Maamulka cusub ee degmada Cadale oo si weyn loogu soo dhoweeyay degmadaas (Sawirro)

0
Sunday March 20, 2016 - 20:37:11 in Wararka by
  • Visits: 885
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka cusub ee degmada Cadale oo si weyn loogu soo dhoweeyay degmadaas (Sawirro)

    Maamul cusub oo dhowaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha u magacawday degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa gaaray degmadaas, iyadoo bulshada ku dhaqan degmadaas ay si weyn u soo dhoweeyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamul cusub oo dhowaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha u magacawday degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa gaaray degmadaas, iyadoo bulshada ku dhaqan degmadaas ay si weyn u soo dhoweeyeen.

Munaasabad lagu soo dhoweynayay maamulkan cusub oo ka kooban Guddoomiye, Labo Guddoomiye kuxigeen dhinacyada Amniga, siyaasada, Arrimaha Bulshada iyo Maaliyadda iyo Xoghaye dowlada hoose.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Amniga iyo Siyaasada C/raxman Axmed Cabdi oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadii soo dhoweynta ayaa uga mahad celiyay dadweynaha reer Cadale, waxaana uu tilmaamay inay balan qaadayaan inay ku shaqeyn doonaan talada dadka deegaanka, maamulkoodana uu ku saleysan yahay wada tashi iyo wada shaqeyn.

Nabadoon Cumar Ibraahim Cosobow oo ka hadlay munaasabadda soo dhaweeynta ayaa sheegay in ay si buuxda ula shaqayn doonaan maamulka cusub oo ay soo magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, isagoo sheegay in ay kula xisaabtami doonaa wixii ay ka qabtaan Degmada Cadale oo ay ka jirto dhibaatooyin nololeed ee aad u badan sida uu sheegay Nabadoonka.

Guddomiyaha cusub ee degmada Cadale Muxiyadiin Suudi Macalin ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Degmada Cadale loo dhameystiro Maamulkeeda.

Waxaa uu ka codsaday dadweynaha degmada Cadale inay la shaqeeyaan maamulka Degmada si uu uga soo dhalaalo waajibka ka saaran Degamada.

Demada Cadale ayaa ka mid ah Degmooyinka Shabeelaha Dhaxe ee sanad ka hor galay gacanta Doolwadda Federaalka Soomaaliya waxa ayna ka mid tahay degmooyinka taariikhiga ah ee dhaca badweeynta Hindiya.

cadale 1cadale 2cadale 3cadale 4cadale 7cadale 8

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip