Ronald Koeman Oo Sharaxay Sababta Uu Lionel Messi Uga Reebay Kulanka Champions League Ee Todobaadkan

0
Monday November 23, 2020 - 21:34:14 in Wararka by
  • Visits: 1417
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ronald Koeman Oo Sharaxay Sababta Uu Lionel Messi Uga Reebay Kulanka Champions League Ee Todobaadkan

    Barcelona ayaa u safreysa Ukraine si ay u la ciyaaraan Dynamo Kyiv kulan ka tirsan wareega group-yada Champions League habeenka Talaadada, laakiin waxaa ka maqan ciyaartoyda laf dhabarta u ah Lionel Messi iyo Frenkie de Jong. Ronald Koeman ayaa shaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelona ayaa u safreysa Ukraine si ay u la ciyaaraan Dynamo Kyiv kulan ka tirsan wareega group-yada Champions League habeenka Talaadada, laakiin waxaa ka maqan ciyaartoyda laf dhabarta u ah Lionel Messi iyo Frenkie de Jong. Ronald Koeman ayaa shaaca ka qaaday in labada xiddig la nasasiiyay ka dib guuldaradii niyadjabka laheyd ee Sabtidii ka soo gaartay Atletico Madrid, waxay aheyd guuldaradii ugu horeysay abid ee ka soo gaarta tababare Simeone.

"Waxaan go’aansanay inaan kaxeysaneynin Messi iyo De Jong” ayuu Keoman ka sheegay shirkiisa jaraa’id ee maanta.

"Xaaladeena Champions League waa mid raaxo badan, waxayna u baahan yihiin nasasiino.”

Qaab ciyaareedka liita ee Barcelona ayaa keentay in Koeman iyo ciyaartoyda ay la kulmaan eedeyn badan isbuucyadii ugu danbeysay laakiin tababaraha reer Holland ayaa sheegay inuu diirada saarayo shaqadiisa oo uusan dheg u dhigi doonin buuqa ka imaanaya warbaahinta iyo taageerayaasha.

"Waan ognahay xaalada ay kooxda ku jirto iyo waxa soo socda” ayuu yiri. "Waan ku faraxsanahay shaqada ay qabanayaan ciyaartoyda laakiin kuma faraxsani wadarta dhibcaha aan heysano.

 

"Leo Messi mar walba waxa uu saameyn badan ku lahaa guulaha kooxdan, welina wax badan ayuu ina sii siin karaa. Waxaan iga dhaadhacsan inuu weli yahay ciyaaryahan aan u baahanahay.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip