Hordhac: Man City V Man United- Kooxaha Sky Blues Iyo Red Devils Oo Doonaya In ay Xili Ciyaareedkooda Premier Leaque-ga Ku Badbaadiyaan Kulanka Manchester Derby Iyo Kulankan Oo Xamsaad Gaar Ah Laga Filan Karo

0
Sunday March 20, 2016 - 12:17:57 in Sports News by
  • Visits: 817
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Man City V Man United- Kooxaha Sky Blues Iyo Red Devils Oo Doonaya In ay Xili Ciyaareedkooda Premier Leaque-ga Ku Badbaadiyaan Kulanka Manchester Derby Iyo Kulankan Oo Xamsaad Gaar Ah Laga Filan Karo

    XOGTA KULANKAN Kulankan:Manchester City Vs Manchester United Tartanka:Premier Leaque Garoonka:Etihad Stadium Waqtiga:7:00 PM saacada geeska Afrika Garsooraha:Michael Oliver

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XOGTA KULANKAN Kulankan:Manchester City Vs Manchester United Tartanka:Premier Leaque Garoonka:Etihad Stadium Waqtiga:7:00 PM saacada geeska Afrika Garsooraha:Michael Oliver

Manchester City ayaa Etihad Stadium ku soo dhawaynaysa kooxda ay dariska yihiin ee ay sida wayn ugu xifiltamaan magaalada Manchester ee Red Devils, waxayna labada kooxood kulmayaan iyaga oo doonaya in ay xili ciyaareedkooda horyaalka Ingiriiska ku badbaadsadaan kulanka Manchester Derby oo labada kooxoodba muhiimad gaar ah u yeelan doona, waana sabbata kulankan looga filayo xamaasad dheeraad ah.

Manchester City ayaa hadda ku jirta kaalinta afraad ee horyaalka Ingiriiska, waxayna 15 dhibcood ka danbaysaa kooxda hogaanka Premier Leaque-ga haysa ee Leicester City oo kulankii ugu danbeeyay Crystal Palace guul ka soo gaadhay, sidaa daraadeed kooxda Pellegrini ayaa maanka ku haysa in waxaan guul hayn oo ay kala kulmaan Man United ay god dheer ku ridi doonto rayajadii ay ka qabeen koobka Premier Leaque-ga. Man City ayuu wali baaqi u yahay hal kulan laakiin saddexda dhibcood ee Manchester Derby ayaa uga qaalisan lix dhibcood.2-MAN

Dhinaca kale Louis Van Gaal ayaa sheegay in kulanka Etihad Stadium uu kooxdiisa u yahay guul ama geeri, wuxuuna qirtay in xili ciyaareedkooda Premier Leaque-ga uu ku xidhan yahay natiijada kulanka Manchester Derby. Man United ayaa hadda ku jirta kaalinta 6 aad waxayna ku fikiraysaa in ay City kula tartanto kaalinta afraad laakiin waxaan guul ahayn oo ay Man United kala kulanto Sky Blues ayaa soo gabagabayn doonta rajada Man United ee kaalinta afraaad.

MAXAA KA CUSUB WARARKA LABADA KOOXOOD?

kooxda martida loo yahay ee Manchester City ayuu ka maqnaan doonaa kabtankooda saamaynta badan eeVincent Kompany kaas oo uu dhaawac ka soo gaadhay kulankii lugta labaad ee Champions Leaque-ga ee ay City la ciyaartay kooxdaDynamo Kiev. Waxa kale oo isla kulankaas uu dhaawac ka soo gaadhay difaaca dhexe eeNicolas Otamendi kaas oo isaguna seegi doona kulanka Machesrter derby.Kompany1

Waxa kale oo Manchester City dhaawacyo kala duwan kaga maqnaan doona kulankan ciyaartoyda kala ahKevin De Bruyne, Fabian Delph iyo Samir Nasri.

Liiska Ciyaartoyda Man City:Hart, Caballero, Sagna, Zabaleta, Otamendi, Mangala, Demichelis, Kolarov, Clichy, Toure, Fernando, Fernandinho, Sterling, Silva, Navas, M Garcia, Aguero, Bony, Iheanacho.

Dhinaca kooxda martida ah ee Manchester United, Ander Herrera ayuu shaki ku jiraa in uu ciyaari karo kulankan muhiimka ah isaga oo qaba dhibaato dhaawac oo u diiday in uu ciyaaro kulankii lugtii danbe ee Europa Leaque-ga ee ay Man United la ciyaartay Liverpool.Herrera

Waxaa Manchester United u soo laaban kara Ashley Young iyo Cameron Borthwick-Jackson kuwaas oo kooxda inteeda kale tababarka la qaatay waxa kale oo Man United diyaar u ahAdnan Januzaj iyo Timothy Fosu-Mensah oo sharci ahaan ku seegay kulankii Europa Leaque-ga ee Liverpool.Laakiin waxaa Manchester United kulankan dhaawacyo kaga maqnaan doona xidigaha kala ahWayne Rooney , Luke Shaw, Will Keane iyo Phil Jones.

Liiska Ciyaartoyda Man United:De Gea, Romero, Darmian, Riley, Rojo, Varela, Valencia, McNair, Borthwick-Jackson, Williams, Fosu-Mensah, Blind, Smalling, Schneiderlin, Schweinsteiger, Herrera, Fellaini, Carrick, Weir, Mata, Young, Lingard, Depay, Martial, Rashford

WAXYAABO AAD U BAAHAN TAHAY IN AAD KULANKAN KA OGAATO:

  • Manchester United ayaa hal kulan oo kaliya ka soo guulaysatay sideedii kulan ee horyaalka Ingiriiska ee ay Etihad Stadium martida ugu ahayd Manchester City. Afar kulan ayay Red Devils soo guuldaraysatay, saddex kulana barbaro ayay la soo gashay City halka sida aan soo sheegnay ay hal kulan soo guulaysatay sideedii kulan ee ugu danbeeyay Premier Leaque-ga ee ay booqatay Etihad Stadium.
  • Sergio Aguero ayaa todoba gool ka dhaliyay todobadii kulan ee horyaalka Ingiriiska ugu danbeeyay ee uu ka horyimaado Manchester United, haddii uu axada shabaqa ka soo taabto Man United waxa uu barbarayn doonaa gool dhalinta Wayne Rooney ee Manchester Derby kaas oo City shabaqa ka gaadhay sideed kulan oo xidhiidh ah oo horyaalka Ingiriiska ah.Aguero
  • Haddii ay Manchester City guulaysato kulankankan, Manuel Pellegrini ayaa noqon kara tababarihii ugu horeeyay ee Manchester City maamula oo afar kulan oo Manchester Derby ah ka guulaysta Man United tan iyo sanadkii 1970 kii markaas oo uu rekoodhkaas dhigayJoe Mercer.
  • Marcus Rashford ayaa ku luglahaa saddex ka mid ah afartii gool ee ugu danbeeyay oo ay Man United ka dhalisay Premier Leaque-ga. Laba gool ayuu dhaliyay halka uu sameeyay hal gool caawineed.
  • Manchester United ayaan saddex kulan oo isku xigta oo ay marti u tahay Manchester City aan soo guuldaraysan tan iyo sanadkii 1955 kii.
  • Manchester United ayaa 19 kulan oo Premier Leaque-ga ah ka badisay Man City halka Man City ay 11 kulan guushu raacday, waxayna barbaro galeen 7 kulan.

SHAXA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD:2

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip