
Xildhibaano Kenyan ah oo Doonaya in UNHCR ay Hoos Timaado Dawlada Kenya
Waxay sheegeen xildhibaanadaasi in dadka deegaanka ah ee kunool meelaha ay ka hawlgasho UNHCR aysan wax sidaa u buuran ka faaiidin. Xildhibaan ka mid ah xildhibaanadaa ayaa sheegay in 25 sano maadaama ay UNHCR ka shaqeyneysay gobolka Soomaalidu ay dagto ee Kenya ee Waqooyi Bari la doonayay inay ka dhigto wadada gasha qaxootiga Dhadhaab laami balse arintaasi aysan dhicin ilaa hada.
Wuxuu tibaaxay in loo baahan yahay in shaqaale markii heyadaa ay shaqaaleyneyso dawlada ay tahay in lasoo maro. Wuxuu kaloo xildhibaankaasi sheegay in baabuurta iyo arimahooda iyo waddooyinka la dhisayo dhammaan ay dawladu la wareegto.
Waxaa wararku sheegayaa warbaahintu heleyso in xildhibaanada Kenya ay haatan diyaarinayaan sharci cusub oo amuurtaa wax looga baddalayo si UNHCR ay dawlada dalka Kenya u hoos timaado.


0 


Xildhibaano Kenyan ah oo Doonaya in UNHCR ay Hoos Timaado Dawlada Kenya
Xildhibaano Soomaalida Kenya ah oo kasoo jeeda gobolka Soomaalidu ay dagto ee Kenya ee Waqooyi Bari ayaa bilaabay olole ay ku doonayaan in QM hayada u qaabilsan arimaha qaxootiga ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UNHCR la hoos keeno dawlad