"Cristiano Ronaldo waa kan ugu fiican taariikhda" – Kylian Mbappé

0
Monday October 12, 2020 - 18:33:38 in Wararka by
  • Visits: 917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Cristiano Ronaldo waa kan ugu fiican taariikhda" – Kylian Mbappé

    Weeraryahanka reer France iyo kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé ayaa muujiyay sida uu u jeclaa inuu wajaho kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo. Kylian Mbappé iyo Cristiano Ronaldo ayaa ka qeyb g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka reer France iyo kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé ayaa muujiyay sida uu u jeclaa inuu wajaho kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo. Kylian Mbappé iyo Cristiano Ronaldo ayaa ka qeyb galay kulankii xalay dhex maray xulalka Portugal iyo France ee ka tirsanaa tartanka xiisaha badan ee UEFA Nations League. Haddaba Kylian Mbappé ayaa ciyaarta kaddib ku daabacay boggiisa rasmiga ah ee "Twitter" labo sawir isaga ah oo uu ku wehliyo Cristiano Ronaldo, wuxuuna soo raaciyay qoraal ah: "Mid aan ku daydo". Weeraryahanka PSG ayaa sidoo kale ku muujiyay bartiisa "Twitterka" in Cristiano Ronaldo uu yahay ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda.

Waxaa la ogyahay in Kylian Mbappé uu yahay mid kamid ah taageerayaasha ugu caansan ee Cristiano Ronaldo, maadaama yaraantiisii uu ku dhajin jiray sawirka Cristiano Ronaldo derbiga qolkiisa, sidoo kale wuxuu la galay sawir xusuus mudan markii uu yaraa.

Waxaa xusid mudan in dhowr wargeys oo Faransiis iyo Isbaanish ah iyo ilo wareedyo ku dhow kooxda Real Madrid ay soo jeediyeen in Kylian Mbappé uu u dhaqaaqi doono Los Blancos xagaaga soo aadan, haddii uusan cusbooneysiinin qandaraaskiisa Paris Saint-Germain




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip