysanayaan dhismaha ciidanka xoogga dalka, waxaana uu ciidamada kumaandooska kual dar daarmay inay xoojiyaan la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa xusay in dhismaha ciidanka ay qeyb weyn ka tahay tiirarka uu Qaranku ku faano, isla markaana uu dhiirigelinayo tallaabo kasta oo lagu horumarinayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Ciidanka kumaandooska ah ee Danab ayaa goobta ku soo bandhigay dhoolatus militeri, iyagoo si aad u qalabeysnaa, taasi oo uu si weyn ugu riyaaqay taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiishii la socotay.

Dhinaca kale ciidamada maanta tababbarka loo soo xerey ayaa waxa ay ka qeyb qadaan donaan howlgalka lagula dagaalamayo maleyshiyada haraadiga ee Al-shabaab iyo adkeynta amniga gobolada dalka.

DSC00063DSC00069DSC00077DSC00089DSC00090DSC00101DSC00109DSC00112-1DSC00118-1DSC00122-1DSC00127DSC00132DSC00135DSC00153DSC00156DSC00166DSC00168




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip