Ururada Macalimiinta Kenya oo oggolaaday in ay dib ugu laabtaan dugsiyada

0
Sunday October 04, 2015 - 10:58:21 in Wararka by
  • Visits: 856
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururada Macalimiinta Kenya oo oggolaaday in ay dib ugu laabtaan dugsiyada

    Macalimiinta dalka Kenya ayaa joojiyay shaqo joojin ay ku dhaqaaqeen iyagoo shegay in ay dib ugu laaban doonaan xarumaha waxbarashada maalinta Isniinta. Ururka Qaranka Macalimiinta dalka Kenya iyo Ururka Macalimiinta Dugsiyada Dhexe(Kuppet) ayaa g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalimiinta dalka Kenya ayaa joojiyay shaqo joojin ay ku dhaqaaqeen iyagoo shegay in ay dib ugu laaban doonaan xarumaha waxbarashada maalinta Isniinta. Ururka Qaranka Macalimiinta dalka Kenya iyo Ururka Macalimiinta Dugsiyada Dhexe(Kuppet) ayaa go'aankan si wadajir ah ugu dhowaaqay maanta.

Ururadan ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay xubnahooda sare kahor inta aysan ku dhowaaqin in Macalimiintu ay dib u bilaabayaan howlahooda waxbarida maalinta Isniinta ee 5ta bisha October 2015.

Guddiga u qaabilsan howlaha macalimiinta Kenya(TSC) ayaa la weydiistay in uu siiyo xubnihiisa mushaaraadka bisha September.

Xoghayaha guud ee ururka Knut Wilson Sossion ayaa sheegan in ururkiisu uusan ka laaban doonin codsigooda ah in la kordhiyo mushaaraadka macalimiinta boqolkiiba konton ama lixdan.

"Macalimiintu dib ayay u bilaabi doonaan shaqo joojinta kadib sagaashan maalmood haddii Guddiga macalimiinta,”ayuu yiri xoghayaha guud ee ururka Knut.Sidoo kale waxa uu codsaday in dib loo qaabeeyo jadwalka qaadista imtixaanaadka shahaadiga si macalimiintu ay u diyaariyaan ardaydooda.

Dhinaca kale Xoghayaha guud ee ururka Kuppet Akelo Misori ayaa ka codsaday Wasaarada Waxbarashada in ay dib u eegto taariiqda xilliyada waxbarashada si ay macalimiinta uga caawiyaan inay casharo muraajaco ah siiyaan ardayda.

Khamiistii aynu ka soo gudubnay ayaa Maxkamada dalka Kenya waxa ay ku amartay ururada macalimiinta inay ka noqdaan shaqo joojinta.

Xaakimka Maxkamada Shaqaalaha Nelson Abuodha ayaa sheegay in uu amray ururada macalimiinta inay ka laabtaan shaqo joojinta muddo sagaashan maalmood ah ayna bilaabaan wadahadal ay la galaan dowlada si loo xaliyo khilaafka.

Shaqo joojinta ay ku kaceen macalimiinta dalka Kenya ayaa ahayd tii ugu waqtiga dheereed muddo 58 sano ah, waxayna saameyn ku yeelatay boqolaal kun oo arday ah oo wax ka barata dugsiyada dalka Kenya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip