
Madaxweynaha Dowlad Goboleedkii Banadir State Md.C/Llaahi Dheere Oo Talo Guud U Soo Jeediyay Xubnaha Golaha Baarlamaanka Federtaalka Somaaliya
Isagoo tusaale u soo qaatay xaaladihii ugu dambeeyay ee ka dhax taagan Baarlamaanka federaalka soomaaliya iyo madaxtooyada dalka soomaaliya waxaa kaloo uu si gaar ah uga ha dlay xaaladihii ugu dambeeyay ee isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay moshinkii eedeyanta ahaa ee ay dhawaan ay qoreen Qaar ka mid ah xubnaha golaha baarlamaanka federaalka soomaliya ee ay ku eedeeyeen madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomaaliya Md.Xasan Shiiklh Maxamuud,
Madaxweynaha Mamulka Banadir State Md Cabdullaahi Axmed Maxamed {C/Laahidheere}, waxa kaloo uu ka hadlay sida uu u arko moshinkaasi oo ay qaar ka mid ah xildhibanaada baarl amaanka federaalka soomaaliya ay ka gudbiyeen Madaxweyanaha Soomaaliya Md.Xasan Sheekh isagoo sheegay in Xildhibannada loogaga baahan yahay in ay waajib ka uu faraayo Sharciga Dastuurka ay si habsammi leh u gutaan ayna ku mashquulin waxaan dalka iyo dadka soomaaliyeed horumar u aheynin, Isagoo hoosta ka xariiqay inay raacaan Dastuurkaasi iyagoo fulinaaya dhaartii ay u dhaarteen inay dalka iyo dadka ugu shaqeynayaan si waafqasan sharcigaasi loogana baahan yahay in ay ilaaliyaan isla sharcigaasi ay iyagu qoreen.
Sidoo kale Md Cabdulaahi Dheere waxaa uu talo wanaagsan u soo jeediayay xuabnaha baarlamaanka isagoo kula taliyay inay ka shaqeeyaan Arrimaha Danta guud u ah shacbiga soomaaliya, isagoo sheegay in loo baahan yahay in xubnaha goluhu ay ka shaqeeyaan sharciyada loo baahan yahay sida:- sameynta sharciga federaalka iyo xuduudaha dalka, sharciga maamul u sameynta Goboladda dalka, sameynta sharciga garsoor madaxbanaan si shacbigu uu u helo cadaalad waafi ah iyo garsoor lagu kalsoona ankaro.
Dhanka kale Md. C/laahi Dhjeere ayaa hadalkiisa intaa ku daray in loo baahan yahay xureynta goboladda dalka qaa rkood oo ay weli gacanta ku haayaan kooxdda al shabaab iyo Qodobo kale ee la xiriira hawlaha kala duwan ee horyaala golahaasi Baanrlamaanka federaalka soomaaliya ee uu shacbigu ka sugaayo.
Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Banaadir State waxaa kaloo uu wax ka tilmaamay hawlaha ballaaran ee laga sugaayo xubnaha golaha Baarlamaanka ka hor 2016ka ee Higsiga isagoo sheegay in looga fadhiyo inay dhaxda u xertaan sidii ay uga mira dhalinlahaayeen ,waxaana uu tusaale u soo qaatay dhameyntirka iyo ka kor dhalinta dhis maha maamul goboleydyadda weli harsan sida Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo Banaadir kuwaasi oo uu sheegay in loo baahan yahay in la dhameystiro inta lagu guda jiro 2015-ka.
Dhanka kale madaxweynaha maamulka banaadir State waxana uu ugu baaqay xubnaha Gobolaha Baarlamaanka in ay ka shaqeyaan dib u dhiska dalka ayna iska daayaan in aysan ku mashquulin duminta dalka isagoo ugu baaqay in ay iska iloobaan is qab qabsiga aan ka shaqeyneynin maslaxadda shacbiga soomaliyeed iyo horumarkiisa.
Isagoo Ugu dambeeyntiiku dardar geliyey in dalka soomaaliya uu yahay dal dhibaato ka soo daalay shacbkiisan uu daalan yahay una baahan yahay in wax qabad dhab ah uu ka helo raga howlihiisa loo igmaday
Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad goboleedkii Banadir State Md Cabdulaahi Axmed Maxamuud (C/llaahi Dheere) ugu baaqay Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana uu ka codsaday in uu is garab taago sidii loo dedejin lahaa loona dhameyntiri lahaa inta ka dhiman maamul u sameynta Gonboladda dalka sida Hiiraan, shabeel aha Dhexe iyo Banaadir isagoo tusaale u soo qaatay sidii uu u garab istaagay maamuladii horay loo soo dhisay sida Galmudug, Kuunfur galbeeyd iyo jubbaland, kuwaasi oo uu sheegay inay haatan hwlahoodu meel wanaagsan maray aan loona baahan yahay in inta dhiman sida ugu dhaqsiyaha badan iyana loo dhameys tiro maadaam xilliga dhimani uu yahay mid kooban


0 



Madaxweynaha Dowlad Goboleedkii Banadir State Md.C/Llaahi Dheere Oo Talo Guud U Soo Jeediyay Xubnaha Golaha Baarlamaanka Federtaalka Somaaliya
Madaxweynaha dowlad goboleedkii Banadir State Md Cabdulaahi Axmed Maxamuud (C/llaahi Dheere) ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Siyaasadda isdiidan ee dalka soomaliya ee uu xiligaan maraayo dalka