Maxkamada Sare oo xukuno ku riday 6 ruux oo ku eedeysnaa dilkii Wariye Hindiyo Xaaji, kadib Racfaan ay ka qaateen xukun horay loogu riday

0
Sunday March 20, 2016 - 12:50:59 in Wararka by
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada Sare oo xukuno ku riday 6 ruux oo ku eedeysnaa dilkii Wariye Hindiyo Xaaji, kadib Racfaan ay ka qaateen xukun horay loogu riday

    Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka Sida Dowladda Federalka Somaliya, ayaa maanta oo Axad ah u fariisatay Qaadista Xukun la xiriira Lix ruux oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilkii Magaalada Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Wariye Hindi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Sare ee ciidamada Qalabka Sida Dowladda Federalka Somaliya, ayaa maanta oo Axad ah u fariisatay Qaadista Xukun la xiriira Lix ruux oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilkii Magaalada Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Wariye Hindiyo Xaaji oo Shabaab ay sheegteen dilkeeda.

Maxkamada Darajada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa Lixdaan ruux horay xukun ugu riday, waxaana xukunka lagu riday 25-kii Bishii labaad uu u udhacay sidan.

1: C/risaaq Maxamed Barow Cadow 28 jir ina Saynab Maxamed Maxamuud ku dhashay Xamar, waxa uu qirtay inuu gaarigii Wariye Hindiyo Xaaji Maxamed ku xiray Waxyaabaha Qarxa, maxkamadana waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah.

2:Xasan Nuur Cali Faarax 37 jir ah Ina Faadumo Xasan ku dhashay Xamar, waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in.

3: Macalin Maxamed Abuukar Cali 42 jir Ina Faadumo Cabdulle ku dhashay Shabeellaha Dhexe , waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in..

4: Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere 56 jir ah Ina Awliyo Xasan ku dhashay Mudug, waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in..

5: Muxudiin Cismaan Maxamed Cawaale 22 jir ah Ina Nasro Xaaji Shidane ku dhashay Xamar, waxaa lagu xukumay Shan Sano oo Xabsi ciidan ah.

6: Cali Xasan Aadan 40 jir ah Ina Aamina Rooble Jinoow ku dhashay Ethiopia, waxaa lagu xukumay Shan Sano oo xabsi ciidan ah.

Hadaba Maxkamada sare ee dalka oo maanta u fariisatay Xukunka lixdaan ruux, kadib markii ay Racfaan ka qaateen xukunkii hore ayaa maxkamada sare raggan waxa ay u kala xukuntay sidan.

1: C/risaaq Maxamed Barow Cadow 28 jir ina Saynab Maxamed Maxamuud ku dhashay Xamar, waxaa lagu xukumay dil toogasho ah

2:Xasan Nuur Cali Faarax 37 jir ah Ina Faadumo Xasan ku dhashay Xamar, waxaa lagu xukumay dil toogasho ah.

3: Macalin Maxamed Abuukar Cali 42 jir Ina Faadumo Cabdulle ku dhashay Shabeellaha Dhexe , waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in.

4: Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere 56 jir ah Ina Awliyo Xasan ku dhashay Mudug, waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in.

5: Muxudiin Cismaan Maxamed Cawaale 22 jir ah Ina Nasro Xaaji Shidane ku dhashay Xamar, waxaa lagu xukumay 15 sano xabsi ah.

6: Cali Xasan Aadan 40 jir ah Ina Aamina Rooble Jinoow ku dhashay Ethiopia, waxaa lagu xukumay 15 Sano xabsi ah.

Xukunkaan sidan u dhacay waxaa maanta ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yarow.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip