Cuba iyo Mareykankaayaa cilaaqaadkooda uu aad u xumaa tan iyo sanadkii 1959, xilligaasoo Xukuumadii uu Mareykanka taageerayay ee Cuba uu afgambiyay Fidel Castro.
Booqashada Obama ayaa waxay albaabada u furi doonaa xiriir ganacsi oo labada dal Mareykanka iyo Cuba u bilaaban doona.
Madaxweynaha Cuba Raul Castro ayaa la filayaa inuu soo dhoweeyo Madaxweyne Barack Obama, iyagoo yeelan doona kulan ay ku kala saxiixayaan heshiis taariikhi ah.
Mareykanka ayaa horay cunaqabateyn ugu soo rogay Cuba, xilligii uu taagnaa khilaafkii labada dal u dhaxeeyay, waxaana lagu wadaa in Aqalka Congress-ka Mareykanka ay cod u qaadaan qaadista cunaqabateynta.
Ammaanka Caasimada Havana ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaa wadooyinka la suray calanka Mareykanka, dadweynaha reer Cuba ayaa si aad ah ugu diyaar garoobaya booqashada Madaxweynaha Mareykanka Obama maanta ku tagi doono Havana.



0 



Obama oo maanta booqasho taariikhi ah ku tagi doona dalka Cuba
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa maanta booqasho taariikhi ah ku tagi doona dalka Cuba, gaar ahaan caasimadiisa Havana muddo 90-sano kadib.