
Farmaajo oo ka hadlay xariga Suxufiyiinta Tv-ga Universal
Ra'iisul Wasaarihii hore Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay Xariga Dowladda Somaliya ay kula kacday Wariye Cawil Daahir Salaad iyo Agaasimaha Tv-ga Universal ee Bariga Afrika C/laahi Xersi Kulmiye iyo sidoo kale xaruntii Tv-ga uu ku shaqeynaayay Magaalada Muqdisho oo ciidamada ay xireen. Farmaajo ayaa sheegay wax aad looga xumaado inay tahay in Dowladda
Somaliya ay xirto Suxufiyiintaasi, wuxuuna sheegay Dowladda Somaliya ee
hada dhisan inay tahay mid Dimuqraadiyad ah oo ku timid Doorasho,
xilligana aanan looga baahneyn inay caburiso Suxufiyiinta.
"Waxaan leeyahay arintaasi waa arin aad iyo aad looga xumaado, beryahan waan dhageysanaayay shacabka Somaliyed sida ay uga hadlayeen in la galo Tv-ga Universal oo la xiro Cawil Daahir iyo C/laahi ay xiran yihiin ilaa hada runtii waa arin aad iyo aad looga naxo.” Ayuu yiri Farmaajo oo la hadlay Idaacada Kulmiye.
Isaga oo hadalka sii wata Farmaajo, wuxuu sheegay 25 sano kadib in wax lala yaabo ay tahay in arimo Siyaasadeed dad loo xiro oo lagu dhibaateeyo, wuxuuna sheegay Madaxweynaha Somaliya kolka uu shacabka la hadlaayo in uu adeegsado Warbaahinta, laakiin aanan loo baahneyn in la dhibaateeyo Dadka wax galka u ah Bulshada.
Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Somaliy
Farmaajo oo ka hadlay xariga Suxufiyiinta Tv-ga Universal
Ra'iisul Wasaarihii hore Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay Xariga Dowladda Somaliya ay kula kacday Wariye Cawil Daahir Salaad iyo Agaasimaha Tv-ga Universal ee Bariga Afrika C/laahi Xersi Kulmiye iyo sidoo kale xaruntii