R/Rooble oo Degmada Shangaani Guddoonsiiyay Koobka Ciyaaraha Degmooyinka Banaadir (SAWIRRO)

0
Monday November 30, 2020 - 23:13:11 in Wararka by
  • Visits: 4709
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/Rooble oo Degmada Shangaani Guddoonsiiyay Koobka Ciyaaraha Degmooyinka Banaadir (SAWIRRO)

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay daawashada dhammaadka tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka Banaadir oo ku guuleysatay degmada Shingaani.

Tartankan ayaa waxaa ka qaybgalay 17ka degmo ee Gobolka Banaadir iyo degmada Balcad, si loo xoojiyo nabadda iyo isdhexgalka bulshadda. Iyadoo kama danbeysta tartankan ay isugu soo hareen Shingaani iyo Cabdicasiis.

Labada kooxood ee kala matalayay degmooyinka Shingaani iyo Cabdicasiis ayaa soo bandhigay ciyaar wanaag ku dhisan xirfad, taasoo soo jiidatay dhammaan daawadayaasha iyo tageerayaasha garoonka Istaadiyoow Eng. Yariisow joogay .

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u hambalyeeyey Kooxda degmada Shingaani oo hanatay sanadkan koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo sidoo kale boggaadiyey dhammaan ciyaartooyda, macalimiinta iyo maamulka ka qeyb qaatay tartankan oo muujiyey ilbaxnimo iyo tartan wanaag.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey dhalinyaradii naftooda ku waayey falkii argagixisadu ay ku beegsadeen habeenkii Jimcaha goob lagu caweeyo.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip