Cali Guudlaawe oo si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu yahay musharax Madaxweynaha Hirshabelle

0
Sunday November 08, 2020 - 19:28:53 in Wararka by
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Guudlaawe oo si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu yahay musharax Madaxweynaha Hirshabelle

    Sii hayaha Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay maanta inuu yahay musharax madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle. Munaasabad lagu qabtay maanta magaalada Jowhar ayuu ugaga dhowaaqay mush

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sii hayaha Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay maanta inuu yahay musharax madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle. Munaasabad lagu qabtay maanta magaalada Jowhar ayuu ugaga dhowaaqay musharaxnimadiisa Cali Guudlaawe oo afartii sano ee la soo dhaafay ahaa madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.

Cali Guudlaawe ayaa ku macneeyay sababaha uu isugu soo sharaxay inay kamid tahay isagoo si weyn ula socda arrimaha kajira Hirshabelle uuna doonayo inuu ku hogaamiyo horumar iyo Barwaaqo.

            "Waxaan ka mid ahaa siyaasiyiintii dhidibada u taagtay dowlad goboleedka Hirshabelle waxaana aan muddaba ku sabrayay in sidii la rajeynayay aan wax loo qaban balse waxaan hubaa in aan wax badan kaqaban karo horumarinta Hirshabelle.”ayuu siii raaciyay Musharax Cali Guudlaawe.

               Musharax Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa sheegay in qorshaha waxqabadkisa afarta sano ee soo socota uu ka sheegi doono maalinta talaadada ee soo socota baarlamaanka Hirshabelle.

            Munaasabadii uu ugaga dhowaaqay musharaxnimadisa ayaa dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdqaadir Carabow kaasoo ugu baaqay xildhibaanada Hirshabelle inay doortaan Musharax Guudlaawe.

             Sidoo kale waxaa shalay ugaga dhowaaqay magaalada Jowhar inuu yahay musharax madaxweyne ku xigeen Yuusuf Axmed Xagar”Dabageed”.

Musharax Cali Guudlawe ayaa ugu cad cad haatan xilka madaxweynaha Hirshabelle iyadoo doorashada Madaxweynahana ay ka dhici doonto magaalada Jowhar maalinta Arbacada ee 11ka bishan November 2020.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip