Daacish oo ku hanjabtay iney dileyso dhalinyarada laga soo celinayo UK.

0
Sunday November 01, 2020 - 23:49:03 in Wararka by
  • Visits: 470
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daacish oo ku hanjabtay iney dileyso dhalinyarada laga soo celinayo UK.

    Kooxda Daacish oo ka mid ah kooxaha hubeysan ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa ku hanjabay iney dili doonaan Yacquub Axmed hadii lagu soo celiyo dalka Soomaaliya. Muuqaal hanjabaad ah oo uu soo duubay Sarkaal ka tirsan Kooxda Daacish ayaa lagu sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Daacish oo ka mid ah kooxaha hubeysan ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa ku hanjabay iney dili doonaan Yacquub Axmed hadii lagu soo celiyo dalka Soomaaliya. Muuqaal hanjabaad ah oo uu soo duubay Sarkaal ka tirsan Kooxda Daacish ayaa lagu sheegay in dalka aan lagu soo celin karin dhalinyarada dambiyada galay iyo kuwa aadka u isticmaala maandooriyaha, hadii lasoo celiyana ay dili doonaan. Kooxdan ayaa si toos ah u bareertay Yacquub Axmed iyo dhalinyaro oo ay sheegeen iney xogtooda soo celinta haya, dilna ugu hanjabeen. Dhalinyarada qurbaha ka yimaado ayay sheegeen in dhaqanka ay ka dhuminayaan dhalinyarada Soomaaliyeed, sidoo kale ay barayaan maandooriyaha iyo kufsiga.

"Waxaan digniin u diraya dadka dhaqamada xun xun kala imaanaya wadamada reer galbeedka iyo kuwa dalalkaasi dambiyada ka galay ee dhaqanka xun keenaya dalalka Islaamka, hadii dadkaas la soo celiyo wa dili doonaa, waana gowraceynaa sida ninka aan Idaacadaha ka maqalnay ee Yacquub Axmed la yiraahdo ee UK ay soo celineyso fitno iyo dhaqan gaalo ayuu soo wadaa waana dileynaa hadii uu yimaado dalkan”. ayuu yiri Sarkaalka u hadlay kooxda Daacish.

Sidoo kale kooxdan ayaa fariin u dirtay dadka ku sugan xerada Xalane iyo aaga garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

"Kuwa gaalada u adeega ee xaruntoodu tahay Xalane hoog iyo fashil ayaa u dambeyn doono waana dileynaa dadkaas gaalada u adeega ee diinta been la sheegaya ee dhaqamada xun xun faafinaya”. ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sarkaalkan Kooxdan hubeysan u hadlay.

Yacquub Axmed oo ah muwaadin Soomaaliyeed ayaa hada ku xeran dalka UK, wuxuu ku eedeysan yahay isaga iyo 3 wiil oo kale in 2008 ay kufsi wadareed u geysteen gabar u dhalatay dalka UK.

Yacquub ayaa sidoo kale lagu tuhmaya inuu Gangiska dalkaasi ka tirsan yahay oo dowladda Ingiriiska ay qorsheynyso ineey ku celiso Muqdisho.

Dadka Magaalada Muqdisho ayaa aad uga soo horjeedo in magaalada lagu soo celiyo dhalinyarada dhaqan celiso ah kuwaasi oo dhibaatooyin badna ka geystay magaalada Muqdishoo oo ay ka mid yihiin Kufsi dil iyagoo sidoo kale dhaqanka ka lumiya gabdhaha yaryarka ah ee magaalada Muqdisho.

Degmada Kaaraan sanadkii 2019 waxaa gabar uu qabay ku dilay will dhalinyaro ah oo laga soo celiyay dalka Mareykanka kaas oo lagu magacaabo Xasan Abshir Geedi, sidoo kale wiil kale oo lagu magacaabo Yaasiin Maxamed oo qurbaha laga soo celiyay ayaa hooyadiisa ku dilay Muqdisho.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip