Ku-simaha Ra'iisul Wasaaraha iyo Safiirka Shiinaha oo ka wada hadlay Abaaraha ka jira Gobollada dalka "SAWIRRO"

0
Sunday March 20, 2016 - 13:01:12 in Wararka by
  • Visits: 741
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku-simaha Ra'iisul Wasaaraha iyo Safiirka Shiinaha oo ka wada hadlay Abaaraha ka jira Gobollada dalka "SAWIRRO"

    Ku-simaha Ra'iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Axmed Jaamac "Ilka-Jir", ayaa la kulmay Safiirka dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wei Hongtian (Warsame Geeljire). Waxana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku-simaha Ra'iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Axmed Jaamac "Ilka-Jir", ayaa la kulmay Safiirka dawladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wei Hongtian (Warsame Geeljire). Waxana ay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada dalka iyo sidii dawladda Shiinaha ay gacan uga geysan lahayd wax-qabashada Abaaraha ka jira qeybo kamid ah Gobollada dalka.

Ku-simaha R/Wasaaraha ayaa dawladda Shiinaha kala hadlay sidii ay gacan uga geysan lahayd Abaaraha ka jira gobollada dalka, gaar ahaan deegaanada Puntland, Soomaaliland, iyo Galmudug oo waqtigan ay si daran u saameeyeen abaaruhu.

"Xukuumaddu waxay samaynaysaa dadaal kasta oo gargaar lagu gaarsiinayo dadka dhibaataysan, waxana ay beesha caalamka, Ganacsatada iyo Qurba-joogta Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay naga gacan siiyaan sidii arrintan wax looga qaban lahaa. waxana kala hadalnay Safiirka Shiinaha in ay gacan naga siiyaan shacabka dhibaateysan sidii loo caawin lahaa”ayuu yiri Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya.

Safiirka Shiinaha ayaa balan-qaaday in dawladdiisu ay gacan ka geysan doonto sidii taageero loogu fidin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, wuxuna xusay in door muuqda ay ka geysanayaan gacan siinta bulshada ay abaaruhu ku dhufteen.

123

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip