Xiriirka Kubadda Cagta Aduunka eeFIFA oo aqoonsato garoonka Stadium Muqdisho

0
Friday October 16, 2020 - 19:27:38 in Wararka by
  • Visits: 1755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiriirka Kubadda Cagta Aduunka eeFIFA oo aqoonsato garoonka Stadium Muqdisho

    Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa garoonka kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium ee dhawaan la dayac tiray u aqoonsatay garoon caalami ah kaddib markii sida uu xiriirkaasi sheegay lagu qancay tayada cawska macmalka ah ee yaalla garoonkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa garoonka kubadda Cagta ee Muqdisho Stadium ee dhawaan la dayac tiray u aqoonsatay garoon caalami ah kaddib markii sida uu xiriirkaasi sheegay lagu qancay tayada cawska macmalka ah ee yaalla garoonkaasi.




FIFA ayaa sheegtay in tayada cawska yaalla garoonka muqdisho Stadium uu gaarsiisan yahay heerka caalamiga ah ee garoomada kubadda cagta ee adduunka, taas oo ka dhigan in garoonkaasi lagu qaban karo ciyaaro caalami ah muddo sanad ah.

 

Guddoomiyaha xiriirka kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ah ee BBC ayaa sheegay in FIFA ay guddoonsiisay garoonka Muqdisho shahaado muujineyso in uu waafaqsan yahay nidaamka kubadda cagta ee caalamiga ah.

"Wuxuu garoonkeena ku guuleystay in lagu qaban karo ciyaaraha caalamiga ah ee kubadda cagta haddey noqon laheyd kuwa FIFA ay qabanqaabiso ama haddii ay noqon laheyd kuwa qaaradda Afrikaba”

Xulka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa ku dheeli doonaa garoonka Muqdisho maadama markii hore ay ku dheeli jireen garoomada ku yaalla Jabuuti xilliyada ay socdaan ciyaaraha caalamiga ah.

 

"Soomaaliya waxay usoo gudubtay in aan abaabulan karno ciyaaraheeni aan ku cayaari jirnay waddanka Jabuuti in aan dalkeeni ku ciyaari karno, waana wax caadi ah oo waddamada markii ay garoomada dhigtaan cawska macmalka ah ay FIFA u ansixiso in uu leeyahay tayadii loogu talagalay” ayuu yiri Cabdiqani Siciid Carab.

Wuxuu sheegay in garoonka haatan uu leeyahay qalab gaar ah oo loogu talagalay dayactirka iyo ilaalinta bilicdiisa.

"Garoonka hadda wuxuu leeyahay qalab lagu dayactiro laguna ilaaliyo nadaafaddiisa loogana hortagga in garoonka wax dhibaata ah aysan gaarin, garoonka wuxuu kaloo leeyahay qalab qabboojiye ah oo ay biyo ku jiraan oo xilliyada kuleelaha logu talagalay in lagu waraabiyo garoonka..markaa qalabkiisa wuu dhameystiran yahay waxaana loo tababaray shaqaale oo xirfaddaas la baray "



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip