
Maman Sidikou oo la kulmay hogaamiyeyaasha Somalida Gobolka Minnesota (SAWIRRO)
Wakiilka, ayaa Somalida Minnesota siyaabooyin kala gedisan waxa uu ugula kulmay Magaalada Minneapolis, waxa uuna kala hadlay sidii ay kaga qayb qaadan lahaayen dib u dhiska dalka.
Wakiilka, ayaa hogaamiyeyaasha Somalida u sheegay in dalka uu hadda bilaabay dib uga soo kabashada dagaaladii sokeeye ee dalka ragaadiyay, isla markaana ay rajadu tahay mid aad u wanaagsan.
Waxa uu ku booriyay inay gacan ka gaystaan dagaalka lagula jiro Ururka Al Shabaab, ka dib markii uu ku eedeeyay in ay carqalad ku yihiin xasiloonida iyo horumarka wadanka.
Maman Sidikou, ayaa hoosta ka xariiqay in sida keliya ee Shabaabka looga guuleysan karo ay tahay, iyadoo leeska wada kaashado, loona istaago sidii cagta loo marin lahaa.
Minnesota waa gobolka ay ku badan tahay Somalida ku dhaqan gobolada kala duwan ee dalkaasi. Somalida Minnesota ayaa soo batay 25-ka sano ee burburka dalka.
Amb. Sidikou, ayaa soo gaba gabeeyay booqasho muddo afar maalmood qaadatay oo uu ku soo joogay Minnesota, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Amisom.
Maman Sidikou oo la kulmay hogaamiyeyaasha Somalida Gobolka Minnesota (SAWIRRO)
Madaxa Ciidamada Amisom Ahna Wakiilka Ururka Midowga Afrika Ee Somaliya, Amb. Maman Sidikou oo maalmahanba booqasho ku joogay Gobolka Minnesota, ayaa waxa uu kula kulmay hogaamiyeyaasha Somalida Gobolkaasi.