Qiso Cajiib ah: Sheekh Yuusuf Al-Kawnayn iyo Bucur Bacayr.

0
Saturday October 03, 2020 - 22:07:19 in Wararka by
  • Visits: 2158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Qiso Cajiib ah: Sheekh Yuusuf Al-Kawnayn iyo Bucur Bacayr.

    Waxaa la sheegaa in qiso cajiib ah dhexmartey Sheekh Yuusuf Al-Kownayn ( Aw Barkhadle) iyo boqorkii Yibraha, Bucur Bacayr oo ka talin jirey Soomaaliya dhankeeda waqooyi, intaan diinta Islaamka ku fidin degaankaas. Sheekh Yuusuf Al Kawnayn oo ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa la sheegaa in qiso cajiib ah dhexmartey Sheekh Yuusuf Al-Kownayn ( Aw Barkhadle) iyo boqorkii Yibraha, Bucur Bacayr oo ka talin jirey Soomaaliya dhankeeda waqooyi, intaan diinta Islaamka ku fidin degaankaas. Sheekh Yuusuf Al Kawnayn oo ahaa nin daaci ah ayaa aqoonyahanada taariikhda darsa sheegaan in uu ka yimid Xijaaz abaarihii qarnigii 11-aad wuxuuna ka soo jeedey qabiilka Qureesh gaar ahaan faraca Xasan bin Cali bin Abii Dhaalib. Yusuf AlkawneenMarkii uu yimid Soomaaliya si diinta Islaamka u faafiyo ayaa waxey isqabteen Bucur Bacayr oo diin kale haystey oo sixirka si fiican u yaqiin. Waxey noqotey labadii wadaad in meel fagaara ah isugu baxaan, kuna tartamaan si loo raaco ninka diinta saxda ah haysta.

Bucur Bacayr wuxuu yiri ” Buurtan ayaan ka dhex dusayaa, bal adna sidaa yeel”. Bucur Bacayr buurtii intuu dhinac ka galey ayuu dhinaca kale uga dusey. Sheekh Yuusuf oo yaaban ayaa ka codsadey in uu ku celiyo mar labaad. Bucur Bacayr waa ku celiyey, haddana wuxuu ka codsadey in mar seddaxaad ku celiyo. Markaan danbe intii uu Bucur Bacayr buurta ka dusayey ayuu Sheekh Yuusuf Al-Kownayn Alle ka baryey in ninkaas buurta ku dhex xiro asagoo leh ” Khudii ardul-laahi ".

Halkaas ayuuna ku aasmey kuna geeriyoodey Bucur Bacayr. Ilmihii Bucur Bacayr ayaa waxey magtii aabahooda ka codsadeen Sheekh Yuusuf Al Kownayn.

Sheekh Yuusuf wuxuu caruurtii Bucur Bacayr ku yiri ” Ma waxaan laydin siiyaa mag aan weligeed dhamaan ?. Mise hadda ayaad magtii aabbihiina wada qaadanaysaan?. Mag aan dhamaan ayey codsadeen caruurtii Bucur Bacayr. Markaas ayaa la yiri maanta wixii ka danbeeya wiil kastoo Soomaaliyeed ee dhasha waxaad ku leedihiin ” Samaanyo”.

Ereyga Samaanyo wuxuu xiriir la leeyahay Sabeen xir ( Cabdalla Mansuur 169:2016) oo loola jeedo qof lagu dacaddiyey in lagu raali geliyo hadal wanaagsan oo hanti la socoto. Wiil kasta oo Soomaali ah sababtaas baa samaanyo looga baxshaa oo ah sabeen xir qarniyo soo taxnayd.

Ilyas Mohamud Hussein




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip