Sterling oo ku dhow inuu RIKOODH cajiib ah kaga sara maro Lionel Messi xilli ciyaareedkan

0
Monday October 12, 2020 - 18:45:59 in Wararka by
  • Visits: 881
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sterling oo ku dhow inuu RIKOODH cajiib ah kaga sara maro Lionel Messi xilli ciyaareedkan

    . Raheem Sterling ayaa bandhig cajiib ah ka sameeyay kooxdiisa Manchester City, taasoo ka dhigtay in tababare Pep Guardiola uu had iyo jeer ku tiirsanaado adeegiisa kulamada sky blue ee gudaha iyo Yurub. Warbixin ay daabacday shabakada "TalkS

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

. Raheem Sterling ayaa bandhig cajiib ah ka sameeyay kooxdiisa Manchester City, taasoo ka dhigtay in tababare Pep Guardiola uu had iyo jeer ku tiirsanaado adeegiisa kulamada sky blue ee gudaha iyo Yurub. Warbixin ay daabacday shabakada "TalkSport" ee dalka England ayaa lagu sheegay tirakoob xaqiijinaya in Pep Guardiola oo xirfadiisa macalinimo tababare ugu soo noqday ciyaartoyda adduunka ugu fiican, sida Robert Lewandowski oo Bayern Munich ah, iyo Kevin de Bruyne oo jooga Manchester City ah, kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ayaa lagu tiriyaa inuu yahay xiddiga ugu safashada badan marka loo fiiriyo ciyaartoyda ka soo hoos shaqeysay. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Messi iyo Guardiola, mudadii ay ka wada shaqeynayeen kooxda Barcelona, ​​ay ku guuleysteen Horyaalka Spain 3 jeer, iyo trtanka Champions League oo 2 jeer ah, mudo 4sano gudahood ah. Warbixinta ayaa tilmaamtay in Raheem Sterling uu ciyaaray isagoo ka hoos shaqeynaya tababare Pep Guardiola 201 kulan, tan iyo markii uu macalinka reer Spain yimid garoonka Etihad sanadkii 2016, si uu xirfadiisa cajiibka ah uga bilaabo England. Haddaba Raheem Sterling wuxuu ubaahanyahay inuu ciyaaro 18 kulan si uu u soo barbareeyo rikoodhka cajiibka ah ee Lionel Messi, haddii uu Sterling sii wado qaab ciyaareedkiisan cajiibka ah, isla markaana uu ka fogaado inuu soo gaaro wax dhaawac ah, wuxuu dhaafi doonaa rikoodhka Messi inta lagu jiro xilli ciyaareedkaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip