Maxaa hor-taagan Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe (Warbixin)

0
Monday October 05, 2015 - 11:24:19 in Maqaallo by
  • Visits: 1299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa hor-taagan Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe (Warbixin)

    October 5 (Jowhar)— Burburkii Dowladdii dhexe kadib Soomaaliya waxaay soo martay marxalado kala duwan. kuwaasoo saameyntooda lahaa, waxayna dalka u horseedeen in ay dhacaan dagaalo sokeeye oo dadbadani ku dhintaaan kumanaan Shacab Soomaaliyeedn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

October 5 (Jowhar)— Burburkii Dowladdii dhexe kadib Soomaaliya waxaay soo martay marxalado kala duwan. kuwaasoo saameyntooda lahaa, waxayna dalka u horseedeen in ay dhacaan dagaalo sokeeye oo dadbadani ku dhintaaan kumanaan Shacab Soomaaliyeedna ay u qaxaan daafaha aduunka,kuwii dalka ku harayna ay soo wajahday Barakac,Macluul,Maamul la'aan,Fowdo,Boob hanti,dhacwadareed waxaana saaxadda ka baxay u hogaansanaanta sharciga iyo kala danbeynta. Dalka waxa uu wajahay in ay kala qeyb qeysadaan Hogaamiye kooxeedyo ka faa’iideystay Dowlad la’aanta mid walbana Degmo iyo Gobolo ayuu xoog ku maamulay wixii dhacayna qof walba wey taabatay.

Soomaaliya waxaa loo qabtay Shirar dib u hishiiseeneed oo ka dhacay Wadadmada Carabta iyo Dalalka deriska la ah Soomaaliya, waxaana dalka loo dhisay Dowladdo KMG, iyadoo la soo jeediyey in dalka laga hirgaliyo Nidaamka Federaalka labo Gobol iyo ka badan wixii is raaci kara la isku daro oo loo dhiso Dowladdo Xubno ka noqonaya Dowladda Federaalka.



Illaa iyo Hadda waxaa jira Maamul Goboleedyada kala ah Puntland oo Baarlamaanka Soomaaliya aqoonsanyahay, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana haray dhisidda Maamulada loo sameenayo Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe iyo Gobolka Banaadir Maqaamka uu yeelanayo.

Shir ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Villa Somalia 8-dii Bishii Agosto 2015 waxaa lagu saxiixay heshiiska Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo Goobjoog ka ahaayeen Shirkaasi Madaxda dowladda, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Gudoomiyeyaasha Labada Gobol iyo Beesha Caalamka oo marqaati ka aheyd isku darka labada Gobol, shirkaasina waxaa lagu shaaciyey in la dhisayo Guddiga farsamada 14 Maalmood Gudahood shirkana furmayo Kowda Bishii September illaa iyo hadda wax ka hirgalay ma lahan waxaana ka soo wareegtay 56 Maalmood.

Habada Maxaa Hortaagan Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe?

Dad badan oo Odorasa Siyaasadda Soomaaliya waxay aaminsan yihiin in Dowladda Federaalka ay ka gaabineyso dhisidda Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, waxaana lagu sababeeyay lix arrimo midkood oo kala ah:-

  1. Madaxweynaha oo laga keenay Mooshin culus kaasoo horseeday in Xubnihii ka shaqeyn lahaa dhisidda Maamulka labada Gobol ay xooga saareen sidii loo kala furfuri lahaa Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
  2. Kala aragti duwanaanshaha iyo khilaafka durbaba ka dhashay habka loo qeybsanayo Guddiga farsamada ee 31 xubnood
  3. Dowladda oo raadineysa Hab cusub oo lagu maareenayo Dhaqaalaha ku baxaya Shirka iyo dhismaha Maamulka.
  4. Dowladda oo u aragto in dib loo dhigo dhisidda Maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe si ay marmarsiyo ugu dhigato in waqti ku darsato si ay u tiraahdo waxaan dhameystireynaa Hirgalinta Nidaamka Federaalka.
  5. Culeyska ka jira Beelaha Dega Labada Gobol oo mid walbo Dowladda horgeeyey Shuruuddo adag.
  6. Siyaasiyiinta labada Gobol oo ku heshiin la’ halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta iyo Madaxweynaha halka uu ka imaanayo

Arimahaas oo jira waxaa la is weydiinayaa Dowladda Federaalka in ay dhisto Maamulka Galmudug waxa ay ku bixisay Waqti iyo Lacago badan, waxaa Heegan u ahaa Wasiiradda Qorsheynta iyo Arrimaha Gudaha oo safaro badan ku tagay Cadaado iyo Dhuusa Mareeb Habeen iyo maalinna u taagnaa sidii loo dhameystiri lahaa Galmudug, Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha safaro kala duwan ku tagay, wali ma dhicin in Dowladda qeybaheedaa kala duwan in ay tagaan Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe……. waxaa la is weydiinayaa Ma jiri kartaa kala jecleysi Dhisidda Dowladdaha Xubnaha ka noqonayo Dowladda Dhexe?

Haddii ay Dowladda ka go’antahay Hirgalinta iyo dhameystirka Nidaamka Federaalka Sanad iska daayee Billo ayee ku qaadan laheyd laakiin Culeyska jira illaa iyo hadda ma soo shaac bixin, waxaana Muuqata in Dowladda ay hor-taagan tahay in la dhiso Dowlad Xubin ka ah Dowladda dhexe oo ay yeeshaan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Waa maxaay Saameynta Siyaasiyiinta Labada Gobol?

Shaki kuma Jira in Magaalada Muqdisho, Baladweyne iyo Jowhar ay ka socdaan shirar is-daba joog ah oo mid walbo dano iyo Ujeedooyin xambaarsan kuwaasoo biyo dhacooda yahay aayo ka talinta iyo hogaaminta labada Gobol si taasi ay u gaaraan siyaasiyiinta qaar waxay Dowladda ku fureen Siyaasad adag iyaga oo wejiyo kale isticmaalayo, laakiin Muhiimaddu ay tahay Gorgortan dhanka awoodda waana Caqabad muuqata oo saameynteeda leh, balse ma jiro fikir intaasi dhaafsiisan oo loogu daneenayo aayaha iyo Mustaqbalka Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Saameyta ay leeyihiin Siyaasiyiinta labada Gobol waa in ay kiciyaan shacabka iyo Ganacsada Dowladdana Caqabad ayee ku noqon kartaa, Maamul sameyntana saameyn ayee ku yeelan karaan maxaa yeelay waxa ay bilaabi karaan abaabul hoose oo keeni kara in la diido Maamulka ama kooxo ka soo horjeedo la sameeyo sida heysata Maamulka Galmudug.

Kaalinta Beesha Caalamka iyo Hirgalinta Nidaamka Federaalka.

Beesha Caalamka iyo Dwoladdaha deriska la ah Soomaaliya faragalin weyn ayay ku hayaan arrimaha Soomaaliya, qofkasta oo waxgarad ah waa ogyahay, Beesha Caalamka Dowladda Federaalka Cadaadis weyn ayay ku saari kartaa in la dhiso Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, si dalka loo gaarsiiyo Doorasho oo sida la saadaalinayo ka imaan doonto Maamul Goboleedyada Dalka laga dhiso, dhinaca kalana waxaa dhici karta in Dowladda ay dhisto Maamul Goboleed aan sidaa u tabar badneyd si indhaha Beesha Caalamkana isaga jeediso, maalmaha soo socdana ay magacaawdo Guddiga farsamada kuna dhawaaqdo halka shirka lagu qabanayo.

Diyaar Garowga Magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyn.

Gudoomiyeyaasha Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe mid walbo waxa uu iskiis u sheegay in ay u diyaar garoobeen marti galinta shirka maamulka loogu dhisayo labada Gobol, waxaana ka go’an in shirka Magaalooyinka ay madaxda u yihiin in uu ka dhaco, aad ayay u fiican tahay in Magaalo walbo ay jeceshay Hormarka labada Gobol, taasoo lagu taamayo haddii la hirgaliyo Dowlad xubin ka ahaan doonto Dowladda dhexe in Labada Gobol ay hor mari lahaayeen oo la arki lahaa Kalluunka Caddale looga qadeeyo Baladweyn, Qudaarta qeybaheeda kala duwan ee ka baxda Magaalada Baladweyne looga qadeeyo Caddale, Degmada Matabaan illaa magaalada Muqdisho Wadda laamiga isku xirta oo la dhiso, Beeraha Bariiska Jowhar iyo dalagyada kale ee ka soo go’a Beeraha in qof walbo oo labada Gobol ku nool gurigiisa loogu geeyo,Webiga shabeelle ee mara labada Gobol si fiican loogu faa’iideysto,Caafimaadka,Wabrashada iyo wax soo saarka ayaa hormari lahaa Sanaddo badan oo dib u dhac ah ayaa laga soo kaban lahaa,Waxaas oo dhan waa in Dowladda go’aan sax ka qaadato dhisidda Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe si loo gaaro Himilooyinka ifaya lagana faa’iideysta Kheyraadka labada Gobol.

Ugu Dambeyntii Dowladda Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa in ay soo dadajiso dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe kana fogaato wax walba oo keeni kara kala qeybinta shacabka labada Gobolka ayna tixgaliso Rabitaanka Bulshada u heelan Hormarka iyo Dowlad Wanaaga.

W/Q:- Cabdiraxman Maxamed Cali (Black)
E-mail:- onkod24@gmail.com
Muqdisho-Somaliya

Xigasho:- Jowhar.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip