Wafdi uu Imaam Maxamuud Iimaan Yuusuf Hor-kacayay oo Maanta gaaray Beledweyne (Sawirro)

0
Sunday March 20, 2016 - 20:21:49 in Wararka by
  • Visits: 908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi uu Imaam Maxamuud Iimaan Yuusuf Hor-kacayay oo Maanta gaaray Beledweyne (Sawirro)

    Wafdi ka koobanaa Salaaddiin, Ugaasyo iyo Waxgarad, uunahorkacayay - Iimaam Maxamuud Imaam Yuusuf ayaa maanta soo gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi ka koobanaa Salaaddiin, Ugaasyo iyo Waxgarad, uunahorkacayay - Iimaam Maxamuud Imaam Yuusuf ayaa maanta soo gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

Garoonka diyaaradaha ee Baladweyne ayaa waxaa wafdigan kusoo dhaweeyay qaar ka mid ah duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan, Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka, Xildhibaanno iyo siyaasiyiin horay u sii joogtay magaalada Beledweyne.

Wax-garadkan oo xaflad soo dhaweyn ahayd loogu sameyay xaafadda Howl-wadaag, ayaa waxaa ka qayb-galay qaar ka mid ah duubabka dhaqanka gobolka, xildhibaanno iyo weliba siyaasiin.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo ka mid ahaa Wafdigan ayaa sheegay in Balaldweyne ay u yimaadeen sidii kulammo iyo wada-tashi looga hadlay mustaqbalka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay ula qaadan lahayeen waxgaradka gobolka iyo qaybaha bulshada.

Imaam Max'uud oo horkacayay wafdiga maanta yimid Baladweyne ayaa wuxuu duubabka dhaqanka iyo waxgaradka gobolka Hiiraan uga mahad-celiyay soo dhaweyntiiBaladweyne ay ugu sameeyeen wafdigiiisa.

Xubnaha Wafdigaan ayaa kala ahaa; Imaam Maxamuud Iimaan Yuusuf, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Ugaas Cabdullaahi Ugaas Saalax, Suldaan Maxamed Cabdi iyo Isloow Yuusuf Colaad.

Beelaha gobolka Hiiraan iyo duubabka dhaqanka ayaa dhawaan kulan ay wadajir u qaateen waxay ku qaaddaceen ka qayb-galka shirka magaalada Jowhar ee maamulka loogu dhisayo labada gobol, Waxaana la dhihi karaa waa markii ugu horreysay oo ay duubabka dhaqanka beelaha kale u tagaan Beledweyne arrintan ku saabsan dhismaha maamulka labada gobol.

Ugu dambeyntii Ugaas Xassan Ugaas Khaliif - kama uusan mid ahayn duubabkii dhaqanka ee maanta la kulmay wax-garadka soo gaaray Magaalada Beledweyne.

XIGASHO:-HIIRAAN.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip