Siyaad Bare: "Dadka waxaan sameynaya haddaan anigu tago gadaasheey waxay u furfuran doonaan sida tusbax go'ay oo kale"

0
Friday October 23, 2020 - 18:08:36 in Wararka by
  • Visits: 343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaad Bare: "Dadka waxaan sameynaya haddaan anigu tago gadaasheey waxay u furfuran doonaan sida tusbax go'ay oo kale"

    Prof. Cali Jimcaale oo wax ka dhiga Jaamacadda City University ee magaallada New York ee Mareykanka, horena saaxiib dhow ula ahaa Madaxwynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre ayaa waxa uu VOA-da u sheegay in hadda ka hor sanadku markuu ahaa 1

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Prof. Cali Jimcaale oo wax ka dhiga Jaamacadda City University ee magaallada New York ee Mareykanka, horena saaxiib dhow ula ahaa Madaxwynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre ayaa waxa uu VOA-da u sheegay in hadda ka hor sanadku markuu ahaa 1982-kii, isagoo maalin barqo ah Villa Somalia kula sheekeysansa Siyaad Barre uu Madaxtooyada soo galay General aysan isku qabiil ahayn Jaalle Siyaad, daqiiqado kaddib waxaa ilaalladii Madaxtooyada ay rasaas ku fureen Generalkii baabuurkiisii, hadde waa madaxtooyada gudaheeda, markaa baa waxaa soo baxay siyaad oo ciidammadii amray inay xabad dambi ridin, isagoo xaaladdiinna qaboojiyay. Xoogaa kaddib ayuu soo laabtay Madaxweynihii, kaddibna waxay sheekadii sii wateen Prof. Cali Jimcaale, markaas ayuu Siyaad Barre yiri "Dadka waxaan sameynaya haddaan anigu tago gadaasheey waxay u furfuran doonaan sida tusbax go'ay oo kale". Xilligaas waxaa meelo ka mid ah Cabudwaaq iyo Gaalkacyo ka dhacayay dagaal beeleedyo, iyadoo Jabhado hubeysanna ay mararka qaar gudaha dalka ay iska hor imaadyo ka sameynayeen. Ninkii hadalkaa uu Siyaad Barre ku yiri baan anna saakay isagoo ka sheekeynaya dhegtayda ku dhegeystay].




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip