Roberto Mancini oo ammaan huwiyay ciyaaryahan Lewandowski

0
Sunday October 11, 2020 - 17:18:15 in Wararka by
  • Visits: 715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roberto Mancini oo ammaan huwiyay ciyaaryahan Lewandowski

    Robert Lewandowski waa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican adduunka koox walbana waa ay la halgami laheyd ciyaaryahan tayadiisa leh, ayuu yiri tababaraha Italy Roberto Mancini. Azzurri ayaa waji ka waji u wajihi doona Lewandowski Axada manta ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Robert Lewandowski waa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican adduunka koox walbana waa ay la halgami laheyd ciyaaryahan tayadiisa leh, ayuu yiri tababaraha Italy Roberto Mancini. Azzurri ayaa waji ka waji u wajihi doona Lewandowski Axada manta ah marka ay labada qaran ku kulmaan UEFA Nations League Group A1. Lewandowski ayaa dhaliyay 55 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii 2019-20 si uu Bayern Munich ugu qaado seddex koob oo Bundesliga ah, DFB-

Pokal iyo Champions League, xeeldheerayaal badan ayaa dareensan inuu ku guuleysan lahaa Ballon d’Or sannadkan haddii aan abaalmarinta loo joojinin laheyn musiibada Koroona.

Waxa uu sii waday qaab ciyaareedkiisii fiicnaa bilowgii xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay shan gool seddexdii kulan ee uu u saftay kooxda heysata horyaalka ee Bayern.

Mancini ayaa kaga hadlay tayada Lewandowski shirkii jaraa’id ee ciyaarta ka hor waxa uu yiri.

"Lewandowski waa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican adduunka, waxaana uu soo joogay dhowr sano. Waa wax laga xumaado inaan waligeen arag isagoo ka ciyaaraya Serie A,” ayuu yiri Mancini.

"Isagu wuxuu aasaas u yahay Poland, inkastoo ay sidoo kale heystaan ciyaartoy kale oo waa weyn. Ayuu yiri tababaraha xulka Qaranka Itaalya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip