Somaliland oo xirtay Qamar Suugaani, kadib xeelad bad-baado oo uu sameeyay

0
Monday October 26, 2020 - 23:52:08 in Wararka by
  • Visits: 448
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo xirtay Qamar Suugaani, kadib xeelad bad-baado oo uu sameeyay

    Ciidamada Somaliland ayaa goordhoweyd xabsiga u taxaabay Fanaanka caanka ah ee Qamar Suugaani, xili uu maanta soo gaaray magaalada Berbera, kadib markii uu kasoo laabtay safar uu ugu maqnaa magaalada Muqdisho. Fanaanka ayey ciidamadu qabteen xili uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Somaliland ayaa goordhoweyd xabsiga u taxaabay Fanaanka caanka ah ee Qamar Suugaani, xili uu maanta soo gaaray magaalada Berbera, kadib markii uu kasoo laabtay safar uu ugu maqnaa magaalada Muqdisho. Fanaanka ayey ciidamadu qabteen xili uu socdaal dhulka ah uu kusoo galay Somaliland, kaasi oo uu kaga yimid magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, sida uu sarkaal ka tirsan ciidamada u xaqiijiyey Caasimada Online. Qamar ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho oo bandhigyo dhowr ah ku qabtay, isagoona uga soo gudbay dhanka Puntland, si uu dhulka ugu sii gudbo caasimada Somaliland ee Hargeysa. Safarka Qamar ee dhinac dhulka uu uga yimid Garoowe ayaa lagu sheegay inuu ka lahaa 'xeelad bad-baado', taasi oo uga baaqsanayay xabsiga maanta loo taxaabay. Somaliland ayaa inta badan xabsiga u taxaabta shaqsiyaadka caanka ah ee u safra Muqdisho, isla markaana dib ugu soo laabta Hargeysa, iyada oo badanaa ciidamada madaarka Hargeysa ay xabsiga dhigaan shaqsiyaadkaasi, taasi oo uu ka gows adeygayey Qamar. Si-kastaba, majiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka Somaliland oo ku aadan xariga fanaankan iyo sababta ka dambeysa xarigiisa, inkasta oo lala xiriirinayo safarikiisa Muqdisho.

Somaliland oo xirtay Qamar Suugaani, kadib xeelad bad-baado oo uu sameeyay



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip