Dowladda oo ka digtay in la siyaasadeeyo wiilkii ay Ciidanka Amisom ku dileen Garoonka Stadium Muqdisho

0
Sunday October 04, 2015 - 10:47:35 in Wararka by
  • Visits: 850
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo ka digtay in la siyaasadeeyo wiilkii ay Ciidanka Amisom ku dileen Garoonka Stadium Muqdisho

    Dowladda Somaliya, ayaa waxay ka digtay in la siyaasadeeyo dilka wiilkii yaraa ay Ciidanka Amisom ugu gaysteen Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay Dowladdu u xil saartay guddi soo baara.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Somaliya, ayaa waxay ka digtay in la siyaasadeeyo dilka wiilkii yaraa ay Ciidanka Amisom ugu gaysteen Magaalada Muqdisho, isla-markaana ay Dowladdu u xil saartay guddi soo baara. Wiilkan oo 14 sano jir ahaa, ayaa ka mid ahaa dhalinyaro kubadda cagta ku ciyaareysay afaafka hore ee Garoonka Stadium Muqdisho. Waxaana 27-kii bishii hore ee September toogasho ku dilay askari ka tirsan Amisom, xilli kubad kaga dhacday daafaca hore ee Amisom uu ka soo qabanaayay.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa shaaca ka qaaday in dilkaasi ay u saareen guddi ka kooban shan xubnood oo soo baara.

"Waxaa u saarnay guddi soo baara dilkan, waxaana u xilsaarnay guddi ka kooban shan qof oo sameeya baaritan dhab ah, guddiga Axada ayay si rasmi ah u hawl bilaabi doonaan, in loo cadaalad falo wiilka dhintay iyo reerka uu ka baxay, waa mid waajib ah oo na saaran, marka xukuumadda gacan ayay ka geysaneysaa sidii muwaadiniinta ay xuquuqdooda u heli lahaayen.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka, ayaa wuxuu ka digay in la siyaasadeeyo dilka wiilkaasi, arrintaasina faraha looga qaado Dowladda, maadaama sida uu sheegay ay u xil saartay koox guddi ah oo ka soo baarta, qaabkii uu u dhacay.

"Dilka wiilka looma baahno in la siyaasadeeyo sida ay sameeyen dadka qaar. Dowladda ayaa la xisaabtamaysa cidii dhibaatada gaysata, waxaana ka war sugeynaa guddiga shaqada bilaabaya Axada.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka oo uu la socday Taliyaha Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka, C/raxmaan Maxamed Tuuryare, ayaa gelinkii dambe ee shalay booqasho ugu tagey qoyska wiilkaasi.

Siyaasiyiinta Magaalada Muqdisho, ayaa Jimcihii bannaanbax ka dhan ah dilkaasi ku qabtay Magaalada Muqdisho, iyagoona ku dalbanaayay in Cadaaladda la horkeeno askarigii Amisom ee dilka gaystay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip