Macalimkii ugu horeeyay ee qorshahaan aqoonyahanada dibadda jooga gudaha Soomaaliya casharada uga bixinayaan kasoo dhex muuqda ayaa waxa uu noqday Dr. Warsame Xassan Cali oo wax ka dhiga jaamacada ku yaalla dalka Mareykanka.
Dr. Warsame Xassan Cali Shahaadada PHD ka diyaariyay electrical engineering ayaa waxa uu casharkii ugu horeeyay siiyay ardeyda sanadka 1-aad ee dhigta kulyadda Engineering and computer science ee Jaamacadda Soomaaliya (UNISO).
Gudoomiyaha Jaamacadda Soomaaliya (UNISO), Dr. Ismaaciil Cali Siyaad, ayaa waxa uu yiri, "Jaamacadda Soomaaliya waxa ay bilaawday in aqoonyahannada Soomaaliyeed, ee dibadda Jooga kuwaas oo aan helin fursad ay dalka wax ka dhigaan cilmigoodana ula wadaagaan Soomaalida u baahan, in ay fursad u siiyaan in iayaga oo halkooda jooga ay cilmigooda Soomaalida la wadaagaan”.
Waxa uu intaa raaciyay, "Waan sii wadeynaa Howsha aan aqoonyahannadaasi ugu soo xireyno Jaamacadda Soomaaliya si ay ardeydeenna uga faa’iideestaan cilmigooda”.
Ardeydii ugu horeysay ee ka faa’iideysata Dr. Warsame oo qaatay cashar ciwaankiisu ahaa, "Qiimaha Computer science” ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin fursadda ay siisay madaxda sare ee jaamacadda Soomaaliya, waxa ayna ku baaqeen in lasii joogteeyo qorshahaan si aqoonyahannada kale ee dibad joogga ah iyana loogu soo xiro jaamacadda si aqoonyahan waliba qibradda ku duugan uu uga faa’iideeyo jiilka waxbarashada ku jira ee Soomaaliyeed.
Jaamacadda Somalia oo bilawday in Macalimiin dibadda Joogta ay casharro si toos ah uga bixiyaan(Sawiro)
Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) oo kamid ah hey'adaha waxbarashada sare ee ugu waaweyn dalka oo dhan ayaa waxa ay ku guuleysatay in macalimiin dalka ka maqan ay ardeydeeda casharro si toos ah u siiyaan.