Real Madrid vs Barcelona: Goorma ayaa la ciyaari doonaa kulanka koowaad ee El Clasico kal ciyaareedkan?

0
Tuesday October 13, 2020 - 20:06:56 in Wararka by
  • Visits: 1085
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid vs Barcelona: Goorma ayaa la ciyaari doonaa kulanka koowaad ee El Clasico kal ciyaareedkan?

    (Madrid) 13 Okt 2020. Waxaa la shaaciyey Saacadda iyo taariikhda la dheeli doono kulanka koowaad ee El Clasico oo ay foodda is gelin doonaan Kooxda Real Madrid iyo Barcelona. Waa kulanka ugu horreeya ee El Clasico oo ay kal ciyaareedkan ku kulmi d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(Madrid) 13 Okt 2020. Waxaa la shaaciyey Saacadda iyo taariikhda la dheeli doono kulanka koowaad ee El Clasico oo ay foodda is gelin doonaan Kooxda Real Madrid iyo Barcelona. Waa kulanka ugu horreeya ee El Clasico oo ay kal ciyaareedkan ku kulmi doonaan kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, kulankan ayayna taageerayaashu daawashadiisa dhammaysan doonaan iyadoo ay maalin tahay. Maamulka horyaalka La Liga ayaa shaaciyey in kulanka koowaad ee El Clasico uu Barcelona iyo Real Madrid dhex mari doono maalinta Sabtida ah ee ku beegan 24-ka bishan October, waana isla saddex maalmood kaddib marka ay soo dheelaan kulammadooda koobka Horyaallada Yurub ee Champions League. Waxa ay taasi ka dhigan tahay inay waqti kooban u haystaan inay isku diyaariyaan kulankan xifaaltankiisu adag yahay ee El Clasico. Waxa kulankani noqon doonaa kii ugu horreeyey ee ay isaga horyimaadaan labada tababare ee Ronald Koeman iyo Zinedine Zidane, waxaana uu ka dhici doonaa garoonka Camp Nou, Barcelona ayaana marti gelin doona kooxda ka dhisan caasimadda Spain. Maamulka La Liga inkastoo uusan si buuxda u xaqiijin saacadda la baasan doono kulanka El Clasico ayaa haddana warbaahinta dalka Spain waxa ay warinayaan in kulankan uu bilaaban doono marka ay saacadda UK 3:00pm, taasoo ka dhigan in kulankan uu baasmi doono 5:00 galabnimo xilliga geeska Afrika. Markii ugu dambeysay oo ay labadaan kooxood kulmaan waxa ay ahayd bishii Maarso markaasoo ay Real Madrid ku adkaatay 2-0, isla markaana ay horyaalka ku guuleysatay kal ciyaareedkaas.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip