Dugsiga Duulimaadka ee Internationl Pilot Academy (IPA) oo tababar maalin ah u qabtay Caruur Somali-Canadian ah (SAWIRO)

2
Sunday October 04, 2015 - 11:15:31 in Wararka by
  • Visits: 1773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dugsiga Duulimaadka ee Internationl Pilot Academy (IPA) oo tababar maalin ah u qabtay Caruur Somali-Canadian ah (SAWIRO)

    Dugsiga laga barto Duulimaadka ee Internationl Pilot Academy (IPA) ee magaalada Ottawa ayaa tababar maalin qaatay siiyayCarruur Somali-Canadian ah, kuwaasoo xiise gaar ah u muujiyey meheradda duulimaadka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dugsiga laga barto Duulimaadka ee Internationl Pilot Academy (IPA) ee magaalada Ottawa ayaa tababar maalin qaatay siiyayCarruur Somali-Canadian ah, kuwaasoo xiise gaar ah u muujiyey meheradda duulimaadka.
Tababarkan oo ay si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen dugsiga duulimaadka ee IPA iyo Hiiraan Online ayaa waxay ujeeddadiisu ahayd in carruurta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada lagu dhiiri-galiyo barashada duulimaadka iyo aqoonta cilmiga hawada. Waalidiinta Carruurtan ayaa dhankooda si weyn u soo dhaweeyey qorshahaan lagu dhiirri-gelinayo barashada duulimaadka

Jules Selwan oo ah madaxa dugsiga, isla markaasna macallin Duullimaad ka ah Dugsiga ayaa halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey carruurtaas. Isagoo ugu horreyn halkaas ku siiyay carruuta warbixin guud oo la xiriirta dugsiga iyo tababarada duulimaadka.

Soo dhaweyn iyo warbixinta guud kaddib, Waxay carruurtii fursad u heleen in sharaxaad guud laga siiyo Duullimaadka, Gaar ahaan Dayaaradda ay ku duuli doonaan oo ah Cessna 172.

Carruurtan oo kala ahaa; Zaki Ananug, Ibrahim Omar, Ayuub Hassan, Ibrahim Gure iyo Wheliye Mohamuud ayaa markii ugu horreysay waxaa u suuro-gashay inay mid mid ula duulaan Macallin Jules muddo hal saac ah, ayagoo ka duulayey Garoonka CARP ee ku yaala galbeedka magaalada Ottawa.

Duullimaadkaas kaddib ayaa carruurtaas waxaa wajiyadooda la dheehan karay farxad iyo Rayn-rayn. "Maanta waa maalin aan waligeey xasuusnaan doono,” ayuu yiri mid ka ah caruurtaas. "Waa maalintii iigu horeysay ee aan dayaarad wado aniga oo kaalmo ka helay macalin Jules”

Macalin Jules ayaa wuxuu Waaliddiinta Soomaaliyeed ee Carruurtoodu xiiseyneyso inay bartaan duulimaadyada ugu baaqay inuu soo dhaweynayo Carruurta Xiisaha u qaba inay bartaan duuliyenimada, wuxuuna sheegay in dugsiga International Pilot Academy (IPA) uu xiriir toos ah la leeyahay Jaamacadda Carleton University ee magaalada Ottawa.



thumbnail

thumbnail
thumbnail

thumbnail
thumbnail
thumbnail

thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail

thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail

thumbnail

Ugu dambeyn, waxaa la xusuusinayaa ciddii ay dani ka hayso dugsigaas, waxay kala xiriiri karaan:

Jules Selwan
President
International Pilot Academy
1-844-I CAN FLY (Toll Free)
613-769-2606 (Local)
P.O. Box 17058 Portobello Road
Ottawa, ON K4A 4W8
www.intlpilotacademy.com

XIGASHO HIIRAAN.COM

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip