
Twitter iyo Facebook oo Akoonka madaxweynaha Mareykanka @POTUS ku wareejinaya Biden
Shirkadaha Facebook iyo Twitter ayaa shalay oo Sabti aheyd shaaciyay in akoonnada Madaxweynaha Mareykanka ee Facebook iyo Twitter ay ku wareejin doonaan Madaxweynaha la doortay ee Joe Biden 20 bisha January ee sanadka soo socda.
Bogagga @POTUS Facebook iyo Twitter waa bogagga rasmiga ah ee uu isticmaalo Madaxweynaha Mareykanka. Waa kuwa ka duwan akoonka @realDonladTrump iyo bogga kale @DonaldTrump ee Madaxweynaha haatan xilka ka digaya ee Donald Trump isticmaalo.
"Shirkadda Twitter waxay si firfircooni ku jirto u ugu diyaar garoobeysaa taageeridda marxaladda kala guurka ah oo loo wareejin lahaa Akoonada rasmiga ah ee Aqalka Cad 20-ka bisha Janaayo 2021-ka. Si lamid sidii aan sameynay kala guurkii 2017-kii, fulinta arrinkan wuxuu qaadan doonaa la tashiyo badan oo aan la sameyno Waaxda Diiwaanada iyo Arkiifiyada Qaranka” ayay Shirkadda Twitter u sidaa u xaqiijisay Wakaaladda Wararka Reuters.
Shirkadaha waaweyn ayaa maalinka caleemasaarka Madaxweynaha iyo ku xigeenka Mareykanka wareejin doona akoonno kale oo ay kamid yihiin Akoonada Madaxweynaha ku xigeenka iyo marwada Koowaad.
"2017-kii ayaa maamulka Obama iyo Tramp kala shaqeynay sidii ay isugu wareejin lahaayeen Akoonada Facebook iyo Instagram 20-kii January, haatanna waxaynu rajeyneynaa inaan sidii oo kale sameyno” Facebook ayaa sidaas kaga jawaabtay su’aal ay weydiisay Reuters.
Twitter iyo Facebook oo Akoonka madaxweynaha Mareykanka @POTUS ku wareejinaya Biden
..