
Guddoomiye Cumar Finish oo dhagax dhigay Dugsi Sare oo laga hirgalinayo Deegaanka Gubadleey.
Maamulka deegaanka iyo qeybaha Bulshada ayaa Masuuliyiinta ku soo dhaweeyeen, waxaana ay ka hadleen Baahida ay u qabaan Bulshada Xarun Dugsi Sare maadaama deegaanka haatan laga dareemaayo isbeddel isla markaana ay ku adag tahay in magaalada Muqdisho ay usoo aadaan.
Sidoo kale waxaa goob Joog ka ahaa Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) oo la hadlayay Bulshada Deegaanka ayaa ku bogaadiyay inay sii wadaan Ololaha Isxilqaanka ka ah oo ay ku dhisanayaan xarumaha Danta Guud ee Bulshada loogu adeego.
Maamulka deegaanka Gubadleey ayaa hore ololaha isxilqaan ugu dhisay Saldhiga Booliska ,Dusgiga Hoose iyo dhexe, iyo sidoo kale xarunta maamulka oo ka kooban Garoonka Ciyaaha,Xarun iskuul,qeybaha xafiisyada maamulka iyo sidoo kale qeybo kale xarunta Cisbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee deegaanka.
ugu dambeyntii dhismaha iskuulka Gubadleey ee maanta la dhagax dhigay waxaa iska kaashanaya maamulka gobolka Banadir iyo wasaaradda waxbarashada Dowladd Federaalka Soomaaliya
Guddoomiye Cumar Finish oo dhagax dhigay Dugsi Sare oo laga hirgalinayo Deegaanka Gubadleey.
Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxmed (Cumar finish) iyo sii hayaha wasiiru-dowlaha wasaaradda waxbarashada xukumadda federaalka Soomaaliya M.Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa Maanta Deegaa