WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO ARBACO 16-KA MAARSO 2016-KA

0
Wednesday March 16, 2016 - 09:25:13 in Wararka by
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO ARBACO 16-KA MAARSO 2016-KA

    RA'IISUL WASAARE CUMAR IYO WAFDI UU HOGAAMINAYO OO GAARAY TALYAANIGA Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray dalka Talyaaniga, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RA'IISUL WASAARE CUMAR IYO WAFDI UU HOGAAMINAYO OO GAARAY TALYAANIGA Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray dalka Talyaaniga, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas'uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.

Ujeedka socdaalka Ra’iisul wasaaraha ayaa ah sidii uu kulamo ula qaadan lahaa madaxda dalka Talyaaniga, kuwaasi oo uu kala hadli doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo arrimo kale oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdiga la socda waxa ay warbixin ka dhageysteen safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga oo ka warbixiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Talyaaniga ku nool.

SHIR KU SAABSAN HANAANKA LOO MARAYO DHISIDDA DOWLADAHA HOOSE OO KA FURMAY MUQDISHO

Shir ku saabsan hanaanka loo marayo dhisidda dowladaha hoose oo ka furmay Muqdisho

Kulankan wada tashiga ah ee looga hadlayay hanaanka loo marayo dhisidda dowladaha Hoose iyo la xisaabtanka hay’adaha heer maamul oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa waxaa ka qeyb galay Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha,Wasiirro, Xildhibaanno, xubno ka socday dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo Maamulada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo ka furmay Muqdisho.

Shirka oo socon doono muddo shan cisho ah ayaa waxaa lagu fala qeyn doonaa hanaanka Qaran ee loo marayo dhisidda dowladaha Hoose iyo sidii bulshada loo gaarsiin lahaa adeegyada dowladnimo.

Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Somaaliya Prof Yaxye Cali Ibraahim oo ugu horeyn ka hadlay kulanka ayaa sheegay in muddada uu socda shirka diiradda lagu saari doono qodobo aas aasi u ah nidaamka dowladaha Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ergada ka qeyb galaysa shirka ku soo dhaweeyay caasimadda, isagoo xusay in marka uu dhamaado shirkan uu kulan soo dhaweyn ah u sameyn doono.

Wasiiru dowladaha arrimaha gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa ka qeyb galayaasha kula dar daarmay in muddada uu socdo shirka ay tallooyin ku darsadaan qabyo qoraalka ku saabsan dhisidda dowladaha Hoose ee halkudhigiisu yahay "Wadajir”.

Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Jaamacad Ilkajiir oo furey shirka ayaa sheegay in dowladnimadu ay lafdhabar u tahay in la helo dowlado hoose oo awood leh, isla markaana daboola baahiyaha ay bulshada qabaan.

QARJAB "DOWLADDA FEDERAALKA GACAN AYAY KU LEEDAHAY DUULAANKA XEEBAHA PUNTLAND”

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, kadib shir deg deg ah oo uu shir guddoominayay Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa ka hadlay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira deegaanada xeebaha Puntland, halkaasoo saacadihii la soo dhaafay ay gaareen dagaalyahano ka tirsan AlShabaab.

"Arrimaha ka dhacaya Puntland 24kii saac ee la soo dhaafay ayaa laga hadlay, waa ogtihiin Puntland waxay muddo dheer dagaal kula jirtay Argagixisada nooc kasta ha ahaadaane iyo cid kasta oo isku dayda oo wax u dhimeysa jiritaanka Puntland”ayuu Wasiirka Amniga Puntland ku bilaabay hadalkiisa.

Mr Qarjab ayaa sheegay in weerar lagaga soo qaaday Koofurta Soomaaliya oo ay kaga soo duuleen AlShabaab sida uu yiri.

"Dadka nagu soo duulay waxay soo mareen Hobyo, Xarardheere illaa wadada dheer ee Badda iyo Bariga, abaabulkaas dowladda Soomaaliya kama madax banaana, gacan ayay ku leedahay soo duulitaanka Puntland”ayuu yiri Wasiirka Amniga Puntland.

Waxaa uu sheegay in arrintan ay la xiriirto diidmadii Puntland ee nidaamka 4.5, isla markaana la doonayo in caqabad la geliyo.

Wasiirka Amniga Puntland ayaa ugu baaqay shacabka deegaanada Puntland inay u diyaar garoobaan sidii ay u difaaci lahaayeen deegaanadooda, isagoo xusay in Madaxda Puntland ay hogaamin doonaan.

Dagaalyahano ka tirsan AlShabaab oo doomo watay ayaa soo gaaray deegaanada Garacad iyo Garmaal oo ka tirsan Gobolada Mudug iyo Nugaal, iyadoo saacadihii u dambeeyay ay doomo hor leh gaareen deegaanadaas.

QARAX GAARI OO KA DHACAY MAGAALADA BERLIN EE DALKA JARMALKA

Qarax gaari ayaa ka dhacay magaalada Berlin ee caasimada Jarmalka, kaasoo uu hal qof oo ahaa darawalkii gaariga uu ku geeriyooday.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay degmada waqooyiga ku taala ee Charlottenburg, waxaana gaariga uu ku soo jeeday bartamaha magaalada.

Booliska ayaa dadka u sheegay inay ka fogaadaan goobta uu ka dhacay qaraxa, sidoo kale waxaa dadka lagu wargeliyay in aysan guryahooda soo dhaafin oo ay daaqadaha guryahooda xiraan.

Waxaa soconaya baaritaan, waxaana saraakiisha booliska ay sheegeen in aanay jirin qatar muujineysa inay dhici karaan qaraxyo dheeraad ah.

Lama sheegin in qaraxan uu ku lug leeyahay fal argagixiso, hase yeeshee, waxaa baaritaan lagu hayaa qofka ku dhintay qaraxa gaari ee ka dhacay Berlin.

Jarmalka ayaa horay heegan u geliyay ciidamadiisa, kadib weeraradii bishii November ee sanadkii hore ka dhacay magaalada Paris ee dalka Faransiiska, kaasoo lagu dilay dad ka badan 100 ruux.

 

DOWLADA RAASHKA OO BILOWDAY SHALAY IN CIIDAN KEEDA AY KALA BAXDO SYRIA

Ka dib markii madaxweynaha dalka raasha ee faladamiir butin uu amar ku bixiyey in ciidankiisa jooga dalka Syria ay sida uga dhaqsiyaha badan kaga soo baaxaan dalkaasi ayaa shalay ciidanka raashka ee jooga Syria waxaa ay bilaabeen dhaq dhaqaaqyo ay kaga baxayaan dalkaasi.

Diyaaradii ugu horeysay ee ciidankaasi qaadi laheyd ayaa cutubyo ka tirsan ciidanka raashka ee jooga Syria qaaday shalay.

Ciidanka ayaa laga qaaday dhanka galbeedka ee dalka Syria oo fariisimo military ay kula haayeen Ciidamada Russia oo mudooyinkii dambe dagaalo xoogan kula jiray kooxda Daacish.

Danjiraha qaramada midoobe ee dalka Syria u qaabilsan ayaa soo dhaweeyey shalay go’aanka ay ciidanka raashka kaga baxeen dalka Syria.

Ciidanka raashka oo caawinaya dowlada madaxweyne bishaar al asad ayaa duqeyn ka bilaabay dalka Syria bishii September ee sanadkii dhamaaday ee 2015kii.

Dalka swezerland ayaa waxaa wada hadalo ay kaga sodaan dhinacyada dalka Syria isku haya.

Muddo ku dhaw 5 sano ayaa colaado ay ka jiraan dalka Syria qeybo badan.

WASIIRU DOWLAHA CUSUB EE WASAARADDA TAMARTA OO SHALAY XILKA LOO DHAARIYAY..

Wasiiru dowlaha cusub ee Wasaaradda Tamarta iyo biyaha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sahra Cabdulqaadir Cabdiraxmaan ayaa shalay loo dhaariyey xilkaasi, waxaana ka qayb galay munaasabadda lagu dharinayey Guddoomiyeha Maxkamadda sare ee dalka, Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamanka Soomaaliya ahna ku simaha guddoomi yaha golaha shacabka, Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan barlamanka Feederaalka .

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Abuukate Caydiid Cabdulahi IlkaXanaf ayaa dhaariyey Wasiirudowlaha Wasaaradda biyaha iyo korontada ee uu magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Soomaaliya isla markaana uu aqbalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Kusimaha guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiye ku xigeenka labaad barlamanaka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Marwo Sahra Cabduqaadir ugu hambalyeeyey xilka cusub ee loo dhiibay kuna bogaadiyay inay gudato waajibaadka loo idmaday.

Sahra Cabdulqaadir Cabdirahmaan oo loo dhaariyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ayaa ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxa ayna ka mid ahayd ilaa dhismihii dowladihii KMG ahayd ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti, iyadoo xilal kale duwan ka soo qabatay Xukumadihii dalka soo maray.

SHAQAALE U SHAQEYNAYAY HAY’AD SAMAFAL OO AFDUUB LOO GEYSTAY

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in shaq aale hay’ad samafal u shaqeynayay laga afduubtay deegaanka Siidamo oo qiyaastii 55km u jira deegaanka Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo.

Rag hubeysan oo loo maleenayay in ay ka tirsan yihiin ururka Alshabaab ayaa la soo sheegayaa in shaqaalahan hay’ada samafalka ay afduubteen.

Inakstoo ilaa iyo hada aysan cadeyn hay’ada ay u shaqenayeen shaqaalaha la afduubtay.

Saddex ruux oo u shaqeynayay hay’ad samafal iyo daroowalkoodii ayaa la sheegayaa in ay gacanta u galeeen kooxaha hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin ururka Alshabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku sugan degmada Baardheere in ragan ay afduubteen shaqaalahaasi u shaqeynayay hay’ad samafal.

27 December 2015 ayaa Alshabaab waxa ay afduubteen shaqaale u shaqeynayay urur samafal oo wadani ah.

Ilaa iyo hada lama oga Saddexdan ruux iyo daroowalkoodii halka lala aaday.

PUNTLAND: "DOWLADDA FEDERALKA AYAA KA DAMBEYSO ALSHABAABKA KU SII QULQULAYO PUNTLAND”

Wasiirka Ammaanka ee Puntland, Cabdi Xersi Cali "Qarjab” ayaa sheegay inay Dowladda Federalka ku lug leedahay Alshabaabka ku soo jabay Deegaano ka tirsan Puntland.

Wasiirka ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalladda Garowe, kadib, markii ay Golaha Wasiiradda ee Puntland yeesheen Kulan Degdeg ah oo looga hadlayey Alshabaab soo gaaray Deegaanka Garacad ee Gobalka Mudug.

"Dowladda Federalka ayaa la dhihi karaa wey ka dambeeysaa arrintaa, kadib, markii ay Puntland diideen Awoodqeybsiga 4.5 ee aan sharciga ahayn” ayuu yiri Wasiir Qarjab oo tilmaamay inay Alshabaab ka soo gudbeen qeybo ku yaalla Goballadda Koonfurta.

Hadalkiisa ayaa laga dareemayaa inay Maamulka Puntland Siyaasadeynayaan Duullaanka Alshabaab, kana dhigeen inay jaal yihiin Dowladda Federalka iyo Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Hadalka Wasiirka Ammaanka Puntlandayaa u muuqda mid lagu sii ololinayo Khilaafka dhinaca Aragtida ee kala dhexeeyo Dowladda Federalka, mana soo bandhigin wax caddaymo oo uu ku xoojin karo Eeedeymahaasi.

CORD OO KU BAAQDAY IN DIB LOO QIIMEEYO ISTARAATIJIYADDA CIIDDANKA KDF EE KU SUGAN SOMALIA.

Laguddoomiyaha Isbahaysiga Siyaasadda CORD ee dalka Kenya, Moses Wetang’ula ayaa ugu baaqay Dowladda Kenya inay dib u qiimeyn ku samayso Hawlgala Difaac Dalkaaga "Lind Nchi” iyo Ciiddamadda Kenya ee ku sugan Somalia.

Wetang’ula ayaa hadalkaasi ka sheegay Kulan ka dhacay Degmadda Kakamega, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in Dibuhabayn lagu sameeyo Hawlgalka ay Ciiddanka Kenya ka wadaan Somalia.

"Waxaan doonaynaa in dib loo eego Istarataajiyadda aan ka leenahay Somalia, lana casriyeeyo Hawlgalka Linda Nchi, si loo badbaadiyo Xuduudaheenna iyo Midnimadda Kenya” ayuu yiri Wetang’ula.

Dhinaca kale, Hoggaamiyahaasi ka tirsan Isbahaysiga Mucaaradka ee CORD waxa uu ku booriyey Dowladda Kenya inay soo daabacaan magacyadda Askarta Kenyanka ee ay Alshabaab ku dileen Weerarkii bartamihii bishii Janaayo ka dhacay Deegaanka Ceelcadde ee Gobalka Gedo.

Dowladda Kenya ayaa ka cagajiidaysa inay si rasmi ahaan u shaaciyaan Khasaarada Ciiddankooda ka soo gaaray Weerarkii Ceelcadde, kaasi oo lagu tilmaamo inuu ahaa Khasaarihii ugu xumaa ee Askarta Kenya hal maalin ka soo gaaray Jiidda Dagaalka.

Alshabaab waxay horey u sheegeen inay weerarkaasi ku dileen in ka badan 100Askari, inkastoo ay Saraakiisha Milliteriga Kenya beeniyeen sheegashadaasi.

TALISKA AMISOM EE SOOMALIYA OO SHEEGAY IN AY BILAABI DOONAAN HOWLGALLADA KA DHANKA AH ALSHABAAB

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madax howlgalka AMISOM Danjire Francisco Caetano Jose Madeira ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta AMSIOM ee Xalane ee Magalada Muqdisho ayaa ka hadlay howlgalada lagula wareegay deegaanada hoos yimaada Gobolka Shabeelaha dhexe.

Danjire Francisco Caetano Jose Madeira ayaa sheegay in ciidamada dowlada Soomaliya iyo kuwa Midowga africa ee amisom ay ku guuleysteen in qaar kamid ah deeganada Shabeelaha dhexe ay ka saaraan Ciidamada alshabaab oo muddo maamulayay deegaanadaas.

"Anaga iyo ciidanka Qaranka Soomaaliya waxaan gaarnay guulo la taaban karo howlgalkii aan ka sameynay magaalooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana dib u sii riixnay AlShabaaab, waana sii wadaynaa ilaa ay ka dhameystirno ayuu yiri Danjire Francisco Caetano Jose Madeira. Dhanka kale Danjire Francisco Caetano Jose Madeira ayaa sheegay go’aamadii kasoo baxay shirkii lagu soo gabagabeeyay Magaalada djabuuti uu muhiimad gaar ah u leeyihiin howlgalka midowga Africa ee amisom.

Danjire Francisco Caetano Jose Madeira ayaa dhanka kale bogaadiyay wadashaqeynta ka dhaxeysa ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom isagoo intaa ku daray in amniga uu yahay ahmiyadda koowaad ee dalka.

MAXKAMAD KU TAAL BELJIMKA OO XABSI KU XUKUNTAY AFWEYNE IYO TIICEY

Wararka ka imanaya dalka Beljimka ayaa sheegaya in Maxamed Cabdi Xasan oo ku magac dheer Afweyne lagu xukumay xabsi gaaraya 20 sano kadib markii lagu helay dambi ah burca badeednimo.

Maxkamada la soo taagay Maxamed Cabdi Afweyne oo ah 58 sano jir kuna xirnaa dalka Beljimka muddo saddex sano ah ayaa ku eedeysay inuu hogaaminayay koox burcad badeed ah oo afduubatay markabka Pompei xili uu marayay xeebaha Soomaaliya.ay la socdeen shaqaalo dalkaasi u dhashay sanadkii 2009kii.

Wararka ayaa sheegaya in Afweyne sidoo kale lagu helay dambi ah inuu sameeyay jirdil loo geystay shaqaalaha markabka. Markabka lagu magacaabo Pompei oo ay la socdeen 10 xubnood oo badmaaxiin ah ayaa afduub ahaan loogu heystay Soomaaliya inka badan 70 maalmin, waxaana lagu sii daayay madax furasho gaareysa 2 milyan oo dollar.

Maxkamada ayaa sheegtay in Afweyne uu racfaan ka qaadan karo xukunka, waxaana sidoo kale lagu amray inuu bixiyo 20,000 oo Yuuro oo la siinayo qoyska kabtanka markabka waday.

Sidoo kale waxaa xabsi shan sano ah lagu xukumay Maxamed Cabdulaahi Aadan Tiiceey madaxweynihii hore ee Ximan iyo Xeeb, kadib markii lagu eedeeyay inuu door ku lahaa arimaha burcad badeednimada, balse waxaa u dhamaaday waqtiga lagu xukumay marka loo eego seddex sano oo uu ku xirnaa dalka Belgiumka.

Maxamed Cabdi Xasan iyo Maxamed Cabdullahi Aadan ayaa iskood u tegey dalka Beljimka kadib markii lagula heshiiyay in uu Maxamed Cabdullahi Afweyne uu ka qeybgalo jilida filim burcad badeednimo oo lacag badan lagu siinayo.

MAAMULKA DEGMADA BARDAALE OO CODSADAY IN LAGA CAAWIYO DHANKA ADEEGYADA CAAFIMAADKA

Hoos u dhac dhinaca adeega Caafimaadka ayaa ka jira degmada Bardaale ee gobolka Bay. iyada oo Maamulka degmada uu baaq u diray Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha

Guddoomiyaha degmada Bardaale, Weedoow Cali Xassan oo la hadlay radio Muqdisho ayaa sheegay in degmada aysan ka jirin xarumo caafimaad oo lagu daryeelo bukaanka, sidoo kalana ay ka jirto dawo yari.

Weedoow Cali Xasan ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha samafalka inay ka caawiyaan Maamulka sidii Dadka loogu heli lahaa adeegyo caafimaad oo dhameystiran.

Guddoomiyaha degmada Bardaale ayaa sheegay in Maamulka uu ku guuleystay muddada 6da bilood ee uu jiro ammaanka magaalada iyo in dadka ay helaan biyo nadiif ah, isa goo shacabka ku booriyay inay sii labo jibaaraan la shaqeynta maamulka iyo hay’adah ammaanka.

4 sano ka hor ayey ahayd markii Ciidamada xoogga Dalka ay kala wareegeen maleeshiy ada AlShabaab Degmada Bardaale.

TAHNIYAD AROOS CAWA IYO AYAAN LEH

Hooyo Aamino Maxamed Macow Hooyo Seeynab C/llaahi Xuseen Aabe Xasan cusmaan Cali Abti Cali Maxamed Macow,Aboowe C/Raxmaan Axmed Abuukar,Aboowe Nuur Axmed abuukar,Aboowe Maxamuud Axmed Abuukar,Aboowe Maxamed Axmed Abuukar,Abaayo Faadumo axmed abuukarAxmed AbuukarAbaayo Yusro Axmed Abuukar,Abaayo Xamdi Axmed Abuukar,Abaayo Farxiyo Cali Garasoow,Abaayo Aamino Cali Qasaay,Aboowe Xasan Yuusuf Maxamed,Aboowe Muuse Yuusuf Maxamed,Aboowe Cumar Yuusuf Maxamed,Aboowe C/raxmaan Yuusuf Mmaxamed

, Aboowe xmedYyuusufMmaxamed,AbooweCc/llaahi Yuusuf Maxamed,Aboowe Cismaan Yuusuf Maxamed,Axmed C/qaadiC Gaawana,Yuusuf Maxamed Cali,Yuusuf Maxamed Maxamuud,Maxamed C/raxmaan Cali,C/raxmaan Cali Warsame,C/llaahi Cali Dhaqane,C/casiis Baddal,Abaayo Nuurto Cismaan Culusoow ,Abaayo Maryan Geedi Xasan,Abaayo deeqo xasan Cismaan ,Abaayo Sacdiyo Xasan Cismaan,Nadiifo Cismaan Maxamed,Xamdi Cismaan Maxamed,Farxiyo Muuse Muxudiin,Fartuun Muuse Muxudiin,C/salaan Muuse Muxudiin,Aadan Muuse Muxudiin,Maxamed Muuse Muxudiin, Xaawo Muuse Muxudiin,Aamino Muuse Muxudiin,Hani Maxamed Maxamuud,Fardowsa Xasan Macloow,Cismaan Xasan Macloow,Fowsiyo Shiikh Xasan , Axmed C/naasir Cali ,Yusro C/naasir Cali,Xasan C/naasir Cali,C/raxmaan C/naasir Cali,Yasmiin C/naasir Cali,Kheerto Cali Maxamed,C/Najiib Axmed C/qaadir,Nuur Axmed C/qaadir,Madiino Axmed C/qaadir,Deeqo luul Axmed C/qaadir,C/risaaq Axmed C/qaadir iyo Caddeey Cali Ciise Dhammaan Dadkaani waxeyTAHNIYO AROOSKAu DirayaanAROOSKAIYO AROOSADAkala ah:- {C/LLAAHI XASAN CISMAAN IYO FARTUUN AXMED ABUUKAR}oo dhawaan ku aqal galay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafadda Gaawo Godeey ee Dagmadda Dharkeynleey waxeyna leeyihii Alle ha Idinka Dhigo kuwii kala hello Ubad Qeyr Qabo Aamiin Aamiin Aamiin

 

BOGGA CAYAARAHA

GOORMUU ISAGA TAGI DOONAA XULKA ITALY MACALINKA HAATAN MAAMULA EE ANTONIO CONTE.? XILLI LA HADAL HAYO IN UU U WAREEGI DOONO KOOXDA CHELSEA.

Madaxweyanaha xiririka kubada Cagta Talayaaniga Carlo Tavecchio ayaa ku dhawaaqay in Macalinka Xulka Talyaniga ee Antonio Conte uu bixi doono Marka uu dhamaado Koobka qaramada qaaarada yurub.

Carlo Tavecchio ayaa siddan saxaafadda u sheegay: "Waxaan Xaqiijinayaa in Macalinka Xulka Talyaaniga Xiligaan uu bixi doono Marka uu dhamaado Koobka qaramada qaarada yurub Waxaanan u malaynayaa ayuu yiri in uu aadi doono Kooxda Chelsea oo uu heshiis lagalay.Conte

Antonio Conte ayaa horay loo sheegay in uu Chelsea Wareegi doono Marka lagaaro 14 ka Bisha July isaga oo heshiis rasmi ah lagalay Chelsea oo Xiliga dambe uu la Wareegi doono.

WARBIXIN: KADIB MARKII AY MADRID XILI CIYAAREEDKEEDII LABAAD GASHAY DHIBAATO AAN KALA JOOHSI LAHEYN MAXAA SABAB U AH KALA DAADASHADA LOS BLANCOS

Kadib ku guuleysigii La Decima Real Madrid ayaa kala daadatay waxayna waayeen wadada guulaha iyadoo kooxda noqotay mid aan dabo qabad laheyn, hadaba maxaa u sabab ah fashilka Real Madrid ee xili ciyaareedkaan I yi kii ka horeeyay ?

1. Abaal La’aan

Florentino Perez ayaana wax axsaan ah u falin maclainkii ugu guuleyay kooxda koobkii ay tobanka sano sugayeen ee Carlo Ancelotti wuxuuna ku badalay ninka haatan Newcastle haya ee Rafa Benitez, inyar kadibna wuxuu baray wadada waxaana badalay Zinedine Zidane. Laakin kaliya ma aha Carlo waxa dhibka uu gaaray ee sagaal kamid ah xidigihii koobkaas ku guuleystay ayaa kooxda laga iibiyay ama laga diray waxayna kala yihiin Casiilas, Di Maria, Khadiera, Morata, Xabi Alonso, Diego Lopez, Fábio Coentrão, Asier Illarramendi, waxaana badalay Keylor, Casilla, James, Kovacic, Danilo halka uu mooxda dib ugu soo laabtay Lucas Vazquez sidoo kale Casemiro oo kooxdaas kamid ahaa ayaa baxay hadana soo laabtay.

2. Qalalaasaha qolka Labiska

Waxaa jiray murano soo laalaabtay oo qolka labiska ah oo ay ku lug lahaayeen ciyaartooyda waa weyn e kooxda qaarkood, waxaa kamid aha xafladii muranka dhalisay ee dhalashada Cristiano Ronaldo, murankii qandaraaska ee Sergio Ramos iyo saameyntii xumeyd ee ka tagitaankii kooxda ee kabtan Iker.

3. Raaligelin Soo Laalaabata Oo Aan Qaladkeeda La Sixin

Taageerayaasha Madrid ayaa karaahsaday kalmada "Raaligelinta ah” iyadoo kabtanka kooxdaas "Iwaxaan ka xumahay wixii dhacay, waxaan taageerayaasha siinayaa raaligelin”. Ayuu yiri Sergio Ramos kadib kulamadi Barcelona, Las Palmas, Sevilla, Villarreal.

4. Ma Jiro Qorshe Ciyaareed

Ma jirto qof garaneysa qorshe ciyaareedka kooxda Real Madrid, malaha wax qaab ah ama nidaam ah oo ay u gaar yihiin oo ay ku ciyaaraan, mana jiro macalin huba inuu kooxda sii joogayo ilaa uu qorshe ciyaareed xasilan kooxda gaarsiiyo ileen waa digsi dab saaran laakin aan la sugeyn.

5. Dhaawacyo Iyo Dhayid Xumo

Xili ciyaareedkii hore ciyaartooyda Madrid ayaa wadar ahaa dhaawacyo ku seegay 178 halka xili ciyaareedkaana ay sii marayaan 140 kulan iyadoo wali kulamo ay u dhiman yihiin, mana jiraan shaqaale caafimaad oo u heelan dhiytaanka kooxda.

6. Ka Go’naansho La’aan

Maamulka iyo ciyaartooyda Madrid midna kama muqato ka go’naansho difaacista astaanta kooxda, qaab ciyaareedka ciyaartooyda ayaana aheyn mid joogto ah.

7. Dhibaato Jamaahiirta BERNABEU

Ciyaartooyda kooxda ayaa u dhiban orinta, foorida iyo qeylo dhaanta jamaahiirta kooxda kuwaa soo aan si aan kala joogsi laheyn maalinba ciyaariyahan ku dhagan mana jiro ciyaariyahan ka jawaabay orintooda marka laga reebo Cristiano Ronaldo oo afar gool ku aamusiyay jamaahiirta kooxda oo kula oriyay Santiago Bernabeu.

8. Qorshe Mustaqbali Ah Oo Aan Jirin.

Kooxdaan ayaana ilaa haatan laheyn qorshe mustaqbali ah wuxuuna madaxweyne Perez koxda ka dhigay mid sanad waliba ku jirta xaalad ku meel gaar ah, waxa kalaiya ee ka saari kara dhibk aan ayaana ah in uu isaga dago jagada madaxtinimada kooxda.

GOOLHAYAHA KOOXDA WATFORD HEURELHO GOMES OO SHARAFTII KA QAADAY KOOXDDA ARSENAL, ISAGOONA WAXBA U REEBIN "OGAADDA MAR WALBA GUNNERS WAXAY KA MID TAHAY NAADIYADDA YARYAR.!”

Shabaq ilaaliyah u dhashay dalka Braziil ee goolka u qabta kooxda Watford ayaa sheegay in naadida Arsenal ay ka mid tahay kooxaha yar yar ee ka jira dalka England.

Haddaba goolhayahan lagu magacaabo Heurelho Gomes ee haatan u ciyaara naadiga Wat ford ayaa saxaafadda u sheegay haddalo dadka qaar ka yaabiyay, isagoona yiri siddan:

"Waxaan hubaa in kooxda Arsenal ay tahay, naadi yar oo aysan ka mid ahayn kooxaha Waa weyn ee yurub iyo England, sidoo kale waxaan ogahay in si walba oo ay yeesho aysan intii sanad ahaa ee ugu dambeysay 12 sano aysan qaadin horyaalka Premier League England.”Gool

"Sidaas si la mid ah sidda kooxaha yar yar wali ma aysan qaadin hal koob oo Champions League ah, marka waaba khalad wax koox weyn loogu sheego.”

Dhanka kale ciyaaryahankii hore ee kooxda Tottenham Heurelho Gomes ayaa sidoo kale, macalinka Gunners Arsene Wenger waxa uu kula taliyey in uu isaga tago kooxdan Arsenal oo uu joogey, mudo 20 Sano ka sii dul mari rabta.

"Kaliyah si ay ula mid noqdaan kooxaha magaca leh ee faca weyn, Arsenal waxaa ku waajib ah in ay iska diraan Wenger, waa in uu naadigan isaga tagaa, haddii ay doonayaan maamulka kooxdan in ay hormar sameeyso kooxdoodda.” Ayuu hadalkiisa uu ku soo xiray goolhayahan Heur elho Gomes.

OGEYSIIS     OGEYSIIS    OGEYSIIS

OGEYSIIS MUHIIM AH OO AY KUU HEYSOHEY’ADDA UNICEF

Construction of Dhusamareb Cold Chain Project

INVITATION TO (BID)

LRPS-2016-9122429                                                                               17February. 2016

UNITED NATIONS CHILDREN’S FUND(UNICEF)

Wishes to Purchase

Construction of Dhusamareb Cold Chain Project

[SEALED] offers should be sent to Physically submitted at

The UNICEF Office in Mogadishu, South Central, Somalia

LRPS- 2016-9122429

Attenion: Gerard Magbity (Supply and Logistics Speciallist CSZ)

Or

UNICEF Somalia Support Centre

P.O.BOX 44145,00100,Nairobi,Kenya.

LRPS-2016-9122429

Attention: Giorgio Figus (Procurement Specialist)

 

IMPORTANT- ESSENTIAL INFORMATION

The ReferenceLRPS- 2016-9122429must be shown on the envelope containing the the offer.

Bid form and schedule(s) must be used when replying to this invitation. You are welcome to

encloseyour own [specifications / terms of references] etc., if necessary.

Offers must be received by latest 14:00 am 22 Marsh.2016 and will be publicly opened at

14:30 on the 22Marsh, 2016at both the two addresses indicated above. Bids receivied after the

stipulated date and time will be invalidated. Bids received after the stipulated date and time will

be invalidated.

It is important that you read all the provisions of bid, to ansure that you

understand UNICEF’s requirements and can submit an offer in compllance with them.

Note that failure to provide compllant offers may result in invalidadtion of bid.

THIS INVITATION TO BID HAS BEEN:-

Prepared by Giogio Figus







PLEASEPICK UP THE COMPLETE SET OF BIDDING DOCUMENTS FOR THE OFFICES  INDICATED ABOCE

 

 

 

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip