
WAA WARARKA WARGEYDSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH ISNIIN 5-TA OKTOOBAR 2015-KA
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqa-nka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda So-omaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye” oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa ka hadlay xariga loo geystey saxaf-iyiinta taleefishinka Universal magaal-ada Muqdisho.
Maxamed Cabdi Xayir Maare-eye oo ka hadlayay xariga Agaasi-maha taleefishinka Universal Bariga Afrika Cabdulaahi Xirsi Kulmiye iyo barnaamij soo saare Cawil Daahir Sal-aad in falka lagu xiray uu dhacay isaga oo dalka ka maqan, isla markaana xogwareysi uu la yeelan doono hay-’adaha amniga iyo madaxda Wasaa-radda, isla markaana uu xooga saari doono sidii ay ku heli lahaayeen xuq-uuqdooda dastuuriga ah.
Sidoo kale wasiirka ayaa ka hadlay booqashadii uu ku tegey dalka Kenya waxana uu sheegay in ma-s’uuliyiinta iyo hay’adaha uu la kulmay ay isku afgarteen waxyaabo badan oo ay ka mid tahay inay xoojiyaan taage-erada ay siinayaan Soomaaliya.
"Sii xoojinta xiriirka kala dhe-xeeya Soomaaliya iyo hay’adaha aan la kulmay ayaan kaga wada hadalnay, waxaana si gaar ah isku afgaranay horumarinta warbaahinta dalka ayuu yiri wasiirka Warfaafinta,
FARMAAJO "MA AHAN IN DOWLADDU CABURISO SAXAAFADA MADAXA BANAAN”
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farma-ajo ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay xarigii Ciidamada Ammaanka ay xireen Xafiiskii telefishinka Univ-ersal, Agaasimihii Bariga Afrika ee Te-lefishinka TV iyo Wariye Cawil Dahir
Farmaajo oo wareysi siinayay mid ka mid ah Idaacadaha maxaliga ayaa walaac ka muujiyay in 25-sano kadib dowladdu caburiso warbaahinta madaxa banaan, isagoo xusay in dowladda ay tahay mid dimoqraadi ah.
"Runtii waa arrin aad looga xumaado, inta la galo Xafiiskii Telefi-shinka Universal la xiro, waliba labada mas’uul ee Telefishinka ka tirsan ay labo cisho ay xiran yihiin, ma ahan in dowladdu caburiso warbaahinta”ayuu yiri Mr Farmaajo.
Waxaa uu sheegay in aan loo baahneyn dad xilligan loo xiro arrimo siyaasadeed, isla markaana uu dalka u horseedi karto mugdi, waxaana uu xusay in Madaxda dowladda ay iyag-aba saxaafada adeegsadaan.
"Ma ahan in arrimo siyaasa-deed dad loo xiro, wuxuuna dalka u horseedi karaa mugdi, Madaxweynaha laftigiisu Universal iyo Idaacadaha kale wuu u yeertaa si uu hadalkiisa ugu mariyo shacabka”ayuu mar kale yiri Farmaajo.
|
MADAXWEYNAHA DOWLAD GOBOLEEDKII BANADIR STATE MD CABDULAAHI AXMED MAXAMUUD (C/LLAAHI DHEERE) OO TALO GUUD U SOO JEEDIYAY XUBNAHA GOLAHA BAARLAMAANKA FEDERTAALKA SOMAALIYA
Madaxweynaha dowlad goboleedkii Banadir State Md Cabdulaahi Axmed Maxamuud (C/llaahi Dheere) ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Siyaasadda isdiidan ee dalka soomaliya ee uu xiligaan maraayo dalka
Isagoo tusaale u soo qaatay xaaladihii ugu dam-beeyay ee ka dhax taagan Baarlamaanka federaalka soomaaliya iyo madaxtooyada dalka soomaaliya waxaa kaloo uu si gaar ah uga ha dlay xaaladihii ugu dambeeyay ee isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay moshinkii eedeyanta ahaa ee ay dhawaan ay qoreen Qaar ka mid ah xubnaha golaha baarlamaanka federaalka soomaliya ee ay ku eedeeyeen madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomaaliya Md.Xasan Shiiklh Maxamuud,
Madaxweynaha Mamulka Banadir State Md Cabdullaahi Axmed Maxamed {C/Laahidheere}, waxa kaloo uu ka hadlay sida uu u arko moshinkaasi oo ay qaar ka mid ah xildhibanaada baarl amaanka federaalka soomaaliya ay ka gudbiyeen Madaxweyanaha Soomaaliya Md.Xasan Sheekh isagoo sheegay in Xildhibannada loogaga baahan yahay in ay waajib ka uu faraayo Sharciga Dastuurka ay si habsammi leh u gutaan ayna ku mashquulin waxaan dalka iyo dadka soomaaliyeed horumar u aheynin, Isagoo hoosta ka xariiqay inay raacaan Dastuurkaasi iyagoo fulinaaya dhaartii ay u dhaarteen inay dalka iyo dadka ugu shaqeynayaan si waafqasan sharcigaasi loogana baahan yahay in ay ilaaliyaan isla sharcigaasi ay iyagu qoreen.
Sidoo kale Md Cabdulaahi Dheere waxaa uu talo wanaagsan u soo jeediayay xuabnaha baarlamaanka isagoo kula taliyay inay ka shaqeeyaan Arrimaha Danta guud u ah shacbiga soomaaliya, isagoo sheegay in loo baahan yahay in xubnaha goluhu ay ka shaqeeyaan sharciyada loo baahan yahay sida:- sameynta sharciga federaalka iyo xuduudaha dalka, sharciga maamul u sameynta Goboladda dalka, sameynta sharciga garsoor madaxbanaan si shacbigu uu u helo cadaalad waafi ah iyo garsoor lagu kalsoona ankaro.
Dhanka kale Md. C/laahi Dhjeere ayaa hadalkiisa intaa ku daray in loo baahan yahay xureynta goboladda dalka qaa rkood oo ay weli gacanta ku haayaan kooxdda al shabaab iyo Qodobo kale ee la xiriira hawlaha kala duwan ee horyaala golahaasi Baanrlamaanka federaalka soomaaliya ee uu shacbigu ka sugaayo.
Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Banaadir State waxaa kaloo uu wax ka tilmaamay hawlaha ballaaran ee laga sugaayo xubnaha golaha Baarlamaanka ka hor 2016ka ee Higsiga isagoo sheegay in looga fadhiyo inay dhaxda u xertaan sidii ay uga mira dhalinlahaayeen ,waxaana uu tusaale u soo qaatay dhameyntirka iyo ka kor dhalinta dhis maha maamul goboleydyadda weli harsan sida Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo Banaadir kuwaasi oo uu sheegay in loo baahan yahay in la dhameystiro inta lagu guda jiro 2015-ka.
Dhanka kale madaxweynaha maamulka banaadir State waxana uu ugu baaqay xubnaha Gobolaha Baarlamaanka in ay ka shaqeyaan dib u dhiska dalka ayna iska daayaan in aysan ku mashquulin duminta dalka isagoo ugu baaqay in ay iska iloobaan is qab qabsiga aan ka shaqeyneynin maslaxadda shacbiga soomaliyeed iyo horumarkiisa.
Isagoo Ugu dambeeyntiiku dardar geliyey in dalka soomaaliya uu yahay dal dhibaato ka soo daalay shacbkiisan uu daalan yahay una baahan yahay in wax qabad dhab ah uu ka helo raga howlihiisa loo igmaday
Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad goboleedkii Banadir State Md Cabdulaahi Axmed Maxamuud (C/llaahi Dheere) ugu baaqay Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana uu ka codsaday in uu is garab taago sidii loo dedejin lahaa loona dhameyntiri lahaa inta ka dhiman maamul u sameynta Gonboladda dalka sida Hiiraan, shabeel aha Dhexe iyo Banaadir isagoo tusaale u soo qaatay sidii uu u garab istaagay maamuladii horay loo soo dhisay sida Galmudug, Kuunfur galbeeyd iyo jubbaland, kuwaasi oo uu sheegay inay haatan hwlahoodu meel wanaagsan maray aan loona baahan yahay in inta dhiman sida ugu dhaqsiyaha badan iyana loo dhameys tiro maadaam xilliga dhimani uu yahay mid kooban
…..
QM OO SOO DHAWEYSAY IN SOOMAALIYA AY KA MID NOQOTO HESHIISKA XUQUUQDA CARUURTA
Xoghayaha Guud ee QM Banki Moon ayaa si diiran usoo dhaweeyay Soomaaliya inay kamid noqtay dalalka saxiixay Heshiiska Xuquuqda Caruurta.
Banki Moon ayaa ku tilmaamay Saxiixaasi mid wanaagsan oo lagu difaacayo Xaquuqda ay leeyihiin caruurta ku nool dalka Soomaaliya, oo uu sheegay in 22-kii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaayeen Dhibaniyaasha Dagaalada dalka.
Wuxuu sheegay sidoo kale Banki Moon in Caruurta Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay helaan Waxbarasho, Caafimaad iyo Nolol wanaagsan oo ka madaxbanaan Midab-takoor iyo Tacadiyada ay kamid yihiin in la askareeyo oo Dagaalada loo adeegsado.
Heshiiska Caalamiga ah ee lagu ilaalinayo Xuquuqda Caruurta ayaa ah kan ugu weyn ee Dunida ay saxiixday tan iyo markii Shacigan lasoo saaray Sanadkii 1989-kii.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekhy Maxa’uud, ayaa Heshiiskan xuquuqda Caruurta ee QM ku saxiixay Muqdisho Bishii January ee Sanadkan 2015.
Hay’adda QM u qaabilsan arrimaha caruurta ee UNICEF ayaa sidoo kale ammaanay tallaabada ay qaadday dowladda Soomaaliya ee uga mid noqotay 169 Dal oo qalinka ku guugay Heshiiskan.
DANJIRE MAMAN S. SIDIKOU OO LA KULMAY MADAXDA SOOMAALIDA KU NOOL GOBOLKA MINNESOTA ..
Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Somalia, ahna madaxa how-lgalka AMISOMee Somalia, danjire Maman S. Sidikou oo maalmahaan ku sugnaa dalka Mareykanka ayaa la kulmay hoggaamiyeyaasha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota.
Wakiilka ayaa Soomaalida gobolka Minnesota ula kulmay siyaabo kala duwan, isagoo kala hadlay sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dib u dhiska ka socda dalkooda Soomaa-liya.
Danjire Sidikou ayaa xubnaha uu la kulmay u sheegay in dalka ay xilligaan ka billaabatay sidii uu uga soo kabsan lahaa colaadihii sokeeye ee muddada fog ka socday, isla marka-ana ay rajadu wanaagsan tahay.
Sidoo kale, ergaygu wuxuu ku booriyay Soomaalida inay kaalin wax ku ool ah ka gaystaan dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab oo uu ku eedeeyay inay caqabad weyn ku yihiin xasilloonida iyo horumarka Somalia.
Wuxuu danjiruhu hoosta ka xariiqay in sida keliya ee Al-shabaab looga guuleysan karo ay tahay iyadoo la is-kaashado, wadajirna loogu ist-aago sidii loo marin lahaa cagta.
Gobolka Minnesota waa gobo-lka ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Mareykanka. Waxaana Soomaalidu ay si aad ah Minnesota u dagayeen 25-ka sano ee lasoo dhaafay.
Ugu dabmeyn, danjire Sidikou ayaa kulamadan kusoo gunaanaday booqasho uu afar casho qaadatay oo uu kusoo joogay gobolka Minnesota, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay AMISOM.
SARAAKIISHA MAAMULKA SHABEELAHA DHEXE OO BEENIYAY IN AL SHABAAB KALA WAREEGEEN DEEGAANKA SAABUUNI EE DULEEDKA JOWHAR
Saraakiisha Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa beeniyay wa-rar sheegayain deegaan dhaca dul-eedka Magaalada Jowhar ay la ware-egeen Xarakada Al Shabaab.
Deegaanka oo lagu Magacaabo Saabuuni ayaa waxaa shalay ku dagaalamay Ciidamada dowladda Fe-deraalka iyo dhaq dhaqaaqa Al Sha-baab.
Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka , iyadoona Geelle Isaaq Warsame Taliye ku xige-enka qeybta Boliiska Magaalada Jow-har uu meesha ka saaray wararka sheegaya in deegaanka Ciidamado-oda lagala wareegay.
" Nimankii ayaa soo qaaday weerar arbushaad oo Ku dhufoo ka dhaqaaqa , khasaaro iyo Jab ayaa ku dhacay, annaga xageenna wax khasa-aro ah ma jiraan” sidaas waxaa yiri Taliye Ku xigeenka qeybta Boliiska Magaalada Jowhar ee Gobolka Shab-eelaha Dhexe.
BAARLAMAANKA JUBBALAND OO KU HOWLAN XALLINTA XIISAD KA TAAGAN DULEEDKA KISMAYO
Xildhibaan Bashiir Faaqid oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Jubbaland oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ku how-lan yihiin arrinta Khilaafaadka gacan ka hadalka ah ee dhexmaray Ciida-mada maamulka Jubbaland iyo kuwa kale oo ku sugan duleedka Magaalada Kismaayo.
Mudane Bashiir Faaqid ayaa tilmaamay in xallinta Khilaafaadkaas ay marayaan meel fiican , islaam-arkaana ay ku baxeen Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland si ay wax uga qabtaan xiisaddaasi.
Dhinaca kale Xildhibaankaan ka tirsan Jubbaland ayaa ka hadlay in laga dhur sugayo Madaxweynaha Ma-amulka Jubbaland in uu sida ugu dh-ow ku soo xulo Golihiisa Wasiirada is-agoona xusay in maalmo dheeri ah ay siiyeen Madaxweynaha maamulkaas oo uu ku soo Magacaabo Golihiisa Wasiirada.
Dhawaan ayaa Deegaanka Go-obweyn ee duleedka Magaalada Kism-aayo waxaa ku dagaalamay Ciidam-ada Maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya, ka-dib weerar la sheegay in ay qaadeen Ciidamada maamulka Jubbaland.
ABAARO KU DHUFTAY DEEGAANNO HOOSTAGA GOBOLKA GEDO
Guddoomiyaha deegaanka Fa-afaxdhuun ee Gobolka Gedo Aadan Shuqul Nuunow ayaa ka bixiyay xaa-lad adag oo dhanka Beni’aadanimada ah oo ka taagan deegaankaas iyo kuwa kale oo ka tirsan Gobolka Gedo.
Aadan Shuqul Nuunow ayaa shaaca ka qaaday in abaar daran ay ka jirto deegaanadaas hoostaga Gob-olka Gedo oo ay ka mid tahay deeg-aanka Faafax dhuun ayna xoolo bad-an ula’deen biyo la’aan awgeed.
Mr Aadan Shuqul ayaa hoosta ka xariiqay in ay jiraan qoysas qaxooti ah oo ka yimid xiryaha qaxootiga ee dalka Kenya oo xaalado aad u liita ay ku heysato deegaanka FaxFaxdhuun.
Xaaladaan Liidato ee laga soo sheegayo deegaanka FaxFaxdhuun ee Gobolka Gedo ayaa qeyb ka noq-onayo abaaro laga soo sheegayo meelo kala duwan oo Gobollada dalka ka tirsan ee dhaca Bartamaha iyo Ko-ofura Soomaaliya.
TURKIGA: WEERARADA RUUSHKU UU KA GEYSANAYO WADDANKA SYRIA WAA KUWO AAN LA AQBALI KARIN
Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in weerarrada uu Ruushku ka geys-anayo dalka Suuriya ay yihiin kuwo aan la aqbali karin, isagoo xusay in Ruushku uu khaladaad badan ka geystay gudaha Suuriya.
Diyaaradaha dagaalka waddan-ka Ruushka ayaa maalmihii u damb-eeyay weerarro cirka ah ka geysan-ayay gudaha dalka Suuriya, iyagoo duqeeyay in ka badan 10-xarun oo ay dalkaas ku lahaayeen xoogagga koo-xda Daacish ama ISIS.
"Tallaabooyinka Ruushka uu kaga geysanayo dalka Suuriya weera-rrada cirka ah waa kuwo aanu Turkigu sinnaba ku aqbali karin… Nasiib-darro Ruushku wuxuu galayaa khaladaad waawey,” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo shir jaraa’id shalay ku qabtay dalka Faransiiska oo uu booqasho ku marayo.
Sidoo kale, madaxweynaha Turkiga ayaa shirkiisa jaraa’id ku she-egay in marka la eego xiriirka saaxi-ibnimo ee u dhexeeya Turkiga iyo Ruushka; haddana waxaan si aad ah uga naxsannahay weerarrada uu ka geysanayo Suuriya, isagoo uga digay Ruushka in aan laga go’doomin gobolka oo dhan.
Waddamada Ruushka iyo Turk-iga ayaa muddo dheer si isku mid ah walaac xooggan uga qaybay colaadda ka jirta Suuriya. Iyadoo Ruushku uu go’aansaday inuu dhanka ciidamada ka taageero madaxweyne Bishaar Al-Assad, halka Turkiga ay Ruushka uga digeen in xalka aanu ku raadin colaad.
Erdogan ayaa hadalkiisa raac-iyay in Ruushka oo keliya uusan ahay kuwa gacanta siinaya Madaxweyne Al-Assad, balse Iiraan ay iyaduna gaca-nta kula jirto colaada dalka Suuriya ka taagan, isagoo uga digay inay dhiba-atada dalkaas aan lasii kordhin.
Dhanka kale, Xukuumadda Ruushka ayaa iyaduna dhankeeda sheegtay in weerarradeed ay ka geys-anayso Suuriya ay ku bartilmaame-edsanayso oo keliya Kooxda Islaam-iga ah ee IS, balse aysan jirin meelo kale oo ay doonayso inay weerarro ka fuliso.
Ugu dambeyn, waddamada reer galbeedka iyo Turkiga ayaa wax-ay hadal ay soo saareen ku xusay in diyaaradaha dagaalka wadanka Ruus-hku uu duqeeyay xarumo ay ku suga-naayeen xoogagga dagaalka kula jira Xukuumadda Bishaar Al-Assad.
DAACISH OO MAR KALE XARAKADA AL-SHABAAB UGU BAAQDAY INAY KUSOO BIIRAAN XOOGAGGOODA
|
Daacish ayaa fariimahan baaqa ah waxay kasoo saareen dhammaan goobaha ay ka taliyaan ee ku yaalla dalalka Carabta, sida Sinai, Masar, Raqqa, Suuriya, Furaat oo Ciraaq iyo Xad-ramuud, Yemen ayaa waxay ahaayeen Hal ujeeddo, waxaana loogu magac daray [XAQA KOLONY-ADA] iyo dhageyso Mujaahidka ka dagaaLlamaya Somalia.
Xoogagga IS mid ka mid ah ay-aa fariintan muuqaalka ah ku sheegay in dhaq-dhaqaaqooda kala duwan ee Caalamka ay ugu baaqayaan Al-sha-baab inay la midoobaan Khilaafada Islaamka ah.
Fareiintan ayaa ahayd tii labaad oo Daacish u soo dirto Al-shabaabta Soomaaliya oo ay ugu baaqayaan inay kusoo biiraan, balse Al-shabaab ayaan wax jawaab ah wali ka soo saarin.
Dhanka kale, warar soo bax-ayay maalmihii lasoo dhaafay ayaa sheegaya in Al-shabaab dhexdooda ay ku kala aragti duwanaadeen inay ku biiraan Daacish iyo in kale, waxaana murankan uu keenay in la xiro shan ka mid ah ajaanibta ka bar-bar-dagaalama Al-shabaab.
Illaa hadda ma jiro hadal kasoo baxay Al-shabaab oo la xiriira inay aqbaleen baaqa uga yimid Daacish iyo in kale, iyadoo weli uu taagan yahay muranka ka dhshay ku biirisita Daacish iyo ku biiris-la’aanteeda.
URURADA MACALIMIINTA KENYA OO OGGOLAADAY IN AY DIB UGU LAABTAAN DUGSIYADA
Macalimiinta dalka Kenya ayaa joojiyay shaqo joojin ay ku dhaqaaq-een iyagoo shegay in ay dib ugu laa-ban doonaan xarumaha waxbarasha-da maalinta Isniinta.
Ururka Qaranka Macalimiinta dalka Kenya iyo Ururka Macalimiinta Dugsiyada Dhexe(Kuppet) ayaa go’a-ankan si wadajir ah ugu dhowaaqay shalay.
Ururadan ayaa kulamo gaar ga-ar ah la yeeshay xubnahooda sare ka-hor inta aysan ku dhowaaqin in Maca-limiintu ay dib u bilaabayaan howlah-ooda waxbarida maalinta Isniinta ee 5ta bisha October 2015.
Guddiga u qaabilsan howlaha macalimiinta Kenya(TSC) ayaa la weydiistay in uu siiyo xubnihiisa mush-aaraadka bisha September.
Xoghayaha guud ee ururka Kn-ut Wilson Sossion ayaa sheegan in ururkiisu uusan ka laaban doonin codsigooda ah in la kordhiyo mushaa-raadka macalimiinta boqolkiiba konton ama lixdan.
"Macalimiintu dib ayay u bilaabi doonaan shaqo joojinta kadib saga-shan maalmood haddii Guddiga maca-limiinta,”ayuu yiri xoghayaha guud ee ururka Knut.Sidoo kale waxa uu cod-saday in dib loo qaabeeyo jadwalka qaadista imtixaanaadka shahaadiga si macalimiintu ay u diyaariyaan arday-dooda.
Dhinaca kale Xoghayaha guud ee ururka Kuppet Akelo Misori ayaa ka codsaday Wasaarada Waxbarashada in ay dib u eegto taariiqda xilliyada wa-xbarashada si ay macalimiinta uga ca-awiyaan inay casharo muraajaco ah siiyaan ardayda.
Khamiistii aynu ka soo gud-ubnay ayaa Maxkamada dalka Kenya waxa ay ku amartay ururada macal-imiinta inay ka noqdaan shaqo joojinta.
Xaakimka Maxkamada Shaqa-alaha Nelson Abuodha ayaa sheegay in uu amray ururada mac alimiinta inay ka laabtaan shaqo joojinta muddo sagaashan maalmood ah ayna bilaa-baan wadahadal ay la galaan dowlada si loo xaliyo khilaafka.
Shaqo joojinta ay ku kaceen macalimiinta dalka Kenya ayaa ahayd tii ugu waqtiga dheereed muddo 58 sano ah, waxayna saameyn ku yee-latay boqolaal kun oo arday ah oo wax ka barata dugsiyada dalka Kenya.
DAADAD IYO DUUFAANO 17 KU DILAY FARANSIISKA
Dabaylo iyodaadad ayaa ku dhuftay koonfurta bari ee dalka Faran-siiska, waxaa ku dhintay ugu yaraan 17 ruux waxaana la la'yahay afar ruux oo kale sida ay sheegayaan saraa-kiishu.
Seddax qof oo waayeel ah, ayaa qaraqmay, kaddib markii uu daad qaaday gurigooda oo ku yaallay magaalada Antibe.
Dad kale ayaa dhintay kaddib markii uu daad qaaday gaariyadooda oo marayay wadooyinka dhulka hoos mara ama gaariyadooda oo yaalay goobaha baabuurta la dhigto ee dhu-lka ka hooseeya.
Madaxweynaha Faransiiska, Fr-ancois Hollande, ayaa uga mahad-celiyay kooxaha gurmadka ah sida ay ugu shaqeynayaan dalkooda.
Hollande, gobolada ay roob-abka saameeyeen wuxuu kaga dhaw-aaqay xaalad dagdag ah oo dabiici ah.
Madaxweynaha booqdaan dee-gaannada uu daadku saameeyay.
Roob aad u badan, ayaa geli-nkii dambe ee sabtida ka da'ay gob-olka Riviera ee Faransiiska, kaas oo dhaca xeebta badda Mediterranean-ka, isla markaana soohdin la leh dalka Talyaaniga.
Webiga Brague, ayaa fatahay, waxaana biyihiisu ay gaareen mag-aalooyinka ku dhow dhow.
Waxaa la xiray wadooyinka iyo khadadka tareennada ee deegaanka uu roobka saameeyay.
Boqolaal dalxiisayaal ahna, wa-xa ay gabaad ka raadsadeen garo-onka diyaaradaha ee magaalada Nic
DOWLADDA MASAR OO BALANQAADAY INAY SII WADAYSO TAAGEERADA AY SIISO SOOMAALIYA.
Samiix Shukri Wasiirka arrima-ha Dibadda Dowlada Masar ayaa sheegay in dowladiisa ay sii wadi doo-nto caawinta shacabka iyo dowlada Soomaaliya, si loo gaaro nabad galyo waarta iyo dhismaha qaranka Sooma-aliya.
Wasiirka ayaa balan qaadkaasi sameeyay kadib kulan ay wada yee-sheen isaga iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kaasi oo ka dhacay dalka Mareykanka, sida uu Afhayeen u ha-dlay wasaarada arimaha dibada Masar Axmed Abuu Zeid uu sheegay.
Samiix Shukri wasiirka Arimaha Dibada Masar ayaa sidoo kale shee-gay in dowladiisa ay ka taageeri doo-nto Somaliya gaaritaanka hiigsiga sa-nadka 2016 iyo ansixinta dastuurka Dowlada Federaalka ee Somaliya.
Dhanka kale Ra’iisul Wasaa-raha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa uga mahad celiyay dowlada Ma-sar taageerada dowlada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Masar door weyn ka ciyaartay dib u dhiska Qaranka Soomaaliya.
BOOLISKA ISRAEL OO KA XANIBAY FALASTIINIYIINTA MAGAALADA JERUSALEM
Booliska Israel ayaa xayiraad ku soo rogay Falastiiniyiintu inay gal-aan magaalada qadiimiga ah ee Qu-dustii hore kaddib labo weerar oo afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay lagu qaaday dad Yuhuud ah.
Xayiraadaasi oo soconeysa la-bo maalmood ayaa la sheegay in ays-an dadka Falastiiniyiinta ah oo aan u degeneyn aysan soo geli karin.
Habeenkii sabtiga aynu ka soo gudubnay ayaa ruux falastiini ah middi ku dilay labo Yahuud ah. Saacado ka-ddibna, Ruux kale oo Falastiini ah ayaa toorey ku dhaawacay qof Israeli ah Booliska Israel ayaa toogtay labada ruux ee weerarka geystay.
Ra’iisul wasaaraha Israel, Benj-amin Netanyahu, ayaa kulan deg deg ah oo ammaanka qabanaya. Mas’uuli-yiinta Falastiin, ayaa cambaareeyay wax ay ugu yeereen xiisadda ay Israel dhowaan ka kicisay Jerusalem iyo da-anta galbeed.
Xoghayaha guud ee ururka xo-reynta Falastiin (PLO) ayaa sheegay in falalka ay Falastiiniyiintu ku kaceen uu yahay mid ka dhashay neceybka iyo dhibaatada ay ku hayaan Yuhuuda shacabka Falastiiniyiita.
NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN
{SHEEKO TAXANE AH}
Q/60-aad Intaa ka dib C/qaadir iyo Xul-beella waxaay isla soo jaan qaadeen xagga iyo xeebta waxaayna u soo wada dhaqaa qeen xaggaa iyo gaari bas ah oo xeebta dhinaceeda tagn aa gaariguna waxuu u kireysnaa dhallinyaradii xeebta u da lxiis tagtay daqiiqado ka dibna baskii ayey gudaha u soo galeen dabadeedna inta uu basku ka buuxsamaayo ayey baska gudihiisa sheeko ku camirteen saacad markii uu basku goobta tagnaa ka dib dhallinyaradii baskii ayey soo buuxiyeen, daqiiqado ka dibna darawalkii gaariga ayuu wa ddada cagta saaray ka dib dhowr daqiio ka bacdi gaarigii la saarnaa wuxuu soo gaaray degmada xamarweyne ka dib dhallinyarii gaariga saarneyd dham maan waa ay ka dage en gaarigii markaa
sooa saacadda afrikada bari soo gargu urato ay soo gaatin socotaba waxaay baalka soo dhigatay 1:00 duhirnnimowaxaana loo soo wada dhaqaaqay gurigi ixul-bella oo ku yiillaydegmada xamar weyne daqiiqado ka bacdina gurigeeda ayaa u gudaha loo soo galay maalinta an guriga waxaa ku soo dhaweeyey xul-beella
Walaasheed oo lagu macaabayey Anfac,waxaana loo gudbiyeyQolkii Martida la fariisiyo, in daqiiqado ahi kolkii uu fadhiyeyC/qaadir Xul Beellana ay u sheekeyneyso ayaa Cadradii Xul Beella aheyd waxaa ay ka dalbatay Anfac in ay keento Cabbitaan.
In Cabbaar ah ka dibna inantii Anfac aheydwaxaa ay keentay Falaas ay ku jiraan Sahraab aad u qaboow iyo walibana laba Galaas, laakiin Cabbitaankii dhowr Galaas laga cabbay ka dib waxaa la galay Kaftan Dheer , Kaftankii Dheeraa
ka dib waxaa la keenay Qadadii Maalintaas la cuni lahaawaxaayan qadada maalintaa la diyaariyey ay aheyd Baasto, Hilbo Dheyllo ah iyo Qudrad noocyadeeda kala duwan .
Daqiiqado ka bacdi Cabdulqaadiriyo Xul Beella waxaay isula soo jaanqaaday nideeda Bilaabeen qadadii heerka sare aheyd oo maalintaa hortooda tiillay ,in xoogaa ah markii qadada lagu dul sheekeystay ka dibn inta la fara xashay oo Gacmaha la tirtirtay baa gacmahii Barafuunnooca {Wan-Manshowga} loo yaqaan lagu buufsa day. Intaa ka dibna lammaanayaashii is jeclaa ee c/qaadir iyo Xil Beella waxaay iskula jaan qaadeen xaggaa iyo kuraastii fadhi carbeedka aheyd kolkii kuraastii la tagaynaC/qaadir Fadhi Carbeedkii ayuu dhacdiid ugu seexday , Xul-Bellana meel lammaanaheeda C/qaadir u dhow bay iska fariisaty, sheeko dheer iyo isku dhoollo caddeyn ka dib saacadda bariga afrika waxaay soo dul istaagtay 1;00 galabnnimo lammaanayashii is jeclaa ee Xul-beella iyo C/qaadir waxaa loo keenay Casiriyadii maalintaa la cabbi lahaa oo ah nooca {Coffe-ga} loo yaqaano oo laba kabbo ah, Maalintaa na casiriyadawaxaa keenay Xul-Bella walaasheed ka yar ee Yusra, kolkii casiraydii korkeeda lagu kaftamay ka dib xul Bella waxaay soo sagootisay lammaanaheeda C/qaadir ahaa waxayna iskala soo baxeen ruunkkii xul beella iyagoo iskula soo saan qaaday xagaa iyo busteejadii lammaanaheeda C/qaadiray gaariga ka saari laheyd kolkii ay in cabbaar ah wadadda ku soo jireen ka dib waxaa ay yimaadeen goobtii busteelada aheyd maalintaana goobta waxaa taagnaa gaari kooster ah oo faaruq ah C/qaadir na jaran jaradii gaariga intuu cagaha la haleelay ayuu kursigii albaabka u dhawaa iska fariistay ka dibnaintuu…
La soco isninta danbe hadduu alle idmo
W/Q C/QAADIR C/LLE NUUR {QALBI DAHAB} Tel:-0618455506
WAA WARARKA WARGEYDSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH ISNIIN 5-TA OKTOOBAR 2015-KA
WAA WARARKA WARGEYDSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH ISNIIN 5-TA OKTOOBAR 2015-KA WASIIRKA WARFAAFINTA MAAREEYE OO SHEEGAY IN SAXAFIYIINTA UNIVERSAL AY HELI DOONAAN XUQUUQDOODA DASTUURIGA Wasiirka Warfaafinta, Dhaqa-nka iyo Da