WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 4-TA OKTOOBAR 2015-KA

0
Sunday October 04, 2015 - 10:08:15 in Wararka by
  • Visits: 1134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 4-TA OKTOOBAR 2015-KA

    RA'IISUL WASAARAHA OO KA HADLAY DHISMAHA CIIDAMO QARAN OO HANTA AMMAANKA DALKA Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan Dhismaha Ciidamo Qaran oo awood u leh inay han-taan awooda Dalka, iyaga o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RA'IISUL WASAARAHA OO KA HADLAY DHISMAHA CIIDAMO QARAN OO HANTA AMMAANKA DALKA Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan Dhismaha Ciidamo Qaran oo awood u leh inay han-taan awooda Dalka, iyaga oo kaashanaya dowladaha taageera Sooma-aliy.

 

 

 

Ra’iisul Wasaaraha oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay Horumarinta Ciidanka Qaranka.

"Qorshaha ciidankaan aan u tayeynayno maaha in ay u shaqeeyaan qabiil ama ay la sii dagaallamaan Shabaab laakiin, waxaan u tayaynaynaa in mar dambe Soomaaliya ay dhibaato ka dhicin, ciidanka nuucaas ah waxa ay u baahan yihiin qalab, dhaqale iyo tababar, dowladaha aan is leenahay way idinka caawin karaan waxaa ugu horeeya dowladda Ingiriiska”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay waddo dadaallo lagu xoojinayo Mushaaradka ciidamada, gaar ahaan in la ilaaliyo waqtiga ciidanka ay qaataan lacagaha dowladda ay ugu shaqeeyaan.

"Waxaan wadnaa waxa ay hadda helaan ciidamada in la joogteeyo, waxyaabaha aan dhaqaalaha awoodda u siinayno waxa ay tahay in la tayeeyo ciidamada, si dhaqaale fiican u qaataan”ayuu yiri Ra’iisul Waasaaraha.

Mar uu ka hadlayay xerooyinka Ciidamada iyo habka la doonayo in loo tayeeyo, si loo ogaado nolosha Ciidamada qaranka oo ah awooda koowaad ee dadka iyo dalka.

"Waxaa noogu daran oo hadda dhibka naga haysta waxa ay tahay Xerooyinka Ciidamada, dowladduna waxa ay waddaa qorshe loogu diyaarinayo ciidanka Qaranka xirooyin ay ka heli karaan Nolol wanaagsan Tababarna ay ku qaadan karaan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in qorshayaasha ay dowladdu waddo ay la kaashan doonto dowladaha caalamka ee taageerada siiya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkaan waxa ay wadday qorshe lagu horumarinayo ciidamada qaranka iyo sidii loo heli lahaa ciidamo isku dhaf ah oo qaranka u shaqeeya dadalladaas oo hadda meel wanaagsan u maraya Dowladda.

WASAARADA AMNIGA GUDAHA OO AMARO ADAG SOO SAARTAY KA DIB MARKII

Wasaarada Amniga gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in aan la qaban Karin Xaflado, Shirar, iyo banaanbaxyo aysan ogeyn Wasaarada Amniga.

Afhayeen ka Wasaarada Amniga gudaha ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cismaan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa Warbaahinta u aqriyay go’aanada ka soo baxay Wasaarada.

Waxa uu sheegay in shaqsiyaadka doonaya iney qabtaan banaanbaxyadaasi in ay ku soo wargeliyaan sacaadao ka hor Wasaarada Amniga si loo xaqiijiyo amaanka goobta ay wax ku qabsanayaan.

Daraad ayay ahayd Markii Magaalada Muqdisho uu ka dhacay Banaanbax loogu soo horjeedo Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya gaar ahaan kuwa ku sugan Muqdisho oo lagu eedeeyay iney mar walbo iska dhibaateeyaan shacabka.

DOWLADDA SOMALIYA OO SHEEGTAY IN MAXKAMAD LA HORKEENI DOONO SUXUFIYIINTA TELEFISHINKA UNIVERSAL

Dowladda Somaliya oo ka hadashay xariga Agaasimaha Telefishinka Universal Ee Bariga Afrika, C/laahi Xersi Kulmiye iyo Cawil Daahir Salaad, ayaa waxay sheegtay in Maxkamad lala tiigsan doono.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliya, Maxamuud Cabdi Xasan (Beekoos) oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay la socdaan xariga Suxufi yiinta, isagoona ku eedeeyay inay dhegaha ka fureysten digniin kaga timid laamaha ammaanka.

"Arrimaha xariga waxbaan ka ognahay, cidkasta oo dambi gasha lama cafinayo, dhawr jeer oo hore digniin ayaa la siiyay oo ciidanka amniga u diggeen, wayna ka dhaga adeegeen, dhago adeeega waxa uu u keenay inay waxa ay iyagu rabaan unbay sii daayeen.” Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha.

Waxa kaloo uu yiri "Marka dood wadaag la qabanayo hal dhinac oo keliya lagama eego oo waa in la helo sharci, sharciga Saxaafadda idinka ayaaba iga garanaya, marka sharciga ayaa lala tiigsan ayaa.”

Sidoo kale waxa uu soo hadalqaaday Suxufiyiinta lagu xirayo Magaalada Muqdisho, ee hadana la iska sii daayo, laakiin aynaan doonayn in Suxufiyiinta xilligan xiran ay la mid noqdaan kuwii la’iska sii daayay, sida uu yiri.

Beekoos, ayaa Wariyeyaasha Magaalada Muqdisho kaga digay inay tebiyan wararka looga diggo, wuxuuna ugu baaqay inay noqdaan kuwa baahiya warar aanu hadhow wax culeys ihi kaga imaan karin

XILDHIBAANO SHARCIDARO KU TILMAAMAY XARIGII LABA WARIYEYAAL KA TIRSAN TV-GA UNIVERSAL

Xildhibaannada kala ah Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa si adag u cambaareeyay, sharcidarrana ku tilmaamay xariga wariyeyaasha, ka dib wareysi ay siiyeen BBC-da.

Dowladda Somalia ayaa habeenhore xabsiga dhigtay Agaasimihii Universal Tv ee Bariga Afrika, C/llaahi Xersi iyo Cawil Dahir Salaad oo ah soo saaraha iyo daadiyaha barnaamijka Dood Wa-daag ee ka baxa Universal TV.

Wariyeyaashan ayaa lagu Xiray Barnaamij ay ka Qayb-qaateen, Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi oo ah Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf, kaasoo ka baxay Telefishinka Universal, waxaana labada wariye ay haatan ku xiran yihiin Xarunta Nabadsugidda Gobolka Banaadir.

Xildhibaan Cabdi Xaashi ayaa BBC-da u sheegay in Xariga Wariyeyaashan aan loo marin sida sharcigu qabo, isla markaana aanay jirin dambi ay galeen, marka laga reebo inay iyaga wareysteen, isla markaana sii daayeen Wareysigooda.

"Waxaa doonayaa inaan caddeeyo in sabab lagu xiray Wariyeyaashan inaysan jirin, Waayo Wariyuhu war buu ururiyaa, dabadeena sii daayaa, inagoo xildhibaanno ah ayayna wareysi naga qaadeen. Wax dambi ah oo ay galeenna ma jirto oo aan ka ahayn inay Warkeenna sii daayeen. Haddii Qofka dambi galo Waxaa lagama maarmaan ah in warqad Maxakamdeed lagu xiro, intaas ma dhicin ciidan ayaa xirtay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Xaashi.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa xusay in sharciga Warbaahinta uu wali la yaallo Baarlamaanka Soomaaliya, haddii sharcigaas la meelmariyana ay wax badan meesha ka baxayaan, sida Wariyeyaasha in la iska xirto.

"Weli wuxuu sharciga baarlamaanku horyaallaa; lamana Ansixin. Waxaaan ka xumahay in iyadoo sharciga aan la ansixin in Kalfadhiyadii Baarlamaanka la xiray, Sharcigaas ayayna xuquuqda oo dhan ku qoran yihiin, waxaan Rajeynayaa haddii Sharcigaas soo baxo in wax badan meesha ka bixayaan,” ayuu xildhibaanku mar kale yiri.

Dhanka kale, Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo isna Dooddii Universal Tv ka baxay ka Qaybgalay ayaa sheegay in Wariyeyaasha la xiray aysan jirin Dambi ay galeen, marka laga reebo inay iyaga ka wareysteen Xaaladda dalku marayo iyo sida ay wax u socdaan.

Ugu dabeyn, Ciidamada Nabadsugidda Qaranka ayaa xalay xiray Universal TV xafiiskiisa Muqdisho, iyadoo aanay jirin wax war ah oo ka soo baxay Laamaha amniga oo ku saabsan xariga wariyeyaasha ka tirsan Universal TV.

WASIIR FARGEETI "SOOMAALIYA MA AQBALI DOONTO IN HAKAD LA GELIYO HESHIISYADA SHIDAAL BAARIST AH”

Wasiirka Maaliyada ee Soom-aaliya Maxamed Aadan Ibraahim Frg-eeti ayaa sheegay inaysan aqbali doo-nin in hakad la geliyo heshiisyada shidaal barista ah.

Wasiirku wuxuu sheegay in go’aanka lagu sii wadayo qorshaha shidaal barista uu yahay mid Sooma-aliya u taal wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay go’aan ka qaadaneyso waxa dalka u wanaagsan.

Wasiirka ayaa sheegay in ar-rintani ay tahay mid Soomaaliya ay horay u qaadatay isagoo intaas ku da-ray ineysan soo dhaweyneyn hak-adgelinta heshiiska lagu baarayo shi-daalka Soomaaliya.

Kooxda dabagalka ee Qaram-ada Midoobay ee Soomaaliya iyo Eretria ayaa dooneysa iney warbixin gudbiso bartamaha bishan taas oo ay ku baaqeyso in la hakiyo baaritaanka shidaal ee lagu sameynayo Soomaal-iya iyadoo xustay in aysan ahayn mid soo maray nidaamka sharciga ee da-lka.

Heshiiskan ay la gaartay Soom-aaliya shirkadda Soma Oil ee saldhi-geedu yahay dalka ingiriiska ayaa sa-babay in dowlada ingiriiska ay baari-taan ku sameyso shirkadda Soma iya-doo ku tuhunsan iney wax musuq-maasuqday.

Wasiirku wuxuu sheegay in do-wladu ay isbedello ku sameyneyso qaabka lagu qeybsanayo daqliga si ay u xaqiijiso sidii dalku ugu faa’iideysan lahaa, wuxuuna sheegay in la bila-abayo qaabkii looga faa’iideysan lahaa marka nidaamkaas la dejiyo.

Wuxuu sheegay ineysan iska sii wadi doonin faa’iido qeybsiga heshi-iskan iyagoo aan marin qaabka sharc-iga ah ee loo dejiyey.

Bangiga adduunka ayaa kula taliyey dowladda Soomaaliya iney sameyso sharciyo lagu xaqiijinayo sidii qeyraadka dalka ay uga faa’iideysan lahaayeen muwaadiniinta, wuxuuna Bank-igu intaas ku daray in dowladdu dhisto guddiga maareynta maaliyadda oo dib u eegis ku sameeya heshiis-yada taas oo ah fikir aad muhiim u ah.

Soma Oil oo sheegta iney ku qarashgareysay $40 million sahminta shidaalka dalka ku yaala geeska Africa ayaa weydiisatay dowladda ingiriiska iney ka caawiso joojinta hindisahan la doonayo iney ku sameyso baaritaal shidaal qodista.

WASIIR MAREEYE OO NAIROBI KULA KULMAY MAS’UULIYIINTA HAY’ADDA USAID

Wasiirka warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiisa Maxamed Cabdi Xayir Ma-areeye ayaa magaalada Nairobi kula kulmay mas’uuliyiinta hay’adda USAID u qaabisan Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta ayaa la kulmay mas’uuliyiinta kala ah Monica J. Moore oo hay’adda USAID u qaab-ilsan barnaamijyada Soomaaliya,Sean Brooks oo ah la taliyaha barnaamijka xasilinta dalka iyo xubno kale.

Wasiirka warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiisa Maxamed Cabdi Xayir Maareeya ayaa mas’uuliyiinta hay’-adda USAID warbixin ka siiyay xaal-ada dalka Soomaaliya,isagoo sheegay in ay sii dhamaaneyso qatarta kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab,dow-ladana ay cirib tireyso haraadiga koo-xdaasi.

Wasiirka ayaa u sheegay ma-s’uuliyiinta Hay’adda USAID in Telef-ishinka qaranka iyo Radio Muqdisho laga sii daayo ruwayaado iyo barnaa-mijyo wacyi galin oo dhalinyarada loo-ga wacyi galinyo qatarta kooxda Al-shabaab,iyo sida ay muhiim u tahay in ay ka tanaasulaan fikirka qaldan oo ay kooxdaasi ka dhaadhicisay.

Wasiirka warfaafinta ayaa u sheegay mas’uuliyiinta USAID in war-baahinta qaranka ay xurumo ka hir galisay qaar ka mid ah gobolada dal-ka,si shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo dowladnimada.

Wasiir Maareeye ayaa uga mahad celiyay hay’adda USAID sida ay dhinacyo badan uga taageerto was-aarada warfaafinta,waxana uu ka codsaday in ay sii wadaan taageera-daasi.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka codsaday mas’uuliyiinta hay’adda US-AID in ka taageeraan mashruuca dha-qanka,warbaahinta iyo library loo dhisay wasaarada warfaafinta.

Wasiir Maareeye ayaa tilma-amay in xiriir wanaagsan oo uu ka dhaxeeyo wasaarada warfaafinta iyo warbaahinta sida gaarka ah loo leey-ahay.

Wasiirka Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiisa Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sidoo kale ka codsaday mas’uuliyiinta hay’adda US-AID in ay tababaro dhanka xirfada ah ay siiyaan shaqaalaha wasaarada wa-rfaafinta iyo warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay intaba.

Mas’uuliyiinta hay’adda USAID ayaa sheegay in ay qaar ka mid ah go-bolada dalka ka wadaan tartamo isboorti oo ah is dhex galka dhalinyar-ada,maadaama dhalinyarada ay tahay %65 shacabka dalka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Hay’dda USAID ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan la shaqeynta iyo taageeridda wasaar-ada warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiisa.

GUDIGA MADAXA BANAAN EE DOORASHOOYINKA QARANKA OO TABABAR HOWLEED UGU SOO GABAGABOOBAY NAIROBI..

Gudiga madaxa banaan ee do-orashooyinka qaranka ayaa waxaa shalay magaalada Nairobi ugu soo gabagaboobay tababar howleed u so-cday mudo afar maalmood ah oo ay uga doodayeen qorshayaasha hor ya-ala gudiga.

Tababarkan loo qabtay gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa waxaa fududeeyay hay’-adda qaramada u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee UNSOM.

Xiritaankii tababarkan u socday gudiga madaxa banaan ee doorash-ooyinka qaranka ayaa waxaa ka qeyb galay safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxa-med Xasan,xubno matalayay wadam-ada deeq bixiyaasha iyo qaar ka mid ah diplomaasiyiinta reer galbeedka ee fadhigoodu yahay Nairobi.

Gudoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo (Yareey) ayaa sheegtay labadii maalin ee ugu horeysay tababarka lagu bara-yay gudiga sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen iyo sidii ay uga xalin lahaa-yeen caqabadaha soo wajaho.

Xaliimo Yareey ayaa sidoo kale sheegtay in labadii maalin ee kale gu-diga madaxa banaan ee doorash-ooyinka qaranka ay isla meel dhigay-een qorshaha gudiga oo ah sidii dalka Soomaaliya ay mustaqbalka u gaarsin lahaayeen doorashooyin xur ah.

Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa sidoo kale ka dooday qorshaha hor yaalo sedaxda bilood ee ka harsan sanadkan iyo qo-rshaha sanadka soo socda ee 2016.

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalkani Kenya Jamaal Maxa-med Xasan oo gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka u soo xiray tababarkan ayaa kula dar daa-rmay in ay si taxadir leh u wajahaan shaqada adag ee hor taala,isagoo wa-damada deeq bixiyaasha ugu baaqay in ay taageero dhinac kasta leh siiyaan gudigan.

OLOLE LOOGAGA HORTAGAYAY FATAHAADA WABIGA SHABELLE OO MAGAALADA JOWHAR LAGU SOO GABAGABEEYAY..

Olole loogaga hortagayay fata-haada wabiga Shabelle ee gobolka Sh/dhexe ayaa shalay lagu soo ga-bagabeeyay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Howlo carrotuur loogaga same-ynayo wabiga Shabelle degmooyin ka mid ah gobolka Sh/dhexe oo dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay socday ayaa shalay ku soo dhamaaday mag-aalada Jowhar.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dh-exe Cali Cabdullahi Xuseen oo ay weheliyeen ku xigeenadiisa iyo maam-ulka degmada Jowhar ayaa sookorme-eray goobaha loogaga sameeyay car-rotuurka wabiga Shabelle ee ma-gaalada Jowhar.

Guddoomiyaha Gobolka Shab-delaha Dhexe Cali Cabdullahi Xuseen ayaa hadal uu ka jeediyay goob kamid ah goobihii carrotuurka lagu sameeyay ayaa ku ammaanay hay’adihii gacanta ka geystey carrotuurka iyo howlwa-deenadii ka shaqeynayayba.

"Waxaan aad idinkugu amaa-nayaa sida wadaniyada leh ee aad howsha u fuliseen waxaana hubaa in NGOyada qaarkood ay yihiin kuwa Fa-a’iido raadiya balse Company Sha-belle oo kaashanaya ILO & ururka wadaniga ee gudaha Magaalada in ay aad ugu guulesyteen una hagar ba-xeen howlsha loo igmadayna ay ka soo dhalaaleen , Amar rabi waa gaar laakin webiga sanadkaan waxaa loo cato tuuray sidii loogu talo galay”ayuu yiri guddoomiye Guudlaawe.

Goobaha carrotuurka laga sam-eeyay ayaa sanad walba waxaa ka soo bixi jirey biyo siimow ah kuwaasoo saameyn jirey xaafado kamid ah ma-gaalada Jowhar.

Dhinaca kale waxaa sahankii ugu horeeyay ka bilaabay magaalada Jowhar shirkad xarunteedu tahay dal-ka Hindiya taasoo dooneysa in ay warshad soo saarta sokor qasabta ka hirgeliso magaalada Jowhar.

Aqoonyahano ka tirsan shirk-ada ayaa shalay booqday beerihii qa-sabka iyagoo sahankooduna ahaa mid ay ugu kuurgalayeen helitaanka biy-aha iyo carro ku haboon beerista qas-abka.

Aqoonyahanadan ayaa waxa ay warbixino ka dhagaysteen shaqaalihii hore ee warshadii sokorta SNAI kuwa-as oo ugaga warbixiyay sidii ay ku sh-aqeyn jirtay warshadii hore ee sokorta SNAI. Haddaba waxaa isweydiin leh ma noqon doontaa warshadii sokorta SNAI tii ugu horeysay ee burburka dalka kadib laga hirgeliyo gobolada dalka maadaama ay hore u ahayd ho-oyadii warshadaha dalka.

XUKUUMADDA SOOMAALIYA OO SHEEGTAY IN AMISOM AYSAN WAX GABOODFAL KA GEYSAN SOOMAALIYA

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta,hiddaha, iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in AMISOM aysan Xasuuq ka geysan Dalka,

waxaana uu sidoo kale Wariyayaasha kula taliyay in ay ka digtoonaadaan Ereyada ay adeegsanayaan marka ay ka hadlayaan arrimaha Xasaasiga ah.

Wasiiru dowlaha ayaa xusay in Dowladdu ay la xiriirtay AMISOM islamarkaana kiiska Wiilka yar hadda ay gacanta ku heyso dowladda,waxaana uu sidoo kale ka digay in la siyaasadeeyo dilka Wiilka yar oo uu sheegay in uu ka mid ahaa dilalka ka dhaca Dalka.

Wasiirka ayaa isweydiiyay waxa dhimashada Wiilkaasi ay kaga duwan tahay dadkii lagu dilay magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka ee ku dhintay dagaallada,waxaana uu sidoo kale dhinacyo uusan sheegin ku eedeeyay in ay Siyaasadenayaan dilka Wiilka yar ee ay AMISOM ku dishay Muqdisho.

DOWLADA SOOMAALIYA IYO BANGIGA ADUU NKA OO NAYROOBI KU KALA SAXIIXDAY HE SHIIS LAGU BIXINAYO MUSHAARKA SHAQAA LAHA DOWLADA

Bangiga Adduunka iyo Dow-ladda Somalia ayaa kala saxiixday heshiis uu Bangiga Adduunku ku bixi-nayo Mushaaraadka Shaqaalaha Do-wladda Somalia iyo kuwa Maamul-goboleedyada Dalka ka jira.

Saxiixa Heshiiskan oo ka Dha-cay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa Waxaa Dhanka Dowladda Federaalka Somalia u Sax-iixay Wasiirka Maaliyadda, Maxamed Aadan, Halka Bangiga Adduunkana ay u Saxiixday Wakiilka Bangiga ee So-omaaliya, Bella Bird.

Heshiiskan oo socon doona muddo shan sano ah oo ay ku bax-ayso lacag dhan 144-milyan oo doo-llar, ayaa waxaa dhammaantiis loo qoodeeyay mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo kuwa maamu-gobo-leedyada.

Waxaana Goobjoog ka ahaa Saxiixa Heshiiskan wasiirada Maaliy-adda Puntland, Jubbaland iyo Koo-nfur-galbeed Somalia. Waxaana sidoo kale Heshiiskan Qalinka ku Duugay Qaar ka mid ah dalalka deeqaha bixiya oo ay ka mid tahay Dowla-ddaTalyaaniga.

Dhanka kale, Saxiixa Heshiiska kaddib ayaa waxaa Goobta lagu Saxiixay laga sheegay in looga baa-han yahay Dowladda Somalia iyo Ma-amul-goboleedyada ay lacagahan si hufan u maamulaan, lagana digtoon-aado wax walba oo is-daba-marin ah.

Ugu dambeyn, Bangiga Addu-unka iyo Waddamada Deeq bixiyeya-asha ah ayaa Sannadihii ugu dambe-eyay dhinacyo badan ka Taageerayay Dowladda Somalia, kuwaasoo ay ka tahay dib u habaynta maamulka Maa-liyadda iyo ka hortagga Musuq-maa-suqa.

LAAMAHA AMMAANKA OO MOOTO BAJAAJKA KA MAM-NUUCAY WADADA HORMARTA MADAXTOOYADA SOMALIYA

Laamaha ammaanka, ayaa wa-xay mooto bajaajka ka mamnuuceen inay isticmaalan amaba adeegsadan wadada hormarta Aqalka Madax-tooyada Magaalada Muqdisho (Villa Somalia).

Laamaha ammaanka, ayaa waxay tani sabab kaga dhigeen shi-lalka mooto bajaajka oo ku soo batay wadada Madaxtooyada, sidaasi daraa-deedna aanay hadda ka dib adeegsan karin wadadaasi.

Hase ahaatee waxaa soo ba-xaya sheeko ka duwan sheekadaasi, oo sheegaysa in mooto bajaajka looga mamnuucay wadada Madaxtooyada arrin la xiriirta ammaanka.

Laamaha ammaanka, ayaa wa-xay ciidan soo dhigeen wadooyinka soo gala Madaxtooyada Magaalada Muqdisho, kuwaa oo loogu talla-galay inay dib u celiyan mooto bajaajka, si aanay u adeegsan wadada hormarta Villa Somalia.

Wadayaasha mooto bajaajka oo shalay shaqo joojin sameeyay, ayaa waxay bannaanbax ka dhigeen Magaalada Muqisho, si ay ugu muu-jiyan sida ay kaga soo horjeedan talla-abada loogu diiday inay hormaran Ma-daxtooyada.

Wadayaasha oo u yeeray bah-da Saxaafadda, ayaa waxay ku qay-linayen ereyo ay ka mid yihiin "Ha noo-llaan dooni mayno, Magaalada ka bax dooni mayno, waxa socdo waa ha noollaanina.”

Mid ka mid ah wadayaasha mo-oto bajaajka, ayaa wuxuu yiri "Waxa socdo waa hanoollaanin, anaga dhiba-atada na haysato waxay ahayd ciida-nka waxay nagu dhihi jireen adiga ha is xayirin, oo micnaheedu yahay lacag aan sharci ahayn iska bixi, haddii kale mooto bajaajka halkaas ku tiiri. Dhi-baatadii na haysatay ayay noogu dareen Madaxtooyada ma hormari ka-rtaan.”

DAB KHASAARO SABABAY OO KA KACAY SUUQ KU YAALLA MUQDISHO

Dabkaan oo shalay ka kacay Suuqa Ansalooti ee degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa ka dhashay Qashin Yiilay suuqa oo la gubayay kaas oo ku faafay goobo Ga-nacsi oo suuqaas ku yaalla.

Goobaha Ganacsi ee dabka ku basbeelay ayaa gaaraya illaa 16 Xarumood oo Mehrado ka sameysnaa Jiingado ahaa, iyadoona markii dabku ka kacay suuqa ay durba meesha soo gaaraan Gawaarida dab damiska ma-amulka Gobolka Banaadir iyo kuwa Shirkadda Hormuud.

Ganacsatada uu ku basbeedlay goobahooda Ganacsi dabkaas oo aan Makarafoonka Idaacadda Shabelle la dhex qaadnay ayaa ka warbixiyay sida dabku uu u qabsaday Suuqa , iyo khasaaraha ka dhashay iyagoona ugu baaqay masuuliyiinta maamulka Gob-olka Banaadir in ay wax ka qabtaan qashin suuqa hareeyay sida ay tilm-aameen.

Suuqa Ansalooti ayaa ka mid ah Suuqyadii ugu horreeyay ee Mag-aalada Caasimadda ah ee Muqdisho walow muddooyinkii dambe Howlihiisa ganacsi uu ahaa mid gaabis ah ayna yar yihiin goobaha Ganacsi ee suuqa ku yaalla haatan.

QARAX KHASAARO SABABAY OO KA DHACAY DEEGAANKA HALGAN EE GOBOLKA HIIRAAN

Wararka aan ka heleyno deeg-aanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ay-aa ku soo warramaya in qarax uu ka dhacay deegaankaasi.

Qaraxa ayaa ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso waxaana uu ka dh-acay afaafka hore ee Maqaaxi ku taalla deegaanka Halgan oo ay ku jireen Ciidamo ka tirsan kuwa dowl-adda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Deegaanka Ha-lgan Mustaf Xerow Nuur oo qaraxa kladib la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa beeniyay in khasaaro uu soo gaaray Ciidamada qaraxa lala eegtay isagoona tilmaamay in Howl gallo lagu baadi goobayo Kooxihi ka dambeeyay qaraxa ay ka bilowdeen deegaan-kaasi.

Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa dhawaan lagala waree-gay Ururka Al Shabaab iyagoona wee-rar kala duwan ku soo qaada deeg-aankaasi.

MAAMULKA SOMALILAND OO SARAAKIIL BOOLIS AH XABSIGA U TAXAABAY

S/guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan Taliyaha ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland oo ka gadooday cadaalad daro ay sheegeen in lagu sameeyay habkii loo qaybiyay darajada ciidama-da Booliska Somaliland.

Saraakiishan ayaa iyagu horay cabasho ugu gudbiyay Taliyaha Bool-iska Somaliland Sareeye guuto Cab-dillaahi Fadal Iimaan ayaa waxa uu ka fadhiistay guddigii bixinaysay darajada ciimada Booliska Somaliland kuwaasi oo la sheegay inay saraakiishii u keeneen natiijo ay ku qanci waayeen, taasi oo sababtay in xabsiga lagu guro ku dhawaad labaatan sarakaal oo markii hore loo qaybiyay darajooyin kala duwan oo ay u waynayd Laba xiddigle.

Dhanka kale Ciidamadan gado-odka ka muujiyay habka ciidamada booliska loo siiyay darajada ciidamada ayaa xabsiga ku jira,iyagoo la sheegay in qaar ka mid ah laga qaadayo darajadii ay hore u saluugeen.

XOOGAG TAABACSAN AL-SHABAAB OO LA WAREEGAY DEEGAANNO KU YAALLA BARTAMAHA SOOMAALIYA

Xoogagga Al-shabaab ayaa la Wareegay laba Deegaan oo ka Tirsan Gobolka Mudug ee Bartamaha Somalia, kuwaasoo ku dhow Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug oo ay Maamusho Al-shabaab.

Deegaanada ay Al-shabaab la wareegtay ayaa waxaa ka mid ah Camaara iyo Bacaad-weyn; iyadoo Mas’uuliyiin Magacyadooda Qariyay ay u sheegeen Warbaahinta Gudaha iyo kuwa Caalamka.

"Camaara iyo Bacaad-weyn waxaa hadda si buuxda gacanta ugu haysa Al-shabaab,” ayay u sheegeen saraakiil magacyadooda qariyay oo ka tirsan maamulka Gobolka Mudug oo la hadlay Wakaaladda Wararaka Jarmalka ee DPA.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya in deegaannadan aysan ku sugnayn ciidammo ka Tirsan kuwa Dowladda Somalia iyo maamulka ka jira Gobollada Dhexe ee Somalia, Mana jirin wax iska-horimaad ah oo ay la kulameen.

Xarakada Al-shabaab ayaa tan iyo Sanadkii 2006-dii waxay dagaallo kula jirtay Dowladda uu caalamku taageero ee Somalia, iyadoo doonaysay inay xilka ka tuurto, balse dagaallo ka dhacay Bartamaha iyo Koonfurta Somalia ayaa Al-shabaab looga Qabsaday Magaalooyin iyo Deegaanno dhowr ah.

Dhanka kale, Al-shabaab oo iyaduna ka hadashay qabsashada deegaanada ayaa xusay inay si Nabad-galyo ah kula Wareegeen Deegaannadaas, ayna iyagu Haatan si buuxda Gacanta ugu hayaan.

Warbaahinta taageerta Al-shabaab oo soo Xiganayay Saraakiisha kooxda ayaa baahiyay in boqolaal ciidammo ah oo Al-shabaab ka tirsan ay Deegaannadaan la Wareegeen, wax iska-caabin ah oo ay la kulmeenna aysan jirin.

Ugu dabmeyn, Camaara iyo Bacaad-weyn ayaa waxay 100-km u jiraan Magaalada Xarar-dheere, iyadoo Xarakada Al-shabaab ay sheegtay in ay horay ula Wareegtay Deegaannada hoos-yimaada Xarar-dheere.

Si kasta ha ahaatee, labadan deegaan ee la Qabsaday ayaa waxay ka mid yihiin Deegaanno ka mid ah kuwa uu ka taliyo Maamul-goboleedka GALMUDUG oo lagu dhisay Bartamihii sannadkan degmada Cadaado ee Gobolka Galguduud, kamana aysan hadlin Mas’uuliyiinta maamulkaas la wareegista Deegaannadan

HAY’ADA MSF OO CAMBAAREEYSAY WEERAR LAGU QAADAY ISBITAAL AY KU LAHAYD MAGAALADA KUNDUZ

Ururka Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn MSF ayaa eedeeysay weerar duqeyn ah oo lagu qaaday isbitaal ay maamusho MSF ee ku yaal Kunduz.

Hay’ada MSF ayaa sheegtay ugu yaraan sagaal kamid ah dhakhaatiirteeda ay ku dhinteen weerarkan qaar kalana lagu la’ yahay duqeynta.

Duqeyntan oo socotay muddo soddon daqiiqo ah ayaa waxaa ay sababtay in 37 ruux ay ku dhaawacmaan kuwaas oo 19 kamid ah ay ahaayeen shaqaalaha hay’adda MSF.

Inkabadan boqol bukaan ah ayaa ku jirtey isbitaalka iyo weliba dad qaraabo ay ahaayeen, hase yeeshee lama yaqaan inta ruux ee ku dhimatay duqeyntan,

MSF ayaa sheegtay in dhinayada duqeynta ka dambeeyay ay wargeliyeen goobta isbitaalka uu kaga yaal magalaada Kunduz.

Afhayeen u hadlay ciidamada Maraykanka ee Afghanistan Col Brian Tribus ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka ay duqeyn u geysteen magaalada Kunduz iyagoo bartilmaameedsaday shaqsiyaad ammaanka halis gelinaya.

Hase ahaatee afhayeenka ayaa qirey in ay dhici karto in duqeyta ay waxyeelo u geysatay xarun caafimaad haatan baaritaan lagu sameynayo.

WASIIRADDII HORE EE BATROOLKA NIGERIA OO LAGU XIRAY MAGAALADA LONDON

Wasiiraddii hore ee Batroolka Nigeria Alison-Madueke ayaa lagu xiray magaalada London ee dalka Ingiriiska, iyadoo xarigan loo sababeeyay arrimo musuq maasuq ah oo hey’ad caalami ah oo la dagaalanta musuq maasuqa ku soo eedeysay.

Hey’addan ayaa sheegay in ill-aa shan ruux oo loo heysto arrimo musuq maasuq lagu xiray meelo kala duwan oo London ku yaalla, waxaana lagu heystaa laaluush iyo dambiyo la xiriira lacago la la’yahay.

Shanta ruux ee la xiray waxaa ka mid ah Wasiiraddii hore ee Batro-olka Nigeria haweeneyda lagu magac-aabo Alison-Madueke.

Alison-Madueke ayaa muddo shan sano aheyd Wasiirkii Batroolka Nigeria, xilligii uu Madaxweyne ahaa Goodluck Jonathan, waxaana la she-egaa in musuq maasuq badan uu rag-aadiyay Hey’adda ugu sareysa Bat-roolka Nigeria.

Nigeria ayaa dhaqaalaha ugu badan ka soo gala dhoofinta batroolka, waxaana dhowaan Madaxweynaha Ni-geria Mohammadu Buhari uu sheegay inuu maamuli doono Wasaaradda Ba-troolka, kadib markii uu cid ku aamini waayay howsha wasaaradaas, isla markaana ay soo korortay musuq ma-asuqa ka jira.

ITOOBIYA OO SHAACISAY INAY SANNADAHA SOO SOCDA BILAABAYSO DHOOFINTA GAASKA DABIICIGA AH

Dowladda Itoobiya ayaa shaac-isay inuu Saddexda illaa Shanta sano ee soo socota Waddankoodu bil-laabayo dhoofinta Gaaska dabiiciga ah, kaddib markii deegaanka Sooma-alidu degto ee dalka Itoobiya laga he-lay keyd ballaaran uu Gaaska Dab-iiciga ahi ka buuxo.

Wasiirka Macdanta Itoobiya, Tolossa Shagi ayaa sheegay Jimcihii daraad inay rajeynayaan dhoofinta Gaaska Dabiiciga ah ay ka heli doo-naan Sannad Walba lacag dhan Hal bilyan oo doollarka Mareykanka.

Sidoo kale, Tolossa ayaa intaas raaciyay in shirkad laga leeyahay dal-ka China ay ka heshay deegaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya Ceel uu ku jiro Gaas Dabiici ah oo lagu Qiya-asay 4.7 Tirilyan.

"Dalku wuxuu billaabi doonaa dhoofinta Shidaalka marka la haqab-tiro baahida gaaska ee Gudaha dalka Itoobiya,” ayuu Wasiirka Macdanta da-lka Itoobiya hadalkiisa ku daray, mar uu warfidiyeenka kula hadlayay Xaru-nta Itoobiya ee Addis Ababa.

Ugu dabeyn, Wasiirka ayaa xu-sa in ammaanka halka laga qodayo ceelka aad loo adkeeyay, si looga hortago weerarkii dhacay sannadkii 2007-dii mid la mid ah, kaasoo lagu lagu dilay 65 Askari oo Itoobiyaan ah iyo sagaal shaqaale ah oo u dhashay dalka Shiinaha. Kuwaasoo u shaq-eynayay shirkad shidaalka baarta oo laga leeyahay Shiinaha.

Si kasta ha ahaatee, Weerarka lagu dilay 74-kan qof ee isugu jiray Shiine iyo Itoobiyaanka ayaa waxaa Mas’uuliyaddiisa Sheegatay Ururka ONLF ee kula jira Dagaalka Xukuum-adda Itoobiya.

DIYAARAD SIDAY 104 MEY-DADKA XUJEYDA IRAN OO KA DEGATAY MAGAALADA TEHRAN..

Ugu yaraan 104 ka mid ah mey-dadka Xujeydii reer Iran ee ku dhi-matay isbuurashadii ka dhacday dule-edka Magaalada Makka, ayaa waxaa shalay laga dejiyay Garoonka Maga-alada Tehran.

Xukuumadda Tehran, ayaa wa-xay si xoogan kaga hortimid in mey-dadka dadkeeda lagu aaso dalka Sacuudiga, iyadoona ku adkeysatay in dib loogu soo celiyo dalka Iran.

Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani iyo masuuliyiin kale oo dowl-addiisa ka tirsan, ayaa waxay ku sugn-aayen Garoonka Tehran, markii ay ka soo deganaysay diyaaraddii siday me-ydadka.

Madaxweynaha wuxuu sheegay inay jiraan boqolaal ka mid ah Xujeyda reer Iran oo nolol iyo geeri aan midna lahayn halka ay ku sugan yihiin, isa-goona Sacuudiga ku eedeeyay mid qarinaya tirada Xujeyda ku dhimatay Xajka.

Sacuudiga waxa uu ka digay weerarka dhinaca afka ah ee kaga imanaya Madaxda Iran, isla-markaana aan la siyaasadayn shilka ka dhacday wadada Mina ee duleedka Magaalada Makka.Boqortooyada Sacuudiga, ayaa waxaa la qirsan yahay in dadaal badan ku bixisay, sidii gurmad sax ah ugu fidin laheyd Xujeydii ku dhimatay, kuna dhaawacantay isbuurashadii wa-dada Mina.

Boqortooyada, ayaa sanad ka-sta mallaayiin dollarka Mareykanka ah ku bixisa Xajka, waxayna is bedelo waaweyn ku samaysaa dhismooyinka iyo wadooyinka Xajka.

DHAKHAATIIRTA AAN XUDUUDDA LAHEYN OO CAMBAAREYAY DUQEYNTA MAREYKANKA EE ISBITAALKA QANDAHAAR

Ururka ayaa ku dhaleeceeyay duqeyn ay Mareykanka ka geysteen Isbitaal ku yaallo magaalada Qanda-haar, duqeynta oo socotay ilaa 30 daqiiqo ayaa loo geystay Isbitaal ay gacnta ku hayaan hay’adda Dhakha-atiirka aan xuduudda laheyn

Isbitaalka la duqeeyay waxaa jiifay ilaa 100 bukaan, duqeynta waxaa ku dhintay 9 qof, waxaana ku dhaaw-acmay ilaa 37 qof oo ay ku jiraan 19 qof

Dagaal ayaa ka socda magaa-lada Qandahaar tan iyo markii ay gacanta ku dhigeen isniintii,

Hay’adda MSF, ayaa sheegtay in ay aad uga naxeen weerarka iyo dilka bukaanada isbtaalkeeda yiilay iyo shaqaalaheeda




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip