Shaqaalaha Q/Midoobay oo arrin aan looga baran ka sameeyay Muqdisho + Sawirro
Ku dhowaad boqol qof oo ka mid ah madaxda iyo shaqaalaha Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay xerada Xalane ayaa saakay ka bilaabay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde International Air Port olole aan horay looga baran.
Shaqaalaha Qaramada Midoobay oo ay ilaalo ka hayaan ciidamada AMISOM ayaa markii ugu horeysay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxay ka sameeyeen olole nadaafadeed oo ay qashinka uga gurayaan gudaha iyo hareeraha xafiisyada ku yaala xerada Xalane.
Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Dowladda ee ku sugan gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa shabakadaan u sheegay in ololaha nadaafadeed uu gooni u yahay shaqaalaha ajnabiga ah ee ka howlgala Soomaaliya.
Waa markii ugu horeysay oo shisheeyaha ku sugan magaalada Muqdisho ku dhaqaaqo ololahaan nadaafadeed tan iyo markii ay meesha ka baxday Dowladdii Kacaanka sanadkii 1991-kii, iyadoo tallaabadani ay tahay mid horseedeysa soo nooleynta ololihii iskaa wax u qabso.

0 