Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay in lala xisaabtami doono hay'adaha mashaariicda ka wada dalka

0
Sunday March 20, 2016 - 13:04:35 in Wararka by
  • Visits: 706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Soomaaliya oo shaacisay in lala xisaabtami doono hay'adaha mashaariicda ka wada dalka

    Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda iyo Maamulada dalka ay iskaashanayaan la xisaabtanka Hay'adda Mashaariicda ka fuliya Gobolada dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowladda iyo Maamulada dalka ay iskaashanayaan la xisaabtanka Hay'adda Mashaariicda ka fuliya Gobolada dalka.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in lala xisaabtami doono hay’adaha samafalka ee ka howlgalla dalka, kuwaasi oo uu sheegay in mashaariic isku mid ah ay ka fuliyaan qaar ka mid ah degmooyinka iyo gobollada dalka.

"Waxaa soo baxday inay lagama maarmaantahay in la ogaado dalka maxaa ka socda, yaase wada, maxaa la qabanayaa, maxaase ku baxaya, waxaa jirta in hal degmo laga fuliyo mashaariic isku mid ah, hal ceel laga qoday, ceelkana laga qado, iyadoo ay jirto magaalada kale ee dariska la ah inaysan lahayn hal ceel oo dadka ku nool ay biyo la’aan heysato, tusaale magaalo saddex iskuul laga dhisay iyo xarumo caafimaad iyo kuwa ku dhow oo aan istaas lahayn, marka waxaan rabnaa in la xoojiyo la xisaabtanka hay’adaha ka howlgalla dalka”ayuu yiri Wasiiru dowladaha Arrimaha gudaha.

Wasiiru dowlaha ayaa xusay inaysan jiri doonin mashaariic oo aan dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ka jira dalka ka warqabin in laga fuliyo gobollada dalka.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa hoosta ka xariiqa in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay si wada jir ah uga shaqeyn doonaan la xisaabtanka hay’adaha mashaariicda kala duwan ka fuliyo dalka.

 

XIGASHO:-RADIOMUQDISHO.NET


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip