Qaramada Midoobay oo masiibo iyo arin aanan la aqbali karin ku tilmaamtay Duqeynta loo geystay Isbitaalka MSF

0
Sunday October 04, 2015 - 10:42:35 in Wararka by
  • Visits: 842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay oo masiibo iyo arin aanan la aqbali karin ku tilmaamtay Duqeynta loo geystay Isbitaalka MSF

    Qaramada Midoobay ayaa si kulul waxa ay uga hadashay Duqeyntii loo geystay Isbitaal Hay'ada MSF ay ku leedahay Magaalada Kunduz ee dalka Afghanistan halkaasi oo ay ku dhinteen 19-ruux.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay ayaa si kulul waxa ay uga hadashay Duqeyntii loo geystay Isbitaal Hay'ada MSF ay ku leedahay Magaalada Kunduz ee dalka Afghanistan halkaasi oo ay ku dhinteen 19-ruux.

Gaashaan Buurto Nato, ayaa waxay sheegtay in diyaarad Mareykanka uu lee yahay ay u maleynayan mid masuul ka ah duqeymaha aroornimadii hore ee saakay loo gaystay Isbitaalka Hay’adda MSF ku lee dahay Magaalada Kunduz Ee Wadanka Afghanistan.

Zeid Ra’ad Al xuseen oo ah madaxa Arimaha Bini’aadinimada Qaramada Midoobay, ayaa sheegay arinta ka dhacday Kunduz inay tahay masiibo aanan la aqbali karin ficil ahaan sida ay wax u dhaceen.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay in la sameeyo baaritaan adag oo madax banaan si loo ogaado sababta ka dambeysay in Diyaaradaha Dagaalka NATO ay duqeymo u geystaan Isbitaalkaasi.

Qoraal ay soo saartay Hay’adda MSF, ayaa waxay ku sheegtay in sagaal ka mid ah Shaqaalaheeda ku dhimatay duqeymaha, halka 39 qof oo kalana ay ku dhaawacantay.

Taliyaha ciidanka Ameerikaanka ee Afghanistan ayaa sheegay in Milaterigu uu bilaabi doono baaritaan lagu samaynayo duqayntii lagu dhintay ee ka dhacday xarun uu leeyahay ururka dhakhaatiitra aan xudduudda lahayn.

Magaalada Kunduz, ayaa waxaa ka soconaya dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidanka Dowladda Afghanistan iyo Xoogaga Taliban. Diyaaradaha dagaalka Nato oo dagaalka qayb ka ah, ayaa dhinaca cirka ka duqeynaya fariisimaha Taliban.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip