HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYNEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 2-0DA NOVEBAR 2020-KA

0
Monday November 02, 2020 - 10:13:46 in Wararka by
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYNEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 2-0DA NOVEBAR 2020-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

DOWLADDA ITOOBIYA OO QORSHAYNAYSA INAY XAL KA GAARTO KHILAAFKA JUBALAND IYO DF

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladda Ito b iya ay billowday qorshe ay ku heshiisiineyso dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland.

Wararku waxay sheegayaan in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Juba land ay gaareen magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, islamar kaana ay kawada hadleen arimaha gobalka Gedo iyo doorashada Soomaaliya.

"Addis Ababa ayaa lagu kulmay waxaana gar wadeen ka ah Abiy Axmed oo qaabilay labada dhinac waxa uuna ka dalbay in Itoobiya ay xal iso aerinta gobalka Gedo labada dhinacana ay wakiishaan, Jubbaland waa diiday waxay adke ysatay in ciidankaas oo aan laga saarin Gedo heshiis geli karin haddii ay dhici weysana da gaal dhici doono,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Dhanka kale Jubaland ayaa kalsooni ku qabin Itoobiya maadaama hadda ka hor ay wee rareen Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, sidoo kalane la sheegay inay isku day een qabashada Axmed Madoobe waana sabab ta uusan ilaa hadda u aadin dalka Itoobiya kaga na cudur daartay casuumado uga yimid Ra’iisul Wasaaraha wadankaas Abiy Axmed.

Xigasho:Geesguud.com

AKHRISO:AJENDAYAASHA KULANKA MAANTA EE XILDHIBAANADA GOLAHA SHACABKA

Waxaa Maanta oo Isniin ah Xildhibaanada Golaha Shacabka B/F/Soomaaliya ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xaruntooda Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan sheegay in la dardargelin doono kulamada Gola ha, maadaama waqti xileedka Xildhibaanada uu muddo kooban ka hars an yahay.

Sida uu qorshahu yah ay Ajendaha kulanka Maanta ee Xildhibaana da ayaa waxaa uu yahay Akhrinta saddexaad ee Hindise sharciyeedka Hay’ada Diiwaangalinta iyo bix inta Aqoonsiyadda iyo Akhrinta labaad ee Hin dise sharciyeedka Socdaalka Soomaaliya.

Xoghayaha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay Xildhibaanada u diray farriimo ku aad an inuu jiro kulan, isla markaana laga doonayo in ay kasoo qeyb galaan kulankaas oo saacadaha soo socda furmi doono.

Xildhibaanada Golaha ayaa maalin kahor ans ixiyay wax ka bedelka sharciga Hanti dhowrka guud ee Dowladda, waxaana ogolaatay 145Xild hibaan sida uu sheegay G/Golaha Shacabka.

ROOB XOOGAN OO XALAY KA DA’AY MUQDISHO IYO SAAMEYN KA DHALATAY

Saqdii dhexe ee xalay ayaa Magaalada Mu qdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ka da ’day Roob xoogan oo saacado xiriir ah socday, kaasi oo dadka iyo duunyada ay ku diirsadeen, sidoo kalena saameyn geystay.

Inta uusan Roobka bilaaban ayaa waxaa M/Muqdisho iyo deegaanno badan oo ku tee dsan laga wada maqlayay Gugaca Roobka, wa xaana roobka uu ahaa mid u qaboow oo la sug ayay.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Muqdisho laga da eemayay Kuleyl aad u daran , hayeeshee sa aka Jawiga Caasimadda ayaa ah qaboow, wax aana Wadooyinka qaar dhex fadhiya Biyaha Roobkii xalay da’ay.

Qaar kamid ah waddooyinka waaweyn ee degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ah kuwa xiran kadib markii ay biyaha xareedda fadhii steen, waxaana halkaas maristooda dhib ku qaba gaadiidka Mooto Bajaajta iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo maraya waddooyin qardojeex.

Sidoo kale Roobka ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dadka dantayar ee kunool xerooyinka barakacayaasha ah eek u yaalla duleedka Caa simadda, waxaana sidoo kalen biyo farabadan ay Guryaha u galeen Qoysas danyar ah oo de gan xaafaddo dhowr oo ka tirsan Gobolka.

Si kastaba deegaano dhowr ah oo ka tirsan Go bolada dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka curtay Roobabka Dayrta ah, waxaana ku diirsaday da dka iyo duunyada, iyadoona dadka xoolo dhaqa tada ah ay soo sheegayaan inay Barwaaqo la helay.

DF OO WAR KASOO SAARTAY XILDHIBAANADA 2AAD EE BAARLAMAANKA HIRSHABELLE

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibuheshiisiinta ayaa soo saartay qoraal ay ku soo dhoweyneyso soo Xulista Baarla maa nka 2aad ee DG/Hirshab eelle.

Bayaan kasoo baxay Wasa aradda ayaa loo gu hambeeyeyey Baarlamaan ka 2aad ee loo dhaariyay D/ G/Hirshabeele iyo dhammaan bulshada qeyba heeda kala duwan ee ka qeyb qaatay ha nnaanka geeddi socodka soo xul ista Baarlamanka labaad ee Hirshabeelle.

"Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaal ka iyo Dibuheshiisiinta waxa ay uga mahad ce lisay Guddiga soo Xulista Baarlamaanka Dow lad Goboleedka Hirshabeelle shaqadii wanaag saneyd oo ay ka qabteen soo xulista xubnaha Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arimaha gudaha Soomaa liya.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu yiri " Wasa aradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibuheshiisiinta waxa ay u hambalyaynaysaa Ba arlamaanka 2aad ee loo dhaariyay Dowlad Goboleedka Hirshabeele iyo dhammaan bul shada qeybaheeda kala duwan ee ka qeyb qaa tay hannaanka geeddi socodka soo xulista Baar lamanka 2aad ee Hirshabeelle.

Ugu dambeyntii wasaaradda ayaa guddiga doorashada Hirshabelle ku dhiira gelisay dham eystirka inta ka harsan doorashada madaxweyn imo ee maamulkaas.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO BAYAANKA KA SOO BAXAY WASAARADDAWAR MURTIYEEDD

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibuheshiisiinta waxxa ay uga nmahad cel inaysaa Guddiga soo Xulista Baarlamaanka DG/Hirshabeelle shaqadii wanaagsaneyd oo ay ka qabteen soo xulista xubnaha Baarlamaanka 2da ee D/G/ Hirshabeelle.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibuheshiisiinta waxa ay u ha mbalyaynaysaa Baarlamaanka 2aad ce loo dhaariyay DowladGoboleedka Hirshabeele iyo dhammaan bulshada geybaheeda kala duwan ee ka qeyb qaatay hannaanka geeddi socodka soo xulista Baarlamanka labaad ee

Hirshabeelle.

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxa ay ku dhiirrigelinay saa Guddiga Doorashada ee Baarlamanka in ay dhameystiraan inta ka dhiman hannaanka doorashada Dhammaad

Md.Cabdi Xaashi oo ka horyimid qorshaha DF "Anigaa soo magacaabaya guddi yada doora shada G/Waqooyi”

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhaliilay qaa bka ay dowladda Soomaaliya u maamuleyso do orashada kuraasta baarlaman ka ee xildhibaa nada gobollada wa qooyi, wux uuna dalbaday inuu isaga soo magacaabo guddiga doorash ada ee matalaya gobollada waqooyi. Cabdi Xaashi, ayaa qoraal uu u diray mad axweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo madax da do wlad goboleedyada waxa uu ku sheegay in intii lagu guda jiray shirarkii go’aannada looga gaa ray ha naanka iyo waqtiga doorashada "a an wax tix gelin iyo qadarin ahba la siinin mind ima da Qara nnimo oo ay u taagan yihiin siyaas iyiin ta beela haas ku metela D/F/Soomaaliya.”

Sababta ayuu ku sheegay in madashii lagu go’aamiyay heshiiska siyaasadeed ee Doorash ooyinka 2020/21 iyo habraacyada hirgelinta he shiiskaas "aysan goobjoog ka ahayn” siyaasiyiin ama mus’uuliyiin meteleysa Gobollada Waqooyi ee Somaliland, madashaas oo ay ahayd in ay ku yeeshaan metelaad iyo go’aanba, sida uu yiri.

Waxa uu sidoo kale sheegay in heshiiska shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka "ay ka maqnaa yeen” siyaasiyiin metesha Gobollada waqooyi. Cabdi Xaahsi ayaa sheegay in xuku umadda Soomaaliya aysan xaq u lahayn in mag acowdo guddiga doorashada gobollada waqo oyi, sida la gu qoray heshiiska doorashada ee ay gaaraan dowladda dhexe iyo dowlad gobol eedyada, sababtuna ay tahay inaysan soo mag acaab in xubnaha dowlad goboleed yada.

Guddoomiayah Aqalka Sare ayaa sheegay in sidaas darteed, uu isaga soo magacaabi do ono 2da xubnood ee gobollada waqooyi ku mat alaya guddiga doorashada heer federal, 2da xubnood ee guddiga xalinta khilaafaadka, iyo sideedda xubnood ee guddiga doorashada heer gobol ee gobollada waqooyi.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/11/Hannaanka-Doorashada-Dadban-ee-SL-1-1.jpg


SHEEKH SHARIIF OO KA HADLAY SAFARKIISA JOWHAR IYO ARRIMO XASAASI AH

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaami nayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle, iyada oo si weyn ugu soo dhaweeyen mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan HirShabelle iyo bul shada qeybaheeda kala duwa.

Sheekh Shariif oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeed ka ka dambeeya safarkoodu uu la xiriiro howl ay muddo soo wadeen, isla markaana ku qoton ta tabashooyin ka dhashay arrimaha doorasho oyinka.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay muddo badan lasoo daala dhaceysa kala duw anaanta fikirada iyo isjiidjiidka, xiligan loo ba ahan yahay in la is dhageysto oo wax walba si nabad ah lagu dhameeyo.

"Howl aan wadnay muddo oo ku saabsaneyd dad xooga tabasho qabay oo arrimaha doora shooyinka ka qabay oo aan muddoba la wad nay, oo meel fiican soo gaarsiinay ayaa rabna in arrintaas si nabad ah lagu dhameeyo,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas kusii daray "dalka Soomaal iya guud ahaanba wuxuu kasoo daalay kala du wanaasho, oo in la is dhageystona waa wax wa naagsan. Markaa waxaan rabna in aan hiigsano dalalka horumarka gaaray oo aanu gaarno”.

Madaxweynihii hore ee dalka marnaba si cad uma kala saarin arrinta ay hanaankeedu ta ba shada ka taagan inay tahay doorashooyin ka maamulka HirShabeelle iyo mida dowladda dhe xe ee laga dhawaan laga gaaray heshiiska.

Sikastaba, Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay inuu madaxweyn ihii hore ee Soomaaliya ka qeybgeli doono dhis maha dowlad goboleedka HirShabelle, gaar ah aan arrimaha doorashooyinka maamulkaas, iya da oo si dhab ah loo ogeyn sida uu sameyn ugu yeelan karo.

Shariif ayaa sidoo kale kulamo kala duwan la qaadan doono madaxda HirShabelle ee ku sugan Jowhar iyo qeybaha kala duwan ee bul shada, oo iyadu wajaheysay dhibaatooyin adag, xili ay ku jirto marxalad kala guur ah.

Xigasho:caasimadda.net

W/WASAARADDA SHAQADA IYO A/BULSHADA OO SHIR GUDDOOMIYAY KULANKIISII UGU HORREEYAY

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XF/Soomaal iya, Duraan Axmed Faa rax ayaa maanta guddo omiyey kullan muhiim ah oo is xogwareysi ah, kuna saabsanaa Qo rshe Howleedka Wasaara dda guud ahaan gaar ah aan Qo rshe Howleedyada Waaxya ha,kullanka ayaa ahaa kiiu horreyay tan iyo markii uu xilka la wareegay taariikhda 27 bishii October,2020.

Kulankan ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta Qorshe howleedyada Waaxyaha Was aaradda ee sannadkaniyo qodobbadii ugu muhiimsanaa ee ka hirgalay,iyadoo diiradda la saaray sidii loo dardargelin lahaa arrimaha dhi mman. Wasiir Duraan, ayaa ku ammaanay Aga asi maha Guud iyo Agaasime Waaxeedya da Wasaaradda howlaha muhiimka ah ee ay bulsh ada u hayaan, wuxuuna faray in si dhaqso leh loo gudogalo diyaarinta qorshe howleedka Wa saaradda muddada sagaashka cisho ah ee soo socota.

Wasiirka ayaa tilmaamay arrimaha mudnaan ta iyo hortebinta u leh oo ay ugu muhiimsan yih iin xoojinta dadaallada shaqo abuurka , xirfad aha,horumarinta bulshada, ladagaallanka sabo olnimada,bad qabka goobaha Shaqada iyo Shaqaalaha, loo shaqeeyaha iyo hagaajinta xiri irka Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulsh ada ee Dowladgobolleedyada dalka, wasaara daha la dhigga ah ee caalamka, ururrada Shaqaalaha,hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa dibedda.

"Wasaaradan waxay mas’uul uga tahay Bu lshada Soomaaliyeed arrimaha loogu baahida badan yahay ee Shaqada, Shaqaalaha iyo Arri maha Bulshada, si taas aan uga dhabeyno waa in ilaa iyo maalinta u dambeysa dadaal galinnaa sidii is beddello muuqda iyo horumarinta ho wlaha Wasaaradda ay horey u heysay Bulsh ada aan ugu usoo bandhigi lahayn,taasna wax aan ku gaareynaa wadajir iyo in la labalaabo fulinta howlahaas.” ayuu yiri Wasiir Duraan Faa rax.

Kullankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasuuru dowlaha WasaaraddaMd. Cabdi Axmed Qasim ,Wasiir kuxigeenka,Marwo Sahro Xaaji Xuseen iyo Agaasimaha Guud ee Was aaradda, Md. Cabdullaahi

JEN. INDHACADDE: "WAA IN DALKA LAGU XUKU MAA SHAREECADA ISLAAMKA HADDII KALE…”

Jen.Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha cade oo ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa ku baaqay in si rasmi ah dalka loogu

maamulo diinta Islaamka, "si buu yiri aan uga run sheegno islaamnimada aan sheeganeyno.”

"Islaam ayaan nahay soo maaha, waa inaan ka run sheegno waxa aan sheegane yno, gaaladu waxay ka run sheegeen waxa ay sheeganayaan,” ayuu yriri Jeneraal Indhacad de. Si dowladnimada Soomaaliya ay u raa cdo dariiqa saxda ah, isla markaana ay guuleys ato waxa uu soo jeediyey in dalka lagu maa mulo Kitaabka Ilaahey.

"Waa inaan Kitaabka Ilaahey isku xukunno, oo Ilaahey diintiisa aan isku maamulno, mark aas waxaan noqoneynaa dad dariiqa saxda ah ku taagan, waana guuleysaneynaa,” ayuu yiri.

Isagoo sii hadalyey ayuu yiri Jeneraal In dhacade, "Anagoo heysana wixii adduunka ugu fiicnaa. Aakhirana na anfacaayey oo ah Kitaab ka Ilaahey, ayaan inta iska diidnay waxaan raa dineynaa wax kale, maxay yihiin waxa kale ee aan raadineyno?”

SHIR LAGA YEESHAY AMNIGA DEGAANNADA K/GALBEED

Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomi yaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka K/r galbeed Amb Dr. Cali Saciid Faqi ayaa Shir Guddoomiyay shirka 7aad laha ee Amniga Dee gana da Maamulkaas.

Shirka ayaa waxaa qe yb galey Saraakiisha CQS,G/Maxkamada CQS qeybta 60aad ,iyo Wasiirka Amniga K/Galbeed iyo madax kale.Shirka ayaa waxaa warbixino lo oga dhag eystay Saraakiisha CQS qeybahooda kala duwan, iyaga oo ka warbix iyay xaalada a mni ee degaannada Koonfur Gal beed iyo how lgalladii ay fuliyeen CD& kuwa K/Galbeed.

Sarkaashiisha laamaha Amniga ee ka how lgalla degaannada Koonfur Galbeed ayaa wax aa ay shirka ka sheegeen inay xoojin doonaan sugida Amaanka Deeganada Koonfur Galbeed.

MASAR IYO SOOMAALIYA OO KA WADA HADLAY XIRIIRKA 2DA DAL

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada JFS Md. Xasan Macallin Khaliif ayaa Xafiiskiisa ku qaabi lay Danjiraha Dowladda Masar Md. Maxamed Nasar iyo Safiir Ku xigeenka dowladda Jarmal ka Md. Sascha Andreas Kien zle. Safiirrada oo ugu hambalyeeyay xilka dha waan loo magaca a bay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Md.Xas an Macallin Khaliif ay aa u rajeeyey ka miradhalinta shaqooyinka Qaran ee horyaalla, iya goo tilmaamay sida ay uga go ’an tahay in ay xoojiyaan iskaashiga iyo wada shaqeynta labo geesoodka ah.

Safiir ku xigeenka dowladda Jarmalka ayaa soo bandhigay qorshaha dowladdiisu ay ka taa geereyso Soomaaliya iyo sida ay ugu faraxsan yihiin horumarka, dib u kabashada iyo dowla dnimada Soomaaliya oo haatan tallaabo weyn loo qaaday.

Sidoo kale, Danjiraha Masar ee Soomaaliya Md. Maxamed Nasir oo dul istaagay sooyaalka wadajirka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ayaa tilmaamay dadaalka ay ku bixinayaan ka gacansiinta Soomaaliya arrimaha waxbarashada oo aasaas u ah horumarka iyo dowlad dhiska.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Md. Xasan Macallin Khaliif ayaa uga mahadceliyey Danjireyaasha booqashadooda, waxa uuna la wadaagay dadaalladda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xoojinta amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

MUSLIMIINTII U SOO CIMREYSAN JIRTAY SACUUD IGA OO XAYIRAADDII LAGA QAADAY

https://i0.wp.com/halbeeg.com/wp-content/uploads/2020/02/kacba.jpeg?fit=300%2C168&ssl=1 Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta dhowr bilood ah ka dib xayiraaddii uu sababay xanuunka COVID19 ka qaadday muslimiinta dunida ee u soo cimro tagi jirtay dalkiisa. Laga bilaabo maanta oo Axad ah 10,000 oo qof ayaa loo oggolaanayaa I n ay xaramka cimro u tagaan.

Waxa shardi ah in dadka cimrada gudanaya marka ay Sucuudiga gaadhaan ay muddo 3 maalmood ah is karantiilaan inta aanay xaramka galin ee aanay ku dawaafin Kacbada.

Sucuudigu si tartiib tartiib ah ayuu u furayaa masa ajidda tan iyo markii uu bilaabay in uu debciyo xayiraaddii ka hortagga fayraska koroona.

Dadka ku nool dalka gudihiisa ayaa iyaga cimr ada loo oggolaaday bishii Oktoobar, hase yee shee waxaa la kordhiyey tirada dadka cimraysan kara si fursad loo siiyo dadka dalka dibadiisa ka imanaya.

Xajkii sannadkan oo ku beegnaa bishii Juulaay ee 2020 waxa loo oggolaaday oo keliya 10,000 qof oo ah dadka dalka Sucuudiga gudihiisa ku nool. Taas oo ahayd tiro aad uga yar tiradii mala ayiinta qof ahaan jirtay ee sannadihii ka horeeyey looga bartay.

MADAXWEYNE QOOR QOOR OO SHEEGAY IN LALA XISAABAMAYO GOLAHA WASIIRADA

Madaxweynaha D/G/Galmudug Axmed Ca bdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in Xu bnaha G/Wasiirada Galmudug & Hay’adaha ka la duw an ee Maamulkaas looga baahan yahay inay Shaqooyinkooda si deg deg ah u qabsa daan.

Waxaa uu sheegay in Shur uucda kala duwan ee galmu dug ay jiraan Wasaarado Baar lamaan ka u gudbiyay iyo ku wo aan weli gudbin, waxaa na G/B/Galmudug uu ugu baaqay inay la xisaab tamaan G/Wasii rada Galmudug & Hay’adaha kale ee Maamul kaas.

Xildhibaannada B/Galmudug ayuu uga mah ad celiyay Madaxweyne Qoor Qoor sida ay u meel mariyeen Shuruucyo kala duwan oo ay u soo gudbiyeen G/Wasiirada qaar ee Galmudug.

Hadalkaan ayaa Madaweynaha Galmudug Md. Qoor Qoor,waxaa uu ka sheegay munaasab ad uu ku saxiixay sharcyo dhowr ah oo ay hor ay u meel mariyeen Xildhibaannada Galmudug.

BEERALAYDA BAKOOL OO CABSI KA QABA AYAX KU DAGAY DEEGAANNO DERIS LA AH.

Inta badan dhul beereedka gobolka Bakool ayaa waxaa ka da’ay roobabka dayrta inkastoo meelaha qaar ay roob la’aan tahay, islama rk aana uu Ayax faro badan ku habsaday.

http://www.somaliweyn.org/wp-content/uploads/2020/11/anyax-500x290.jpgAyaxa oo deegaanno ka tirsan gobolka bakool lagu arkay ayaa walwal badan ay ka qabaaan beeralayda iyo xoola dhaqatada, maadaama de egaannada uu ku dagay dhi baato badan u gaystay haday noqon lahayd ba abi’inta dalagga beeraha iyo dhulka daaqsi meedka.

Iskuduwaha Wasaaradda beeraha dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya ee gobolka Bakool Maxamed Axmed Macalin ayaa sheegay in deegaannada qaar uu ka da’ay roo bka dayrta kaasi oo lagu diirsaday balse cabsi laga qabo Ayax faro badan oo qayb ka mid ah dhul beereedka iyo dhulka daaqsinka ah uu ku habsaday.

Dhamaadkii sanadkii tagay ee 2019 ayay ahayd markii ayax lagu arkay gobollada dalka soomaaliya oo uu gobolka Bakool ka mid yah ay,waxuuna dhamaanba baabi,iyay dalagyadii xilgaas,

Si kastaba beeralayda gobolka bakool ayaa had da ka walaacsan wax soo saarka beerahooda maadaama la filan karo in uu soo gaaro Ayax aysan haysan wax ay isaga difaacaan.

JADWAL DEG DEG AH OO LOO SAMEEYEY DOORA SHADA GUDDOONKA BAARLAMANKA HIRSHABEELLE

Guddiga doorashada guddoonka Baarla maanka DG/HirShabeelle ayaa Shalay soo saa ray islamarkaana shaaciyay jadwalka doorasha da guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle.

War kasoo baxay Guddiga ay aa waxaa lagu sheegay in Maal inta Berri oo Isniin ah ay bilaaban eyso qabashada Araajida mush arixiinta Guddoonka Baarlamaanka, halka 3da Bisha November oo ku aadan Talaalada ay mu sharix iinta jeedin doonaan khudbadahoo da. Si doo ka le Guddiga doorashada guddoonka Baarlamaanka D/G/HirShabe elle ayaa sheegay in 4ta Bisha November oo ku beegan Maalinta Arbacada ah la qaban doono doorashada Gudd oonka Baarlamaanka labaad ee HirShabeelle.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/11/akhriso-jadwalka-doorashada-hirshabelle.jpg Jadwalka ayaa waxaa lagu caddeeyey in min hal maalin loo qoondeeyey qabashada araajida musharixiinta, hadal jeedinta iyo doorashada, waxaana doorashada guddoonka oo ka kooban Guddoomiye iyo laba ku xigeen lagu doorana yaa muddo seddex maalmood gudahood ah.

Doorashada Hirshabelle ayaa si xowli ah ku socoto iyadoo u muuqato mid aan u baahneyn olole oo Mas’uuliyiintii xilalka qaban lahaa ay diyaarsan yihiin.

halkan hoose ka aqriso qoraalka

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

DAB KA KACAY XAAFAD KA TIRSAN MUQDISHO + KHASAARAHA KA DHASHAY

Dab ayaa ka kacay guri ku yaala dhabarka dambe guriga hooyooyinka, waxaana ka dha shay khasaaro hantiyeed sida ay sheegeen dad ka deegaanka oo warbaahinta u warramay.

Dadka deegaanka waxey sheegeen in dabka uu ka dhashay korontada, wuxuuna baabi’iyay guriga uu ka bilowday isagoo gaaray guryo kale ku faafay, balse lagama soo sheegin wax khas aaro nafeed ah oo ka dha shay.

https://radiorisaala.com/wp-content/uploads/2020/03/muuse.jpg Saacado ayey qaadatay in dabka la damiyo iyadoo ay suuragali weysay iney gaadiidka dab damiska galaan sabab la xiriirta xaafadda oo ah mid isku raran ah, balse u gu dambeyntii waa lagu guuleystay in lasoo afjaro dabkii kacay.

Qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdi sho waa kuwa isku raran ah oo aan la awoodi karin iney gaadiidka dabdamiska galaan, sida as darteed dadka deegaanka waxey baaq u dir een maamulka gobolka Banaadir iyagoo ugu baaqay iney la yimaadaan qorshe kale oo dad ka lagu badbaadin karo.

Sidoo kale dadka deegaanka waxey fariin u direen maamulka gobolka Banaadir, maadaama aan dhaqso lagu helin gawaarida dabgamiska, sidaas darteed waxey codsadeen in la sameeyo goobo cayiman oo loogu hagaagi karo.

WASIIRKA CUSUB EE A/GUDAHA OO CADDEEYEY MOWQIFKIISA DOORASHADA HIRSHABEELLE

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaal ka iyo Dibuheshiisiinta ayaa soo saar tay qor aal ay kusoo dhoweyneyso soo Xulista xildhiba anada baarlamanka 2ad ee DG/ HirShabeelle.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda ayaa loogu hambalyeyey Baarlamaanka labaad ee loo dha ariyay D/G/HirShabeelle iyo dhammaan bulsha da qeybaheeda kala duwan ee ka qeyb qaatay hannaanka geeddi socodka soo xulista Baarl amanka labaad ee HirShabeelle.

"Wasaaradda Arrimaha Gudaha, F iyo Dibuheshiisiinta waxa ay uga mahad celisay Gudd iga soo Xulista Baarlamaanka DG/ HirShabeelle shaqadii wanaagsaneyd oo ay ka qabteen soo xulista xubnaha Baarlamaanka labaad ee D/G/ Hirshabeelle,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo bax ay wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu yiri " W/ Ar/ G/Fiyo Dibuheshiisiinta waxa ay u hambalya ynaysaa Baarlamaanka 2aad ee loo dhaariyay D/G/Hirshabeele iyo dhammaan bulshada qeyb aheeda kala duwan ee ka qeyb qaatay hannaan ka geeddi socodka soo xulista Baarlamanka 2aad ee Hirshabeelle.

WEERAR MINDI LOO ADEEGSADAY OO KA DHACAY DALKA CANADA

Ugu yaraan 2qof ayaa toorey lagu diley, shan kalena waa lagu dhaawacay magaalada Quebec ee dalka Canada. Booliska ayaa dadka u sheegay inay ku jiraan guryaha ka dib markii nin "ku labisnaa dharka qarniyadii dhexe” uu "dad badan weeraray.

Ninka weerarka geystay oo ku jira da’da 20meeyada ayaa la qabtay waxyar ka hor 01:00 waqtiga maxalliga ah, saraakiisha ayaa sidaas yidhi. Laakiin dadka deegaanka ayaa wali loo sheegayaa in ay ku ekaadaan gudaha maad ama baaritaan uu socdo.

Weerarka ayaa ka dhacay agagaarka baa rlamaanka Hill oo ku yaal xaafadda taariikhiga ah ee Old Quebec. Warbixinadii ugu horreeyay ee weerarka ayaa soo baxay waxyar ka hor 22:30 waqtiga maxalliga ah. Kadib markii lagu qabtay agagaarka beerta ganacsiga ee Espace , ninka ayaa waxaa loo qaaday isbitaalka.

Weriyeyaasha goobta ku sugan ayaa Twitterka ku baahiyay sairro muujinaya taliyaha booliiska oo ku sugan bannaanka Dhismaha Baarlamaan ka ee Quebec. BBC SOMALI

SOMALILAND OO SHARUUD KU XIRTAY IN AY KA LAABATO GO’AANKII AY KU HAKISAY HOWLAHA QM

Madaxweyaha Somaliland Muuse Biixi cabdi ayaa markael ka hadlay go’aankii Soomaaliland ku hakisay wadashaqeyntii Hay’ad aah QM iyo sida lagu soo celin ka ro. Waxaa uu Madaxweyne Muuse Biixi ka dalbaday Madaxda Hay ’adaha QM inay marka hore ula macaamil aan Soomaaliland sida dal madax banna an oo kale, dib loogu soo celiyo howlihii ay ka wadeen degaannada Soomalailand.

Hay’adaha QM ayuu Md. Muuse Biixi ku ee deeyay inay Amaro ka qaataan dowladda Soo maaliya, isla markaana ay saameyn ku yeesha an Arrimo la xiriira Siyaasadda.

Isaga oo sii hadalayay ayaa waxaa uu sheeg ay in Wakiilka QM uusan metelin Soomaaliland, hayeeshee ay soo dhaweynayaan cid kasto oo dooneysa in si sax ah loola Shaqeeyo, iyada oo aan wax siyaasad ah ku jirin.

Dhawaan ayaa W/Qorsheynta Soomaaliland qoraal ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in la hakiyay wadashaqeyntii iyo howlihii degaann ada Somaliland ka wadeen Hay’adaha QM, wax aana tallaabadaas ay u qaadeen Somaliland sa babo la xiriira heshiiskii ay dhawaan QM & DFS

Muqdisho ku saxiixdeen.

DAGAAL KA DHACAY JUBBADA HOOSE & FAAH FAAHIN LAGA HELAYO

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa degaannada Cabdalla Birooole iyo Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose uu ku dhexmaray Ciidamada Kenya oo ka tirsan AMISOM, kuwa Jubbaland oo dhinac ah & Uru rka AlShabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay ay AlShabaab weerar ku qaadeen Sal dhigyada Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland ee degaannada Cabdalla Biroole iyo Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo muddo saacad ku dhow socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaas ay isku adeegsan ayeen labada dhinac, sidoo kale ay jireen tiro madaafiic ah oo ay is weeydaarsadeen labada dhinac, balse aan la sheegin khasaaro dadka Rayidka ah kasoo gaaray dagaalka.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaac een weerarka kaga timid AlShabaab, isla markaana khasaaro gaarsiiyeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan saaka ka hel eyno degaannada Cabdalla Biroole iyo Qooqa ani ayaa waxaa ay sheegayaan in dhaq dhaqa aqyo Ciidan iyo howlgallo ay halkaasi ka wad aan Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya.

OLOLAHA DOORASHADA MAREYKANKA OO MEEL GABO GABO AH MARAYSA

Donald Trump iyo Joe Biden ayaa Axadda oo maanta ah socdaal ku maraya guud ahaan dalkaasi iyada oo doorashada Mareykanka ay geleyso heer gabo gabo ah.

Madaxweyne Trump waxa uu qorsheeyay inuu booqdo shan gobol oo lagu dagaalamayo halka ninka la tartamaya Mr Biden uu ka hadlay munasabad olole oo ka dhacday Pennsylvania.

Musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ayaa sii wadaya hoggaanka adag ee qaran ee doorashooyinka ka hor doorashada guud ee Talaadada.

Laakiin faa’iidadan ayaa ay halis gelin karaan gobollada muhiimka ah ee go’aan ka gaadhi kara natiijada.

In ka badan 90 milyan oo qof ayaa horey u dhiibtay codkooda goor hore codbixinta, taas oo dalka gelineysa wadadii ugu badneyd ee ay ka soo qeyb galaan dad intaasi le’eg muddo ku dhaw hal qarni

Doorashadu waxay ku soo beegmaysaa iyada oo uu socdo cudurka faafa ee coronavirus. Mareykanka wuxuu diiwaan geliyay kiisas badan iyo dhimasho ka badan waddamada kale ee adduunka, isagoo soo sheegaya in ka badan 99,000 oo qaaday Sabtida oo keliya.

Khabiirka ugu sareeya ee viruska Anthony Fauci ayaa si kulul u dhaleeceeyay sida maamulka Trump uu u maareeyay cudurkaan faafa, isaga oo canaan kala kulmay Aqalka Cad Axadii.

Madaxweynahan Jamhuuriga ayaa maanta leh jadwal safar oo aad u adag, wuxuu ku qabanayaa isusoobaxyo Iowa, Michigan iyo North Carolina, ka dibna Georgia iyo Florida – dhamaan gobollada codbixinta ayaa lagu tilmaamaa kuwa muujiya tartanka adag.

Halka markii uu ka hadlayey Washington, oo ah magaalo ku taal Michigan ee woqooyiga Detroit, Mr Trump wuxuu taageerayaashiisa u sheegay in intii uu hoggaaminayey "dhaqaalaha uu hadda u korayo sida ugu dhakhsaha badan ee abid la diiwaan geliyo”.

MUCAARADKA TANZANIA OO KU GACANSEYRAY NATIIJADA DOORASHADII MADAXTINNIMADA EE DALKAAS

Labada xisbi ee ugu waaweyn mucaaradka Tanzania ee Chadema iyo ACTWazalendo ayaa ku gacanseyray natiijada doorashadii madaxtinnimo ee dalkaas ka dhacday Arbacadii taas oo la shaaciyay in u uku guuleystay madaxweyne John Magufuli.

Xisbiyada oo codsaday in lagu celiyo doorashada ayaa taageerayaashooda ugu baaqay in Isniinta berri ah ay dalka ka dhigaan dibadbaxyo ay ku diidayaan natiijada doorashadii dhacday todobaadkii hore.

Mucaaradka ayaa sheegay in ay qabaan cabasho weyn oo ku aaddan hannaanka loo maamulay doorashada iyaga oo xusay in khalaad waaweyn ay dhaceen intii ay doorashadu socotay iyo kaddibba.

Xisbiyada ayaa codsaday in si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah dib loo qabto doorasho hufan sidoo kalena meesha klaga saaro guddiga doorashada ee haatan maamulayay doorashada muranka dhalisay.

Sabtidii Dorraad ayay ahayd markii guddiga doorashada dalkaas ay ku dhawaaqeen in tartanka doorashada madaxtinnimada dalka u uku guuleysay madaxweyne Magafuli oo helay 84% codadkii doorashada halka musharraxa xisbiga mucaaradka ee Chadema Tundu Lissu uu helay 13% codadka doorashada.

Lisu ayaa kal hore ka biyo diiday natiijada doorashada isaga oo beesha caalamkana ku wargeliyay in aanu aqbali doonin natiijada doorashada ka soo baxda sabab u uku sheegay heerka ka qeybgalka dadweynaha oo aad u hooseeyay oo ahaa kaliya 50%.

NIN LOO QABTAY WEERAR KA DHACAY DALKA FARANSIISKA

Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa sheegay in qof looga shakisan yahay in uu Sabtidii si daran u dhaawacay wadaad ka tirsan kaniisad Greek Orthodox ah oo ku taalla magaalada Lyon uu haatan ku jiro gacanta bilayska.

Nikolaos Kakavelaki ayaa xirayay kaniisaddiisa markii laba xabad looga dhuftay xabadka, wuxuuna hadda ku sugan yahay xaalad halis ah iyadoo uu ku jiro isbitaalka, ilo wareedyo booliis ah ayaa sidaas sheegay.

Ujeedada weerarka wali ma cadda, laakiin waxa uu yimid ka dib markii nin dhalinyaro ah oo reer Tunisia ah uu Khamiistii 3 qof ku dilay gudaha Notre Dame Basilica oo ku taal maga alada Nice ee koonfurta dalka Faransiiska, iyadoo horaantii Octoberna macallin taariikhda dhiga lagu gowracay magaalada Paris.

Ammaanka guud ahaan Faransiiska ayaa wali ah mid aad loo adkeeyey ka dib weerarkii mindida loo adeegsaday ee ka dhacay basilica, halka madaxweyne Emmanuel Macron uu isku dayay in uu dajiyo xiisadda kala dhexeysa muslimiinta dalkaasi.

Macron ayaa kiciyey mudaaharaadyo ka dhacay dunida muslimka ka dib dilkii Samuel Paty, oo ardaydiisa tusay kartoon loola jeedo Nabi Muxamed NNKH, asaga oo sheegay in France aysan waligeed ka tanaasuli doonto xaqeeda farshaxanka. Laakinse Sabtidii, Macr on ayaa u hadlay si ka duwan taas oo ay ka muuqatay inuu xaaladda dejinayo ka dib war eysi uu siiyay telefishanka AlJazeera.

"Waan fahmi karaa in dadku ay ka argagixi karaan kartuunkaasi, laakiin marnaba ma aqbali doono in rabshadaha loo qiil dayo,” ayuu yiri Macron.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa Sabtidii xiray nin 3aad si su’aalo loo waydi iyo, iyadoo lala xiriirinayo weerarkii mindida ee ka dhacay xarunta basilica ee magaalada Nice.

Ninkan ayaa ku sugnaa guri ay boolisku Ji mcihii baarayeen oo uu deganaa nin 2aad oo dhalinyaro ah una dhashay Tunisia ah kaasi oo looga shakiyay inuu xiriir la leeyahay ninka weerarka soo qaaday.

Eedeysanaha 1aad, Ibrahim Issaoui, oo 21 jir ah, oo ka soo gudbay Talyaaniga bishii hore isagoo ku sii jeeda Faransiiska, ayaa weli ku jira xaalad halis ah isbitaal Faransiiska ku yaalla ka dib markii ay dhaawaceen booliska markii ay gacanta ku dhigayeen

XAALADDA ERDOGAN KADIB MARKII SARAA KIIL U DHOW LAGA HELAY CUDURKA COVID19

Saraakiil sare oo u dhow madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa laga helay cudurka safmarka ah ee Coronavirus/Covid19, kuwaasi oo ka tirsan madaxtooyada iyo golaha dalkaasi.

Ibrahim Kalin oo ah afhayeenka madaxweyne Erdogan ayaa shaaciyey maalintii shalay aheyd in laga helay cudurka, isagoona sheegay inuu isku arkay astaamaha yaryar ee cudurkaasi.

Afhayeenka ayaa ka gaabsaday in uu faahfaahin dheeriya ka bixiyo xaaladiisa caafimaad, kadib marka laga helay cudurka, midaasi oo ka dhigeysa in halis caafimaad uu wajahi karo madaxweyne Erdogan.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi, Suleyman Soylu ayaa isaguna shaaciyey in cudurka Coronavirus laga helay, isaga iyo xaaskiisa, iyo weliba gabadh ay dhaleen.

Soylu oo wax laga weydiiyay xaaladooda caafimaad ayaa sheegay in xaaladooda ay hadda wanaagsan tahay, isla markaana ay kasoo reysanayaan cudurka.

Labadan mas’uul ayaa lasoo warinayaa inay kulamo la qaateen madaxweyne Erdogan, ka hor inta aan la xaqiijin inay qabaan cudurkaasi, maadama ay ahaayeen labo mas’uul oo aad ugu dhawaa madaxweynaha.

Madaxweyne Erdogan ayaa gebi ahaanba ka badqaba cudurkan, kadib markii baaritaano lagu sameeyay, markii laga helay cudurkaasi afhayeenkiisa iyo wasiirkiisa arrimaha gudaha.

Turkiga ayaa markale u muuqda in uu kusoo labo kacleeyay cudurka Coronavirus, iyada oo kiisaska lasoo wariyey maalintii shalay aheyd oo kaliya lagu sheegay 75kiis.

RA’IISUL WASAARAHA CANADA OO KA JAWAABAY XORIYADDA HADALKA EE LOO ADEEGSADO IN LOOGU GEFO

Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa difaacay xoriyadda hadalka, hase yeeshee waxaa uu yiri "ma ahan xad la’aan” islamarkaana maahan "in gef aan loo baahneyn oo sabab la’aan ah” ay ku sameyso dad ga ar ah.

Isaga oo ka jawa abaya su’aal aheyd xuquuqda lagu daa baci karo sawir ga cmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH – ee la midka ah kuwii uu daa bacay wargeyska Faransiiska ee Charlie Hebdo – ayaa Trudeau waxa uu yiri "mar walba waan dif aaci doonnaa xoriyadda hadalka, hase yeeshee xoriyadda hadalka ma ahan mid xad la’aan ah.”

Waxa uu intaas ku daray "Waxaa waajib nagu ah inaan dadka kale ula dhaqanno si xushmad leh si aan u baraarno, ee ma ahan inaan dhaawacno dadka aan dunidan wadaagno.”

"Ma jiro qof xuquuq u leh inuu toogasho ka fuliyo shineemo ay dad ka buuxaan. Mar walba waxaa jira xad.”

R/Wasaaraha Canada ayaa iska fogeeyey mo wqifka uu qaatay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, wuxuuna ku baaqay in xo riyadda hadalka loo adeegsado si taxaddar leh.

Waxa uu intaas ku daray "waa waajibkeena inaan ka warhayno saameynta erayadeenna iyo ficillad eena ay ku yeelan karaan dadka kale, gaar ahaan bulshooyinka iyo kooxaha markii horeba daree mayey takoor.”

Trudeau ayaa sidoo kale cambaareeyey weer arkii saddexda qof lagu dilay ee ka dhacay mag aalada Nice ee dalka Faransiiska, oo uu sheegay "inuusan lahayn wax cudur daar ah.”

Macron ayaa toddobaad ka hor ka careysiiyey dunisa Islaamka kadib markii uu cambaareeyey "islaamiyiinta”, wacadna ku maray "inaanu ka tanaasuli doonin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH.

Hase yeeshee, wareysi uu Dorraad siiyey Alja zeera ayuu Macron kaga soo dabcay mwoqifkaas, wuxuuna sheegay inuu fahamsan yahay dareenka ay Muslimiinta ka qabaan sawir gacmeedyada lagu aflagaadeynayo Nebi Muxamed NNKH, wu xuuna carabka ku dhejiyey in dowladdiisa aysan marnaba taageersaneyn sawirradaas.

"Sawir gacmeedyadan ma ahan mashruuc dowl adeed, balse waxay ka imanayaan wargeys m adax banaan oo xor ah, islamarkaana aan ku xir neyn dowladda,” ayuu yiri Macron, isaga oo intaas ku daray inuu fahamsan yahay dareenka ay Musl imiinta ka qabaan arrintan.

Macron waxa uu wareysiga ku yiri "Waxaan u maleynayaa in falcelinta ay ka dhalatay been iyo doorin lagu sameeyey erayadeyda, sidaas dartee dna dadka ay u fahmeen inaan taageersanahay sawir gacmeedyadan

DAACISH OO KU HANJABTAY INEY DILEYSO DHALI NYARADA LAGA SOO CELINAYO UK.

Kooxda Daacish oo ka mid ah kooxaha hube ysan ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa ku han jabay iney dili doonaan Yacquub Axmed hadii lagu soo celiyo dalka Soomaaliya.

Muuqaal hanjabaad ah oo uu soo duubay Sark aal ka tirsan Kooxda Daacish ayaa lagu sheegay in dalka aan lagu soo celin karin dhalinyarada da mbiyada galay iyo kuwa aadka u isticmaala ma andooriyaha, hadii lasoo celiyana ay dili doonaan.

Kooxdan ayaa si toos ah u bareertay Yacquub Axmed iyo dhalinyaro oo ay sheegeen iney xo gtooda soo celinta haya, dilna ugu hanjabeen.

Dhalinyarada qurbaha ka yimaado ayay hee geen in dhaqanka ay ka dhuminayaan dhaliny arada Soomaaliyeed, sidoo kale ay barayaan maa ndooriyaha iyo kufsiga.

"Waxaan digniin u diraya dadka dhaqamada xun xun kala imaanaya wadamada reer galbeedka iyo kuwa dalalkaasi dambiyada ka galay ee dha qanka xun keenaya dalalka Islaamka, hadii dadk aas la soo celiyo wa dili doonaa, waana gowracey naa sida ninka aan Idaacadaha ka maqalnay ee Yacquub Axmed la yiraahdo ee UK ay soo cel ineyso fitno iyo dhaqan gaalo ayuu soo wadaa waana dileynaa hadii uu yimaado dalkan”. ayuu yiri Sarkaalka u hadlay kooxda Daacish.

Sidoo kale kooxdan ayaa fariin u dirtay dadka ku sugan xerada Xalane iyo aaga garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

"Kuwa gaalada u adeega ee xaruntoodu tahay Xal ane hoog iyo fashil ayaa u dambeyn doono waana dileynaa dadkaas gaalada u adeega ee diinta be en la sheegaya ee dhaqamada xun xun faaf inaya”. ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sarkaalkan Kooxdan hubeysan u hadlay.

Yacquub Axmed oo ah muwaadin Soomaaliy eed ayaa hada ku xeran dalka UK, wuxuu ku eedeysan yahay isaga iyo 3 wiil oo kale in 2008 ay kufsi wadareed u geysteen gabar u dhalatay dalka UK. Yacquub ayaa sidoo kale lagu tuhmaya inuu Gangiska dalkaasi ka tirsan yahay oo dowladda Ingiriiska ay qorsheynyso ineey ku celiso Muqdisho.

Dadka Magaalada Muqdisho ayaa aad uga soo horjeedo in magaalada lagu soo celiyo dhal inyarada dhaqan celiso ah kuwaasi oo dhiba atooyin badna ka geystay magaalada Muqdishoo oo ay ka mid yihiin Kufsi dil iyagoo sidoo kale dhaqanka ka lumiya gabdhaha yaryarka ah ee magaalada Muqdisho. Degmada Kaaraan san adkii 2019 waxaa gabar uu qabay ku dilay will dha linyaro ah oo laga soo celiyay dalka Mar eykanka kaas oo lagu magacaabo Xasan Abshir Geedi, sid oo kale wiil kale oo lagu magacaabo Yaasiin Ma xamed oo qurbaha laga soo celiyay ayaa hooy adiisa ku dilay Muqdisho.

WAA KUMA JILAAGII CAANKA AH EE GEERIYOODAY?

Jilaagi caanka ahaa ee Sir Sean Connery oo loo yaqiinnay James Bond ee geeriyooday da 'diisu waxay ahayd 90 jir.

Jilaagan geeriyooday oo ka soo jeeda Scotland wuxuu filimaanta uu ku jili jiray magaca jilliinka ee James Bond, wuxuuna si aad ah uu ugu soo caan baxay filimki sirdoonka ee la magac baxay 007.

Wiil uu dhalay Sir Sean, ayaa sheegay aabbihii sida uu u seexday inuu ka soo kicin uuna ku ge eriyooday Bahamas , balse xil liyadi u dambeeyey ay xaaladdi isu wanaagsaneen.

Jilaagan geeriyooday oo in ka badan 50 sano jilidda filimaanta ku soo jiray wuxuu muteystay aba almarinno caalami ah, isaga oo sanaddi 1988ddii la guddoonsiiyey abaalmarin ta Oscar.

Qoraalka Muuqaalka,

Highlights of Sir Sean Connery's acting career

Filimaanta caanka ah ee lagu xusuusanayo Sir Sean's (James Bond) waxaa ka mid ah The Hunt for Red October, Highlander, Indiana Jones, the Last Crusade iyo The Rock.

Mexico: Xuska maalinta mowtada (Sawirro)

Madaxweynaha Faransiiska oo filim jillay

Ninka bilyaneerka ah ee lacagtiisa oo dhan bixiyay

Jason Connery wuxuu sheegay "aabbihii xilliga uu geeriyoonayey iney la joogeen xubno qoyskiisa ka tirsan, uuna ku geeriyoday ma gaalada Nassu oo Bahamas ka tirsan oo uu horay ugu jilay filimka 'Thunder ball'."

"Maalin muruga leh ayay u tahay cid kasta oo garaneysay iyo cid kasta oo abbahay jecleyd, dadka dunida ku noolna waxaa ka baxay qof qaali ku ah oo uga tagay hadiyado qaali ah uu jilita ankiisa ku goddoonsiiyey." Wuxuuna Sir Sean Connery uu ka tagay xaa skiisa iyo wiilashiisa oo kala ah Jason iyo Stephane. Sir Sean Connery

Daniel Craig oo haatan filimaanta ku matala magaca James Bond, wuxuu sheegay Sir Sean inuu ahaa "mid ka mid ah shaqsiyaadki dhinaca jilitaanka filimaanta ugu mudnaa".

"Sir Sean Connery waxaa lagu sii xasuusan do onaa magaca James Bond iyo waxbadan uu noo ga tagay" ayuu yiri. "Sir Sean wuxuu jeclaan jiray ciyaarta golf, waxaanna u maleynayaa tababar golf inuu haystay."

Sir Sean 1988kii marki la guddoonsiiy ey abaa lmarinta Oscar

Sir Sean filimki ugu horreeyey uu jilay wuxuu ahaa 'No Road Blocks' oo uu jilay 1957kii, halka filimkiisi ugu dambeeyeyna uu ahaa 'Sir Billi' oo uu jilay 2012kii.

Honor Blackman (Pussy Galore) iyo Sir Sean Connery (James Bond) sawir laga qaaday ka hor inta ay jilin filimka Goldfinger

Sir Sean (James Bond) wuxuu ahaa xiddig ga jilidda filimaanta ee qarniga 20aad

Magaca James filimki ugu horreeyey uu jilay uu caankana ku noqday wuxuu ahaa filimka 'Dr No' ee uu soo saaray 1962kii. Balse filinka taxa naha ah ee 007 ayuu si aad ah ugu soo caan bxay.

7da filin ee uu jilaaga 1aad ka ahaa Sir Sean (James Bond) uu caankana ku noqday waxay kala yihiin:

Dr No (1962), From Russia with Love (1963), Goldfinger (1964),Thunderball (1965)

You Only Live Twice (1967),Diamonds are Fore ver (1971),Never Say Never Again (1983)

Sir Sean bishii August ee sanadkan ayuu xusay sanad guurada 90aad ee dhalashadiisa

XIGASHO:BBC

MUDDULLOOD WAA MARJACA UMMADDA 



SOOMAALIYEED {Qoraal Gaaban}

Ku:Umadda soomaallyeed meelkasta eey joogaan Ujeeddo Talo iyo Toowfiiq

Asalaamu caleeykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu bacda salaan walaalayaal dad aan tashan toowfiiq malahan, dad aan marjac yeelanna midnimo malahan, sidaa darteed anigoo ah curad soomaaliyeed kuna hadlaya magaca curadnimo waxaan soo jeedinayaa talo waxaana leeyahay saa u dhannahay soomaaliyoo idil waxaa naga magan marjac iyo mudnimo aan kutashano waxaanu nahay qabaa,ilo taasoo ah shuc uubyo leesku agoonsado hase ahaatee dalka wuxuu soo marayba waa imtixaan balse waxaan hadeer soo jeedinayaa

Codsina ah kuna talinayaa anigoo saaraya mas,uuliyadda talada qowmiyadda muddu lood in umadda soomaaliyeed u noqdaan marjac lagu soo hirto umadda soomaaliye edna u horseedaan mnidnimo ijyo toowfiiq waayo mudul waa hoyga ugu wanaagsan ee maalintiina ah qaboow macaan habeen kiina ah duggaal hurdo fiican leh oo dhax ani laneyn sidaa darteed waxaan idinkugu duceeynayaa mudulloodow inaad xilkaas iga guddoontaan igana aqbashaan umadda soomaaliyeedna waxaan ka codsanayaa ineey iga aqbalaan waayo talo aan tiir lah eyn matoosna mudd ayaanu kujirnay talo xumo maanta waxaan aaminsanahay in mudduiood u istaageen umadda Soomaal iyeed iney hormuuc u nogdaan sidii dalka u nogon lahaa dal midnimo yo toowfiqba ku soo dabaalay waxaana umahad celinayaa madaxweynihii hore ee umadda soomaa iyeed mudane Cali Mahdi Maxamed oo ah mas.uul

Kadangaday tala xumada dalka heysata iyo kala qoqobka waana mas.uul nadiif ah qalbigiisa 100% diyaarna u ah wixii akala tabanaayo Habeen hore dhalay laga noqdo waayo haclalka midka nuhiimk a ah ayaa lagasoo qaataa marka wad in Habeen hore dhalay in laga nogdaa dibna loogu agon ana tashaca ees xtiraamoakaraameeyo in shaa all ah wIxi faahfaahin alhna igala soo xariira email kaho os ku goran inshaa allaah wabillaab Toowfiiq.

DIYAARIYE MSR. CABDIRAXMAAN NUURL/Helo= 

Email:Taladadalka@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip