Jeneraal Galaal "Dagaalka Puntland Shabaabka ay ka wadaan waa qorshe cusub oo ay isku fidinayaan"

0
Sunday March 20, 2016 - 12:53:51 in Wararka by
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeneraal Galaal "Dagaalka Puntland Shabaabka ay ka wadaan waa qorshe cusub oo ay isku fidinayaan"

    Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah Saraakiishii hore ee ciidamada Xooga dalka Somaliya, ayaa ka hadlay Duulaanka Shabaabka ay ku qaadeen deegaano ka tirsan Maamulka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah Saraakiishii hore ee ciidamada Xooga dalka Somaliya, ayaa ka hadlay Duulaanka Shabaabka ay ku qaadeen deegaano ka tirsan Maamulka Puntland.

Galaal, waxa uu ku tilmaamay sababta rasmiga ah ee ka dambeysay duulaanka Shabaabka ay ku qaadeen deeganada Puntland inay tahay inay isku balaariyaan dhulka Somaliya oo ay ku fidiyeen dagaalka.

Wuxuu meesha ka saaray Shabaab inay ku guul dareysteen dagaalka ay ka wadaan Koonfurta Somaliya, isaga oo tilmaamay weli Shabaabka inay yihiin awood muuqata oo dagaalka sii wadi karta.

"Waxay u xusheen inay weeraraan Puntland iyagaa og, waxay dareemayaan inay kala qeybsan yihiin dowladda dhexe iyo Puntland, laakiin waa dhibaato soo korortay in meeshaas nabadda ahayd ay dhibaato ka abuuraan, ma dhahayo Al-shabaab waa looga adkaaday gobollada Koonfurta iyo bartamaha waayo waa kuwan na qarxinaya, aniga waxaan u maleynaa in Al-shabaab ay dagaalkooda sii fidinayaan, waxaad moodaa inay la wareegeen hal abuurkii oo hadba meeshii ay doonaan ay wax ka qarxiyaan” ayuu yiri Jeneraal Galaal.

Markii ugu horeysay oo Shabaab ay abuurayeen furuntan cusub ee dagaalka Xeebaha Puntland, waxa ay ka dageen Xeebta Deegaanka Garacad halkaasi oo doomo ay ku gaareen, iyadoo Durba Puntland si indho la’aan ciidanka halkaasi tagay ugu eedeysay Dowladda Federalka Somaliya.

Sidoo kale Jeneraalka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii Wasiirka amniga maamulka Puntland kadib weerarkii Al-shabaab ee gobolka Nugaal, balse waxa uu aad u ammaanay Madaxweynaha maamulkaasi Cabdiweli Maxamed Gaas sida uu durba ka daba tagay hadalkii Wasiirkiisa amniga.

"Wasiirka Amniga Puntland si wanaagsan uma hadlin, hadal meel ka dhac ah buu ku hadlay, laakiin waxaan ku farxay ka dabatagista hadalkaasi ee madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaa iyana sidoo kale farxad ah dowladda Federaalka oo iyana Kaalmo u dirtay halka dagaallada ay ka socdaan, midda kale nimankaan Shabaab ah Soomaaliya kaliya dhibaato kuma hayanaa ee mandiqadda dhan bay dhib ku hayaan, hadda in la’iska kaashado waa muhiim oo dowladda Federaalka iyo Puntland ah” ayuu hadalkiisa ku daray Jeneraal Galaal.

XIGASHO:-DHACDO.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip