David Obonyo, Afhayeenka ciidanka Kenya ayaa Saxaafadda u sheegay maanta oo Axad ah dagaalkaasi inay guulo ka gaareen ciidamada Kenya ee Shabaabka la dagaalamay.
Wuxuu sheegtay inay dileen 21 ka mid ah dagaalyahanada Ururka Al Shabaab, sidoo kalena ciidankooda ay gacanta ku dhigeen 19 Qori oo nooca Ak47 ah waa sida uu hadalka u dhigay.
Afhayeenka ciidanka Difaaca Kenya ayaa sidoo kale sheegay in dhankooda dagaalkaasi looga dilay labo Askari, Shan kalena ay dhaawac yihiin, kuwaasi oo hada lagu dabiibayo Saldhiga ciidanka Amisom ee Degmada Afmadoow.
Majirto ilo ka madaxbanaan Saraakiisha ciidamada Kenya oo xaqiijinaya in tiradaasi laga dilay Shabaab sidoo kalena hubkaasi laga qabsaday.
Shabaab dhankooda waxa ay ku faaneyn inay qabsadeen Maxaabiis Kenyatti ah oo iyaga oo nool lagu qabtay dagaalka ka dhacay Jubadda hoose.
Dagaalkii shalay galab dhexmaray Shabaabka iyo ciidamada Kenya ayaa ahaa mid kulul oo qayb ay ka ahaayeen Diyaaradaha dagaalka Kenya.



0 



David Obonyo "21 Shabaab ah ayaan dilnay, anaga labo ayaa nalaga dilay Shan kalena waa dhaawac"
Dowladda Kenya ayaa guulo ka sheegatay dagaal culus oo shalay galab ciidamada Kenya iyo kuwa Shabaab ku dhexmaray Gobolka Jubadda hoose ee Koonfurta Somaliya.