Madaxweynaha Itoobiya oo ballanqaaday doorasho xor iyo xalaal ah

0
in Wararka by
  • Visits: 523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Itoobiya oo ballanqaaday doorasho xor iyo xalaal ah

    Madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa ballan qaadday in doorashada soo socota ee dalkaasi ka dhici doonta ay noqon doonto mid xor ah oo si caddaalad ah loo qabto. Itoobiya ayaa qaban doonta doorashooyinka kahor bisha September ee sanadka soo s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa ballan qaadday in doorashada soo socota ee dalkaasi ka dhici doonta ay noqon doonto mid xor ah oo si caddaalad ah loo qabto. Itoobiya ayaa qaban doonta doorashooyinka kahor bisha September ee sanadka soo socda.

Madaxweynaha ayaa sheegtay in isbeddello lagu sameeyay guddiga doorashooyinka si loo hubiyo madax bannaanidooda.

Madaxweyne Sahle ayaa kalfadhiga baarlamaanka dalkaas ka sheegtay in dowladdu ay hubin doonto nabadda, xasiloonida iyo ammaanka dalkaas.

Muddo-xileedka dowladda haatan jirta ayaa la kordhiyay sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

Gobolka waqooyiga Itoobiya ku yaalla ee Tigray ayaa qabsaday doorasho-goboleedka, isagoo diiday amarka dowladda federaalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip