Muddulood waa Qaran ay ka go'an tahay dhismaha Wadada Muqdisho iyo Hobyo

0
Thursday March 17, 2016 - 09:30:18 in Maqaallo by
  • Visits: 1368
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muddulood waa Qaran ay ka go'an tahay dhismaha Wadada Muqdisho iyo Hobyo

    Isku duubni, dadaal, rag ka rooni iyo isku tashi ayaa lagu wajahay dhismaha wadada isku xerta Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho iyo Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, iskaashato isugu jirta Duubab dhaqan, Aqoonyahano, Culumaa'udiin, Ganac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isku duubni, dadaal, rag ka rooni iyo isku tashi ayaa lagu wajahay dhismaha wadada isku xerta Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho iyo Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, iskaashato isugu jirta Duubab dhaqan, Aqoonyahano, Culumaa'udiin, Ganacsato, Siyaasiyiin, Qurbo joog iyo Waxgarad kale oo jecel horumarka ayaa ku dhaartay sidii ay uga dhabeyn lahaayeen sameynta jidkaasi.
Halgan uu hadafkiisu yahay sidii loogu najaxi lahaa wadadaasi ayaa loo dhaqaaqay, diyaar garow muddo qaatay dabadeed haatan hawshu si fiican ayay isugu duba dhacday, dhawr toddobaad ka hor a ayay ahayd markii xariga laga jarey dhismaha wadadaasi, shaqo aad u culus oo leh bilow wanaagsan ayaa muuqata, Engiyeero wax cabiraya, Baalayaal dhulka geed qaadaya (falaya), Wiishashka wax lagu qaado, Caro kaawo la dejinayo, Dhagax la keenayo, Ruulooyin dhulka simayo iyo shaqaaale weyne si hagar la’aan ah u shaqeynaya ayaa ishaada soo jiidanaya marka aad booqato halka laga wado dhismaha wadadaasi.

Niyad sami, is jaceyl, is maqal iyo kala dambeyn loo riyaaqo ayaa ka dhexeysa hawl wadeenada ku mataaneysan shaqadaasi taariiqiga ah, in ku dhaw 15-K.M ayaa haatan lagu guuleystay in la toosiyo lana falo isla markaana la dhigo adeeg walba oo lagama maarmaan u ah jid la yagleelayo, lugta koowaad (1) ee dhismaha waxaa lagu aflaxay in la sameeyo inta u dhaxeysa degaanada Gal-galato, Ceel cade illaa duleedka Cisaley Airport, qaab ahaan wadadaan oo loo sameynayo hanaan Caalami ah ayaa ruux walba qancin doonta.

Sida ku cad naqshada wadada la dhisayo waxay u ek tahay wadada loo yaqaano Soddonka (30) ee xiriirisa inta u dhaxeysa deegaanka Fagax ee Degmada Yaaqshiid illaa Dugsiga Taleex ee Degmada Hodon ee agaagarka Tarebuunka Magaalada Muqdisho, muuqaal ahaan wadadu waa labba jid oo is bar-bar socda, waxaana u dhaxeeya 10-mitir oo Maarshibiyeeedi ah, masaafo ahaan wadadu waa 560-k.m, si xor ah waxay u dhex mari doontaa xudunta Tuulooyinka iyo Degmooyinka beesha Muddulood, Magaalooyinka Warshiikh iyo Cadale oo xeebta dhaca waxaa loogu tala galay wadooyin ka farcamaya wadada weyn ee 30-ka.

Qorshaha dhaxal galka ah ee lagu faani karo waxaa ka mid ah in deegaan walba oo wadadu ay mari doonto in loo qodayo Ceel ay biyaha ka cabaan kana dhaaansadaan dad iyo duunyo waxii fursad u hela ceelashaasi, sidoo kale ku tala galku wuxuu yahay in 50-kii K.M-ba laga sameeyo Kaalin Shidaal oo ay ka qaataan gaadiidka wadadaasi isticmaalaya.

Si loo dhiiri galiyo xoogaga gacanta ku haya shaqooyinkasi loo bogay ayaa booqasho waxaa ugu tagey culumaa’udiin, abwaano yo wax garad aad u fara badan, hal doorkaasi ayaa aad ula dhacay una soo dhaweeyay sida xawliga leh ee ay shaqadu u socoto, iyagoo balan qaaday inay bulshada ku baraarujin doonaan siddii looga wada qeyb gali lahaa hawshaasi Qaran.

Amaan iyo bogaadin waxaa mudan Maamulka G/Banaadir, Rugta Ganacsiga iyo Samafalayaal Soomaaliyeed oo ku deeqay dhaqaalaha bilowga ah ee lagu socodsiinayo wadadaasi, soo dhaweyn iyo mahadnaq waxaa iyana leh jaaliyadaha dibadda ku dhaqan oo balan qaaday inay bixinayaan lacagaha ugu faraha badan ee ku baxaya jidkaasi, waa guul iyo sharaf cusub oo u soo hoyonaysa shacbiga Soomaaliyeed haddii la meel mariyo wadadaasi.

Wey fiicneyd intii Wadanka Soomaaliya horumarka uu sameynayay oo aheyd 1970-1985-kii in wadadaasi la hagaajiyo hase yeeshee wey ahaan weydey sabab kasta ha jirtee, amuur walba aminteeda ayay fushaa sidaasi daraadeed waqtigaan ayay noqotay in loo soo qalab qaato wadadaasi, muwaadin walba oo heybtiisu ay tahay Muddulood ah waxaa Waajib ku ah ka qeyb qaadashada jidkaasi, ruux kasta oo ku abtirsada beel weynta Hawiye waxaa isna Suno ku ah intii karaankiisa inuu gacan ka gaysto wadadaasi, shaqsi walba oo Soomaali ahna waxaa sharaf u ah inaanu ka harin dhismaha wadadaasi, si aan u wada faraxno balanteenu ha ahaato inaan u sara kacno dhismaha wadadaasi illeyn lama waarayee waxqabad wanaagsan hanaga haro.



waxaa qorey:–

C/llaahi xasan "Shiiqaaloow”

Email:- shiiqaaloow114@hotmail.ccom



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip