Maxaa ka cusub heshiiska ay kooxda Real Madrid ku dooneysay Kylian Mbappé??

0
Tuesday October 13, 2020 - 20:13:14 in Wararka by
  • Visits: 1186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka cusub heshiiska ay kooxda Real Madrid ku dooneysay Kylian Mbappé??

    (Yurub) 13 Okt 2020. Sida ay shaaca ka qaadeen wararka ka imaanaya gudaha dalka Spain, waxaa horumar cusub laga soo sheegayaa wararka Kylian Mbappé la xiriirinaya kooxda Real Madrid. Sida laga soo xigtay barnaamijka caanka ah "Chiringu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Yurub) 13 Okt 2020. Sida ay shaaca ka qaadeen wararka ka imaanaya gudaha dalka Spain, waxaa horumar cusub laga soo sheegayaa wararka Kylian Mbappé la xiriirinaya kooxda Real Madrid. Sida laga soo xigtay barnaamijka caanka ah "Chiringuito" ee dalka Spain maamulka kooxda Paris Saint-Germain ayaa waxay qorsheynayaan inay weydiistaa dhigooda Real Madrid inay qeyb kaga dhigaan Thibaut Courtois heshiiska ay ku doonayaan Kylian Mbappé, xagaaga soo aadan. Qandaraaska Mbappé ee kooxda Paris Saint-Germain ayaa dhacaya xagaaga 2022, laakiin ciyaaryahanka reer France ayaa diiday dhammaan iskudayada ay PSG ku dooneyso inay ku cusbooneysiiso qandaraaska. Dhowr warbixin oo dalka Spain ah ayaa lagu sheegay in Real Madrid ay si xoogan ugu dhaqaaqi doonto saxiixa Mbappé xagaaga soo socda, hal sano ka hor inta uusan qandaraaskiisa kooxda Paris Saint-Germain dhicin. Kylian Mbappé waa mid ka mid ah bar-tilmaameedyada ugu muhiimsan tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane, si uu ugu xoojisto weerarka Los Blancos, laga bilaabo xilli ciyaareedka soo socda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip